Get Adobe Flash player

 

 

Baroortii Cambaro – W/Q. Maxamed-Burco

Waxa ay toostay iyada oo la leeyahay waa goor danbe ee kac. Kaltuun waxa ay hooyaddeed Cambaro kicisaa inta aan qoraxdu soo bixin, si ay reerka ugu dubto quraacda, dabkana u gu shiddo.

Saaka se hurdadii baa la tagay oo dhowrkii goor ee hore ee la kiciyay ma bay maqleyn. Kac oo adhiga lis aan dabka shidee ayaa hooyadeed ka daba tidhi iyada oo fooldhaqaneysa. Naa sidaad leedahay biyaha, maxaad sidaas ugu qubeysaa? Alla lexejeclo darannaa inantu! Tani waa ba aabbaheed oo kale! Erayaddani waa kuwa ay maalin walba maqasho Kaltuun. Illaa iyo intii ay garaadsatay waxaa la gu lahaa biyaha sidda ka daa. Hadda oo ay kaliil tahay oo dayrtii soo raagtayna, waxaa u sii dheer maagista, harraadka joogtadda ah iyo biyo yaraanta soo wajahday tuuladda.

Kaltuun marka ay adhiga sii dayso, waxaa had iyo goor  hooyaddeed ka daba timaaddaa iyada oo adhiga eekaysay oo geed hadhleh oo u dhow aagga ay adhiga daajiso fadhida. Maalin kasta waxa ay ka fekertaa sababta adhigoodu u dhaafi waayay afartankan neef ee subax walba la gu maago waad ka habsaantee sii daa iyo dhibaatadda joogtada ah ee aabbaheed iyo hooyadeed kala haysata. Naa maxaa hooyo ku fadhiisayay geedka? Maxaad dhabanada la haysaa siddii 70 jir goblan ah? Naa kac oo adhiga ka soo celi kobtaas?

Cambaro ma oga, in inanteedda Kaltuun ay la yaabban tahay adhigooda maalin ba maalinta ka danbeysa ka sii yaraanaya 40-ka neef ee aabbaheed sii dabar jarayo. Cambaro ma qiyaasi karto in dhibaatadda ka muuqata jidhkeeda ay si ka daran uga muuqato qalbiga inanteeda. Kaltuun aabbaheed Budhlarroor waxa uu seexdaa xero geesha. Geela xerada ku xaroodaa waa laba halaad iyo labadoodii neef. Muddo ku siman toban sanno waxa uu Budhlarroor lahaa afar halaad oo lammaan. Abaartii tan ka horraysay baa laba halaad oo reerku aad u jeclaa kala hadhay. Laba qaalmood oo ay dhalleen halahaas bakhtiyayna, waxa khasab ka ga qaaday inaadeerkii Colhaye oo mag la gu lahaa in muddo ah ka ga bixiyay.

Budhlarroor waxa uu leeyahay shan carruura oo ay Kaltuun ku jirto. Reerka waxa ugu weyn inankiisa Xasan oo laba sanno ka sii maqan guriga. Budhlarroor waa oday aad u kulul oo qaad cun badan. Waxa uu adhiga oo 150 neef ah oo ido iyo riyo ba isku gu jira ka dhaxlay aabbihii Cali Dheere. Aabbihii wuxu sii mootan yahay muddo ku siman 10 sanno. Budhlaroor waxa uu guri lahaa markii aabbihii dhintay muddo ku siman toban gu’. Waxa uu la yaalay aabbihii sidii uu u guursaday ba. Hooyaddii suubban waxa ay ka horraysay aabbihii afar sanno.

Budhlaroor waligii ba aabbihii wuxuu ku canaanan jiray lexejeclo la’aanta. Illaa afar goor baa ay gabadhu ka duday inta uu dilay. Aabbihii wuxuu markastaba isku dayi jiray in uu reerka ilaaliyo, Cambarana waa ay u rooneyd odayga Cali Dheere.

Illaa iyo intii odaygu geeriyooday Budhlarroor waxa uu labanlaabay balwaddii. Qaadka waxa uu u cunaa si aan la arag oo aan la maqal. Markasta oo ay lacagtu isku gaadho, Budhlarroor adhigiisa waxaa 5 neef in ku dhow ka xeysta dhowrkii bilood ba ninka qaadka siiya oo la dhaho Axmed Dable. Axmed Dable waa nin sigaar cab badan oo ay dadka tuuladu u bixiyeen Dable. La ma arag Axmed Dable oo aan afkiisa sigaar ku jirin. Dad badan baa u aaneeya in sigaar cabka badan uu sabab yahay xanuunkiisa joogtada ah iyo suuxitaanka uu leeyahay.

