Get Adobe Flash player

 

Siyaasadda miyaa la isku xisaabiyaa ayaanka iyo ayaan-darrada? – W/Q. Prof. Cabdi Cali Jaamac

Tan iyo intii la doortay xukuumadda talada waddanka heysa waxa jira dhacdooyin badan oo is daba jooga oo la soo darsay.  Kuwa xusidda mudan waxa ka mid ah, samaysankii Khaatumo,

wadahadalladii Somaliya iyo Somaliland, weedhkii doorashadu innagu soo celisay, maciishaddii oo cirka isku sii shareertay iyo shimbiro waaqlayntii innagaga timid dawlado waaweyn sida ingiriiska iyo mareykanka. Waxa laga yaabaa,  akhriste,  inaad ku doodo oo tidhaa: waa maxay ayaanka iyo ayaan darrada aad ka hadlaysaa, dhibaatadani waa mid ku timid hoggaan xumada iyo siyaasadda aan jahada lahayn ee waddanka ay ku waddo xukuumadda talada haysaa!!!. Khatumo in ay samaysanto miyaanay sabab u ahayn xidhiidhka dawladaha jaarka oo murkacday markiiba!!!. Maciishadda qaali garawday miyaanay sabab u ahayn cashuurta sida indho la’aanta ah loo kordhinayo maalin kasta!!!. Qalaanqalka ka dhashay doorashadii golayaasha degaanka  miyaanay keenin kalsoonidii dhaawacantay doorkii hore ee la kala reebayay xisbiyada !!!!. Qeylada ka soo yeedhay dawladaha waawayn ma wax mar uun soo booday baa miyaanay ka horrayn calaamado muujinaya hoombaro libaax bay soo waddaa?!!! Bes, bes halkaa iigu jooji.  Waan fahmay,  akhriste,  nuxurka dooddaada, laakiin ha iga degdegin, maxaa yeelay anigu saangaabta ayaaban ka raacayaa si aan uga fursano muran waqti badan innaga qaadan kara innagoon waxba isla meel dhigin.

Siyaasadda sideedaba,  marka laga hadlayo cidda xukunka haysa, ma waxa loo xisaabiyaa wax qabadkooda iyo waxqabad la’aantooda, mise ayaanka iyo ayaandarraduna way ku jirtaa oo waa la isugu bun tirsadaa. Haddii ay jawaabtu tahay la isu qaban maayo ayaanka iyo ayaandarrada, maxaa riday xukuumaddii Giriigga ee uu hoggaminayaay Raisul wasaare Banbadar  ka dib markii khalkhalka dhaqaale ka dhacay dhawaan waddankaas.  Maxaa galaaftay iyana xukuumaddii Berleskoni ee talyaaniga. Labaduba waxay la kulmeen mashaakil dhaqaale oo salka ku haya deyntii dawladdahoodu qaadanayeen laga soo bilaabo dagaalkii labaad ee adduunka oo xadhaaf noqotay, foolxumadii deyntaasina ay gaar ahaan soo ifbaxday ka dib markii dhaqaalaha waddamo badan oo reer galbeed ah oo ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Giriigu uu hoobtay. Runtii labadaa Ra’iiisal wasaare iyo xukuumadahooduba  waxay ka dhignaayeen sakaaradii budhka la kulantay.

 

Marka laga yimaaddo nasiib iyo nasiib-darroyin ee aynu ka hadlayno waxqabad iyo wax-qabad la’aan, xukuumadda immika talada heysaa waxay inoo taxi kartaa liis dheer oo ka kooban waxyaalo la qabtay, taasoo inta badan ku salaysan ballanqaadyadii xilligii ololaha doorashada. Runtii  madaxda sare ee xukuumaddu mararka qaarkood waxaad dareemaysaa in ay ka muraarodillaacsan yihiin sababta dadku u qiri la’yihiin ee ay ugu ixtiraami la’yihiin waxaas oo waxqabad ah oo waliba ay qaar badani yihiin ballanqaadyadii ay u qaadeen dadka xilligii doorashada.

 

Runtii mid baan isleeyahay wey jirtaa oo malaha seegtay madaxda xukuumadda, taasi waxa weeye in guusha siyaasadda-- kalsoonida dadka-- aan lagu heli Karin waxqabad la qorsheeyay xilli hore oo ah waqtigii doorashada—haa waa mid ka mid ah waxyaabaha lagu heli karo kalsoonida—laakiin kuma fila kaligeed. Maxaa yeelay waxa soo baxaya sida caadiga ah doorashada ka dib arrimo kale oo maalin walba soo kordhaya. Dadkuna waxay qiimaynayaan sida aad uga falceliso waxyaalaha soo kordhaya maalin kasta, halkaasoo ay ka dheehanayaan sida aad shaxda ama Game-ka u ciyaarayso iyo illaa heerka ay gaadhsiisan tahay xarfaddaada, halabuurkaaga iyo guud ahaan isku kalsoonidaada illaa inta ay hubinayaan inaad tahay darawal ka adag gaadhiga wadistiisa.

Taas macnaheedu wuxu noqonayaa inaad qalad fahantay haddii aad u qaadato in dadku kaaga fadhiyeen waxqabad buug lagu qoray oo kaliya. Maya,  haddii ay dadku kaa waayaan xarfadda aynu kor ku soo sheegnay waxa dhacaysa inay damcad yeelan weydo waxqabad xaashi ama loox ku qornaa oo aad fulisay. Maxaa yeelay adigoo muwaadinkii ahi waxad iga rabtaa in aan kuu xoqo halka ku cuncunaysa immika,  aniguna waxaan ku leeyahay horta waxan kuu xoqayaa halkii shalay ku cuncunaysay ee i yar sug.!!!! Tusaale ahaan ma laga yaabaa maciishadda sii qaali garawday sida hilibaka, dhuxusha IWM  oo dawladdu ka hadasho, waxna ka qabato in ay ku heli karto kalsooni ka badan ta ay ku heshay bixinta darajada ciidanka oo ku qornayd buuggii ballanqaadka.

Dhinaca kale,  si aynaan caddaalada uga fogaan,  waxa mudan in si gaar ah  loo xuso laba qodob oo iyaga laftoodu buugga balanqaadka ku qornaa,  isla markaana noqday waxqabad ka jawaabay baahi iyo baylah jirtay. Kuwaasi waa waxbarashadii dugsiyada hoose ee lacag la’aanta  laga dhigay iyo mashruuca Biyo galinta caasimadda oo qeybo badan lagu harraadan yahay.  Biyo galinta caasimaddu waa meel kale oo dadka cuncunaysay taasoo ah meelaha ay xukuumaddu hadal hayso, dadaalna ka waddo.  Qodabadaa aynu kor ku soo sheegnay iyo kuwa la mid ka ahi waqti ma laha iyagu,  waa kuwo soo dhawayn mudan loona baahan yahay in muwaadiniintu u qiraan dawladooda si ay u sii dhiirato.

Isku soo wada xoorriyoo,  marka aad hoggaamiye tahay waa in aad kalsoonida dadkaaga aad ku kasbato weedhaada ka soo maaxanaysaa waxaad rumaysan tahay,abbaarista kolba halka daran, falcelintaada xikmadda ku dhisan iyo xulashada dadka xil-kaska ah ee kasban kara kalsoonida muwaadinka aanay isku heybta ahayn!!!!!!

www.profabdiali.blogspot.com

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.