Get Adobe Flash player

 

 

Sharci-yaqaan ma ihi, Laakiin Sharci-darrada waan gartaa! – W/Q. Xuseen-Badhaani

Ma ihi dhaqaale-yahan aqoon u leh nidaamka dhaqaalaha, bangiyada, iyo lacagta midnaba. Sidaa darteed ma samayn karo falaqayn toolmoon oo lagu darsayo dhaqaalaha waddankeenna

Somaliland, gaar ahaan hoos-u-dhaca lacagta Shillinka SL iyo sixirbararka qiimaha ascaarta ee cirka isku sii shareeraya kaas oo shacabkeenna dhaxalsiinaya inay qaarna ku masallafaan qaarna ay waxbaba iibsan kari waayaan.

Haddana waxaan tabayaa cid si mug leh u samaysa daraasad ballaadhan oo ku tacalluqda dhaqaalaha Somaliland, si wax looga ogaado caqabadaha dhaqaale ee jira, sababaha keenay, baaxadda ay le’eg tahay iyo tallaabooyinka lagaga bixi karo si loo daweeyo dhibaatada dhaqaale ee waddanka regaadisay guud ahaan iyo shacab ahaan ba.

Sheekaba sheeko ayay keentaaye, maalin ka mid ah maalmihii Somaliland aad looga hadal hayay furritaanka ururrada siyaasadda ayaa idaacadda BBC Somali dood arrimahaa ku saabsan qabatay. Dooddaa waxa ka soo qaybgalay rag badan oo siyaasiyiin iyo waxgarrad ah oo ku kala fikir duwanaa arrinta.

AHN abwaan Gaarriye ayaa doodda ka qaybgalay dabadeedna wuxuu yidhi: “Anigu SHARCIGA ma aqaano oo Sharciyaqaan ma ihi, laakiin waxaan gartaa SHARCI-DARRADA, sidaa darteed Saaxiibkay Madaxweyne Siilaanyo isaga ayaa ballanqaaday oo ololaha ku soo galay waxaan furayaa ururrada Siyaaddeed markaa hadduu iminka yidhaahdo ma furayo ururrada waa sharci-darro, kamana filayo inuu sidaa sameeyo. Annigu Gaarriye ahaan waxaan taageersanahay in la furo Urrarada siyaasadeed"

Imika waa halkii abwaankee, anigu ma aqaanno dhaqaalaha oo dhaqaalayahan ma ihi laakiin waxaan aqaan oo aan garanayaa oo aan dareemayaa dhaqaale-xumada. Waxyaabo badan ayaa ka masuul ah dhibaatada dhaqaale-xumo ee sixir bararka iyo qiima dhaca lacagteenna, waxaa sabab u ah qodobbadan:

1. Awood yarida iyo madax-bannaani la’aanta Baanka Dhexe ee JSL.

2. Maqnaanshaha Sharcigii Maamulka Baanka Dhexe ee lacagtaba JSL, iyo sharciyadii guud ahaan ba lagu xakamayn lahaa dhaqaalaha waddanka.

3. Isticmaalka iyo dhiirrigalinta lacagta US Doller ka ee xadhkaha goosatay, hadday tahay haya’da dawladda iyo shicibkaba.

4. Mishiinada lacagta sameeya ee Zaad iyo eDAHAB ka, waayo Baanka Dhexe uma yaallaan lacag u dhiganta ta ay digit ahaan ugu jirta Mobillada dadka. Kaba sii daran’e iyaga ayaa intay lacagtii US Doller a ahayd gebi ahaanteed ba ay urursadeen dadkii iyo dalkiina lacag hawo ah ku khiyaamay.

5. Lacagaha sida joogtada ah loo soo daabaco, oo wiiqay qiimihii iyo wax-goyntii (Purchase power) ay lacagteennu lahayd.

6. Maqnaanshaha Siyaasad cad oo Dhaqaale taas oo lagu maamulo guud ahaan dhaqaalaha waddanka.

7. Ganacsatada waaweyn oo ka awood batay dawladda hadday tahay dhanka sargoynta qiimaha ascaarta, sarrifka lacagaha, kuwaas oo aan waliba bixin cashuurihii ku waajibay 70%.

Anigu intan baan u sibirsaarayaa hoos dhaca dhaqaale, sixir bararka iyo qiime dhaca lacagteenna shilling ka.

Adigana Dhaqaalayahanow taladii ayaanu kaa sugaynaa, waayo taydani waa iska hadal-tirasho eh, waxaan ku leeyahay:

“Waxaan doonayaa talo

Talo iigu soo darta

oon iiga sii daran.”Dabataxan, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” (AHN).

Allow eex ma tiraabine

Aqoon haygu caddaabin!

Xuseen Cabdi Cali “Badhaani”

BSc in Mathematics

MA in Curriculum and Instruction

Facebook: Xuseen Badhaani

Qalinleyda I © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.