Kaltuuneey! Kaltuun! Aabbe ii keen quraacdda. Budhlaroor oo hadda toosay baa intaas ku tiraabay. Naa hoo u gee odayga baas quraacda. Waxaas uun baa xiligaas kacaya, wax allaale iyo waxa uu noo gu filan yahay ma jirto. Anigaa ka tagi waayey, wax la eegto iyo wax la la joogo toona ma aha. Cambaro ayaa erayadaas dhego hadalka ah subax walba ugu tiraabta Budhlarroor. Muddo labo sanno ah waxa ay ka cabaneysay intaas uurku jirka ah oo waxa ay dooneysay, in ay tagto dhakhtar ku yaalla magaaladda Burco. Waxaa ka ga dhacay budh uu ku waday inankiisa sannadkii hore. Odaygu waa u daran yahay carruurtiisa. Marka la ga tago Kaltuun oo uu aad u jecel yahay. Waxa uu had iyo goor uu dilaa Xasan iyo inankiisa Nuur Dalab.

Badhlarroor marka uu quraacdo waxa uu u shir tagaa tuuladda. Reerka waxaa u dhaamiya inanta Kaltuun iyo walaalkeeda ku xigga ee Nuur Dalab.

Badhlaroor had iyo goor uma jawaabo islaantiisa. Haddii uu jawaabana waa maagis iyo qaylo wadda socota. Kaltuun waxa ay ku garaadsatay aabbaheed oo maaga hooyaddeed. Waxa ay in badan is weyddiisay in ay caado tahay in dumarka raggu maagaan oo dilaan. Waxa ay aad u xasuusataa subax uu Budhlarroor aad u dilay Cambaro. Subaxaas waxaa qayladii ku soo yaacay dhammaan qoysaskii hareeraha ka xigay. Waligeed maalintaas buu dilay Budhlarroor inantiisa Kaltuun. Khilaafku waxa uu ka bilaabmay markii uu neef ay lahayd islaantu is yidhi ka xeyso oo deyn qaad oo la gu lahaa iska ga bixi. Murankii iyo dhaartii faraha badneyd waxaa ka dhashay dhowr nabar oo dakharro u badan oo soo gaadhay Cambaro. Baroortii Cambaro waxaa ku soo yaacay carrurrteeda oo maalintaas si aad moodo in ay is abaabuleen u ga celiyay islaanta odayga. Waa maalinta uu aad ula sii colloobay inankiisa Xasan. Budhlarroor waxaa mar walba ku soo noqnoqda erayaddii habaarka ahaa ee inankiisu maalintaas ku yidhi ‘’Illaahay subaxaas saaka ah na gu ma kaa soo celiyo’’. Odaygu maalin walba oo uu murqaamo waxa ku soo noqnoqda erayaddaas foosha xun ee inankiisa ka ga yimid. Colaad uu u qaaday maalintaas oo ku sii fogaatay, ayaa keentay in uu inanka habeen madoow gaadhsiiyo nabar aad u daran, oo keenay aakhirkii in uu ka firdhado tuulada.

Hooyo maanta saabuun inoo ga soo qaad dukaanka Ilma Cabdi Madoobe. Na gu qora dheh hooyo dayrta marka ay da’do ayaanu ku  siin doonaa iyadda iyo intii hore ee daynta ahayd e’. Budhlarroor reerka uga ma adka macal saabuunta. Cidi ba wax u ma dirsato. Gu’gii dhowaa baa heshiis la ga ga saxeexay in aanu soo fara gelin Cambaro iyo reerka maamulkiisa. Inaadeerkii Colhaye ayaa inta badan reerka ka war haya oo hadba wixii ay u baahdaan u keena. Colhaye waa nin ba’an bal se naxariis badan.

Cambaro waxa ay subax walba ay faalleysaa sidii ay magaaladda Burco ugu guuri lahayd. Jago bannaan oo inaadeerkeed leeyahay bay maanka ku haysaa in ay degto. Bal se waxa aan u muuqan wax qorshe ah oo ay ka ga baxsan karto kharashaadka badan ee magaaladu leedahay.

