Get Adobe Flash player

 

 

ISA-SEEG – W/C. Sakariye Awaare

Soddonkeeda Ramadaan haddaan, soomo ajarkeeda

Sahwi yeelkadiisee haddaan, galo salaaddiina

Safka hore haddaan buuxiyoo, subax jarmaadaayo

Sunnihii haddaan qirayo oo, faral sujuudaayo

Soofkii haddaan bixinayoo, sakada dhiibaayo

Nin siraad u muuqdaan ahoo, waan soconayaaye

Aakhiro haddaan teeda sugo, waa sed ii maqane

Adduunkana inaan saami helo, sahanku weeyaan.

 

Labadaa sifee kala fogbaa, sudhan hankaygiiye

Ta saxdaa anoo garanayaan, khalad sameeyaaye

Siday rabto nafaydiyo anigu, kala si weeyeene

Saqda dhexe habeenkii tashigu, noo sal dhigi waaye

Shayddaan sabaalaynayaa, siraya waa noole

Xumaantana Ibliis ii sakhira, oo sunaa jira e

Sawirkiyo dhalaalkaa I hoda, yaalla suuqyada e

Danta waxa i seejiya hablaha, saarka loo qabo.

 

Qof silloon mar baan toosiyaa, samo u sheegaaye

Marna aniga oo saaxiyaan, yara sagsaagaaye

Marmar baan sursuur oodan iyo, surin la leexdaaye

Saamalaylka marar baan galaa, gaadh sidaan ahaye

Su’aaluhu mar bay igu bataan, waar maxaa siyahe

Sababtayda marar baan qof kale, dusha ka saaraaye

Inkastaan siraad iyo dariiq, saani ugu tooso

Ama aan samaan iyo xumaan, kala sifaynaayo

Kuwo suubban qaar saafiyiyo, saaqid iyo caalim

Saaxiibbaday baa in badan, igu leh saamayne

Sal-fudaydka iyo booddadiyo, sibiq-dhaqaaqayga

Waa waxa safkaygiyo Boqorre, igu saluugaane

Safxadaha dunuubtee aan galay, qalinku saameelye.

 

Qof kastoo i suuldaaray beri, waan ka saamaxaye

Iima kala sokeeyaan dadkuna, sumadyo reer-reere

Runta kuma safaadiyo xaqoo, waan u saahidaye

Abidkay ba uma sacabbo-tumin, ruux xil ii sida e

Intaan daallin saaciday bulshada, maan sadqayn weliye

Rag baa sumuni dhaafsada intay, sharafta saydhaane

Mabda’ iyo afkaar aan sitana, shilin ma siisteene.

 

Allahahayow adaa seefta haya, mawdku uu sido

Samir malaha aadmigu haddaad, siisay amar weyne

Ma sahlana qiyaamaha haddii, suurku uu dhaco e

Adigaa sameeyoo dunidan, saaray noolaha e

Adigaa quluubtana ku suga, sadarka diimeed e

Samhariira hay gayn Alloow, saatir baad tahaye.

Sakariye Saxardiid Axmed “Awaare”

Email:This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Facebook: Sakariye Saharded Ahmed

Burco, Somaliland

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.