Get Adobe Flash player

 

Awoodaha Sheellan! – W/Q. Cabdibaasid Cismaan

“Dadku siigga dida maaha,
Sogob iyo ri’weyn maaha,
Sumal iyo laxdiis maaha,
Rati iyo sabeen maaha!” – Maansada ‘Sirta Nolosha’ – Hadraawi, 1986.

Waxaad ka mid tahay makhluuqaadka ku uumman adduunka ee Rabbi kawnka dul saaray. Waxaad ka sii tahay neeflaha midkiisa ugu muunad, mug iyo miisaan habboon. Waxa ku saaran mas’uuliyad adiga kuu gaar ah. Waxaad huwan tahay maamuus iyo marwaad. Waxa lagugu galladay oo guudkaaga sudhan sharaf ay ka qatan yihiin inta kula gudboon ee khaaliqu abuuray. Dabcan, si aad uga soocnaato inta soo hadhay, waxaad leedahay maskax, garaad, maqal iyo aragti si daran doorri ah u wadaaga dareennada caqligaaga ku gaaxsan.

Abuurkaagu wuxuu ku dhisan yahay ula jeed dheer iyo micna qoto fog. Sedka aad haysato iyo sifaha kugu gedaaman ee gaashaanka kuu ahi maaha mid aad ku mutaysatay xoog iyo sed bursi, mana aha hadiyad kale, bal se waa mid Alle (SWT) ilhaamkeeda, haybaddeeda iyo heensaheedaba kuu hanneeyay, si aad baadi sooc uga yeelato dirka aad ku abtirsato. Muhiimaddu way qeexan tahay, ilamana aha mid madmadow iyo muhmal geli karo.

Xeeladda iyo sirta ay xambaarsan tahay nolosha ibna-aadamku waa mid xeel-dheer, una baahan in la xaydo, la sargooyo, la saafo, sida ugu habboonna loo sugo oo loo adeegsado. Ka sokow suuradda, sinjiga iyo sawraca aan saluugga lahayn ee Rabbi kuu sameeyay, waxa laguu dhaafay qabya tirka nolosha inta kula ayniga ah iyo sidii aad uga midha dhallin lahayd xaqiijinteeda.

Safarka dheer ee ay dunidu ku sugan tahay iyo halganka nolosha ee socdaalka loogu jiro, ma dareensan tahay inaad qayb ku leedahay? Ma kuu daarran tahay inaad saamigaaga la wadaagto bulsho weynta kugu xeeran? Ma kuu dhacsan tahay in aad ka tirsan tahay dadyawga heeganka ku jira ee u heellan siday u hantayi lahaayeen  wax aanay hayn? Hadday jawaabtaadu tahay ‘Haa’, ma kula tahay in hankaaga aad gaadhsiiso halka ugu durugsan? Ma se tahay mid ka run sheegi kara himiladaas?

Inta aad ku hawlan tahay hadallo iyo hilimmo ay hebello hore uga hadleen ama se mareen, ma isku aragtaa mid iskii wax u abqaali kara? Ma se yaqiinsan tahay in kaalintaadii weli bannaan tahay oo ay bulshadu weli u hammuun qabto sidii aad uga haqab tiri lahayd? Marka aad weydiimahaas warcelintooda heshid ayaad hummaagga aad rabtid haybsan kartaa, una hanqal taagi kartaa. Markaas ayaa hiyigaagu gaadhi karaa halka uu hilaadintiisa ku hawlan yahay.

“Noloshaba inaad saafto,

Qaabayso saabkeeda,

Waxaan suurtogalin maaha!”

Cabdibaasid Cismaan Jaamac

Qoraha kala xidhiidh barta FACEBOOK

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

SI-ARAG © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.