Get Adobe Flash player

 

 

Tusaalayaasha Qur’aanka – W/Q. Faarax Xuseen Maxamed “Canbaashe”

حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر

Intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) ka madow (aroortii)

- Eebbe sarreeye oo hufnaaye waxa uu kitaabkiisa inoogu tilmaamay waxyaalo badan.  Adduun iyo aakhiro wax badan ayaa la inoo iftiimiyey. Siyaabo kala duwan ayaa wax la inoogu sheegay si fahamku u soo dhowaado ujeedadana loo garto.

Hababka uu qur’aanku isticmaalo waxa ka mid ah tusaalayaal, isu ekaysiin laba shay oo is shabaha, iyo kuwo kala tagsan oo isku liddi ah, sida habeen iyo maalin, mugdi iyo iftiin, iyo kuwo kale oo lamid ah. Ujeedada ka danbeysa waa in la ina dhacsiiyo arrimo waaweyn oo la rabo in aynu dhug u yeelano. Mararka qaar waxa la inoo soo tebiyaa qisooyin hore u dhacay si loogu cibro qaato. Marar kalena kuwo aaan dhicin ayaa la rabaa in aynu sawirro oo malayno si iyaga laftooda casharo looga qaato “…Sidaasaa Eebe mataallo ugu sheegaa dadka in ay fikiraan darteed “Al-Xashr- 21”.

Intaa marka laga yimaado waxa la ina faray in aynu eebo caabudno, waqtiyo go’an siyaabo gaar ahna u caabudno. Cibaadadaa waxa in badan lagu xidhay waqti u gaar ah oo u baahan in la hubiyo. Sida: amminta Salaadaha, Soonka iyo Xajka ayaa ka mid ah cibaadoyinka waqtiga gaarka ah ku xidhan ee la rabo in loo fiirsado marku bilaabanayo iyo markuu dhammaanayo. 

Aayadda kor ku xusan waxa la inagu barayaa waqtiga la rabo in la bilaabo soonka, maalintu halka ay ka billabanay iyo halka ay ku dhammaanayso. Waxa la ina siiyey tusaale aad u yaab badan. Kala siibanka habeenka iyo hiirta waaberi ayaa la inoogu shabahay ‘laba dunood’ oo laba midab leh. Waxa la is weydiin karaa sidee loo kala arki karaa labada khayd ee samada ku dheraran midabkooda. Ujeedada laga leeyahayse waa in la ina tuso sida uu u miiqanyahay farqiga u dhexeeya habeenaka aakhirkiisa iyo maalinta awalkeedu.  Waa cibro la inagu dareensiinayo farqiga laba shay u dhaxayn karaa sida uu u fiiqan yahay. Mar kasta oo aan aayandan akhriyo waxa ii soo baxa; in nolosha oo dhan ayaadan lagu miisaami karo.

Farqiga u dhaxeeya waayaha noloshu waa sida duntaas oo kale; Maxa u dhexeeya Runta iyo beenta maxa u dhexeeya xaqa iyo baadilka, Xaaraanta iyo xalaashu intay isu jiraan? Doodo badan iyo umuuro badan oo adduunka la isku maan dhaafsanyahay hadaad dhab u fiiriso waxa kuu soo baxaya in ay adag tahay in si fudud loo kala saaro. Sida labadaa dunood ee Eebe waaberiga iyo habeenkii madoobaa inoogu sifeeyey.

Waxa la wariyaa in markii ay aaydaa qaybteeda hore soo degtay in saaxabada qaar ay soo qaateen laba miiq oo kala midab ah (caddaan iyo madow) oo ay isku gunteen dabadeed sugeen inta ay si wanaagsan u kala muuqdaan! markii danbe ee la raaciyey ‘من الفجرayaa la gartay in loo jeedo ‘waaga’ ee aan ujeedadu ahayn laba midab oo la kala saarayo (Ibn-Kathir).

Tusaalayaasha iyo halhaysyada qur’aanka oo dhamina waa sidaa, waxa looga gol leeyahay in macnaha la soo dhoweeyo si ujeedada loo garto marka danbena loogu dhaqmo.  Garashadu waa cilimigii la inagu dhiiri geliyey raadintiisa iyo barashadiisa, camalkuna waa kii la ina faray ee markii horeba loo gol lahaa. “Waxad dhahdaa Camal fala wuu arki Eebe Camalkiina iyo Rasuulkiisu iyo mu’miniintu Waxana la idin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo waxa jooga idiinkana warrami (abaalmarin) waxaad falaysaanAt-Towbah 105’.

Faarax Xuseen Maxamed “Canbaashe”

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Facebook: Farah Mohamed-Canbaashe

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.