Kaltuuneey hooyo caawa waxa aad moodaa in aan si u xanuunsanayee, adhiga lis oo hooyo koob shaah ah ii keen marka aad adhiga dhammeyso. Caawa cambaro waa ay dhaxmooneysaa. Dhammaan jidhkeeda oo dhan waxaa ka baxaya xumad iyo kuleyl aad mooddid in dab la gu shidayo. Cambaro in muddo ah oo ay xannuunsanaysay cabashadeeda dheg jalaq loo ma dhigin. Intaas waxa ay sugaysay in roobku da’o si ay magaaladda u qabato. Intii ay Kaltuun adhiga lisaysay baa, cambaro ka sii dartay. Qof weyni wadkii waa yaqaane, durbaddii ba waxa ay biloowday taah iyo in ay ashahaadato. Halkii ay ku tukatay salaaddii maqrib ka ma ay kicin. Markii ay Kaltuun u timid na waxa ay ku tidhi hooyo ii gu yeedh Nuur. Waar Nuuroow, Nuuroow, soo carar hooyo waa ay xannuunsanaysaaye. Hooyo maxaa ku gu dhacay? Hooyo maxaa ku kululeeyay? Ayuu ku qayliyay Nuur.  Hooyo Nuurow orodoo adeerkaa Colhaye iigu yeedh.

Ashahaaddu ka ma dhammaaneyso afka Cambaro. Sida ay u gu celcelinayso waxa aad mooddaa in ay meel ka akhrinayso. Cambaro waa qof aad u wanaagsan oo aan dhibaato badneyn. Salaadda iyo Alle ka cabsiga waxaa ku ammaana dhammaan dadka tuulada.

Kaltuun, xaaladdan oo kale waligeed ku ma ay arag hooyadeed. Caruurtii kale ayaa dhammaan isa soo wadda ag tubay. Intii uu ku maqnaa Nuur adeerkii Colhaye, ayaa islaantii cirka iyo dhulka la sii mariyay. Ashahaaddii faraha badneyd waxa ay Kaltuun ku ridday argaggax iyo baqdin. Oohinta carruurta ayaa kala istaagi weyday. Kaltuun oo u eeg qof muddakar ah waxa ay yaqiinsatay in hooyadeed maanta la soo doonay. Ilmadda ayaa qoysay dhabankeeda. Waxa ay dul taagan tahay hooyadeed oo ash’haaddii u danbeysay sii akhriyaysa. Wax dardaaran ah oo ay uga tagtay Cambaro reerka ma jirto aan ka aheyn, intan ay ku tidhi inanteeda Kaltuun ‘’Hooyo naftu sida ay noqon ma ogiye, haddii ay taydii noqoto caawa reerka ogoow hooyo. Hooyo cid aan adiga aheyn reerka uma maqna’’. Qayladdii Kaltuun iyo baroortii carruurta ayaa ay maqleen Colhaye iyo Nuur Dalab oo in door ah u soo jira guriga.

Iyaga oo xiiqsan bay isa soo dultaageen, mise waa ba meyd. Nuur oohintii buu la suuxay oo ma ba uu soo kicin. Colhaye na talo ayaa ku caddaatay. Naxdinta iyo neefta ka baxaysa Colhaye waxa ay dib u xasuusisay maalintii uu ugu garnaqayay Budhlarroor iyo Cambaro dhakhtar ha i geeyo.

 Colhaye waxa uu dhowr goor garaacay taleefanka Budhlarroor. Budhlarroor sidii caadada u ahayd ka ma uu qaban taleefankii. Waar waa kii Colhaye ee magta iyo maagista uun la socon jiray. Waar na ga tag dheh ayuu hoos u yidhi isaga oo moobilka jeebka sii gelinaya.

Qayladdii iyo sawaxankii waxaa soo buuxiyay gurigii dhammaan dadkii aagga ka ag dhawaa. Waxaa la la hadlay Cambaro hooyaddeed oo tuulo 100 Km u jirta ku nool. 

Habeenkaas waa uu dhaxay Budhlarroor waxaa na u sheegay in islaantiisii dhimatay Axmed Dable oo uu kala dhuumanayay lacagtii qaadka.

Maxamed Cabdillaahi Guuleed “Maxamed Burco”

Email:This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Burco, Somaliland

23-ka, Oktoobar, 2016

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.