Get Adobe Flash player

 

 

Saldhig Berbera ah iyo Weydiimo la xidhiidha – W/Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi

Waxa la yidhi Soomaaliland iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku heshiiyey saldhig ay dawladda gadaal ka magacdhabani ka dhisato Berbera. Adduunka maanta way ku badan tahay

dawlad saldhig millatari ku leh dal shisheeye oo la yaab ma laha; ma se aha, run ahaan, wax la isku majeerto, faan na hadalkii daa. Ayada oo sidaas ah, hadda ka ma maarmaayo in aan afeef hore dhigto; waayo waxa aynu nahay dad aan si hufan wax isu weydiin aqoon, arrimahooda na uga doodi karin. Hal iyo halcelinteedba, odhashadeennu waxa ay u badantahay ‘qarandumis, qaswade iyo ka wax daran’.  Aniga hadda, qof na ii ma eedaysna ee su’aalo arrinka ku saabsan oo igu wareegaya, ayuun baa soo dhigayaa. Haddii aan jawaab i shaafida helo, waa mahad Alle iyo mudanaheed; haddii kale, cid na ugu dudi maayo.  Sidaas darteed, waxaan idhi: 

Saldhig millatari oo dal kale laga dhistaa waxa uu leeyahay ujeeddo, mar walba, dagaal la xidhiidh leh.  Xataa marka nabad lagu doonayo, xoog dagaal baa cid la tusayaa oo nabadda laga ga xasilinayaa.  Cid baa la la haddadayaa, ama haddii kale, la maaggan yahay.  Dawladda Imaaraadku maxay uga dan leedahay saldhigga Berbera?  Ma ayadoo keli ah baa, mise dawlado kale ayaa arrinka wata ama  ku la jira?  Arrinku Yaman iyo waxa ka socda ayuu u muuqanayaa in lug ku leeyahaye ee wax ma la iska weydiiyey?  Dagaalka Yamaneed, Reer-Yaman wuu ka shisheeyaa oo xoogag debedda ka ah baa ku hirdamaya ee ma lagu dalandalanayaa?  Maxaa se dhib inoo ga iman kara, dheefi ha dambaysee?  

Marka laga yimaaddo dawladda dal kale saldhig millatari dhigaynaysa, ta marti gelinaysaa na, haddii aan xoog lagu marinnin, waa in dani uga muuqataa.  Danta u mudani ma aha lacag ee waa ayada nabadgelyadeeda.  Dawlaha Khaliijka Carbeed oo ay Imaaraadka iyo Sucuudigu ka mid yahiin, waxaa la jooga ciidammo xoog leh oo Maraykan ah; waxay na ugu xisheen ilaalinta nabadgelyadooda oo ay badiba Eraan uga cabsanayaan.  Soomaaliland maxay dhinacan kala gashay Imaaraatka? Ma ku jiraa heshiiska qodobka difaaca nabadgelyada Soomaaliland? Mase u diyaar tahay, karti se ma u leedahay dawladda Imaartku arrintaas?

Su’aal kale na waa mushkiladda aqoonsi la’aanta Soomaaliland.  Dawladda Soomaaliland ilaa hadda, qanuunka dawliga ah, waxay ku tahay dawlad aan jiritaan sharciyeed lahayn. Haddii heshiiskan khilaaf ka yimaado, haya’daha caalamka, sida UM iyo Maxkamadda adduunka, Soomaaliland u ma dacwoon karto.  Cidda adduunku u aqoonsan yahay lahaansha Berbera iyo gebiga Soomaaliland ee maantadan, sheegashadeeda sharciga adduunku u bannaynayaa waa Soomaaliya.  Dawladda Imaaraadku miyey jebisay xaqiiqadaas?  Mise aqoonsi baa looga filayaa Soomaaliland? Marka aynu ognahay in aan dawladda Imaaraadka iyo dawladaha Khaliijku, xilligan ku dhiirranaynin aqoonsiga Soomaaliland, maxay Soomaaliland isku hallaynaysaa ee damaanoqaadaya danaha uu heshiiskan laftiisas siinayo (danahaas oo aanan anigu ilaa hadda waxba ka ogeyn, aanse filayo in ay jiraan)?

Marka la eego waayaha murgan ee ka jira Bariga Dhexe iyo gobolka Geeskan Afrika oo israatiiji ahaan, si aad ah isugu xidhan, ma la malayn karaa in arrinka saldhigga ay ku jiraan quwadaha aduunka ee xoogga weyni?  Haddii ay sidaas noqoto, suurogal sow ma aha in dawladda Soomaaliya, si dahsoon, ayada na loo la galay heshiis kale oo berri noqonaya ka dhab ahaan la isku halleenayo?

Mid kale oo daymadeed mudani waxay tahay: ciidan hubaysan oo shisheeye ah oo la deggan busho sabool ah, dhaqan xuman badan buu la yimaaddaa, taas oo in badan dunida lagu arkay. Arrinka ma lagu daray raadxumo bulsheed oo saldhigaasi keeni karo iyo sidee looga gaashaantaa?

Gees kale ayaa ayada na werwer iga ga imanayaa.  Warbaahinta la daawado waxa aan ka arkay shir labada gole ee Wakiillada iyo Guurtida Soomaaliland loo gu qabtay ansixinta Heshiiskaas.  Shirka waxaa laga hor akhriyey hadal aad u kooban oo mar dembe la yidhi ma ahayn heshiiskii labada dawladood wada saxeexi lahaayeen ee waa nuxurkiisii. Warkaas waan rumaysanayaa, waayo xaashiyihii  la akhriyey uma ekeyn dabuub heshiis laba dawladood wada galeen. Sidii uu ahaa dhaqanka heshiid labad dawladood galaan, inta badan, marka hore xarfaha hore ayaa madaxdu wada saxeexdaan. Ka dib baa la horgeeyaa shricidejinta ansaxinta leh.  Sida aan maqlayo waxa fadhiga labada gole la horkeenay nuxurkii heshiiska oo la soo koobay; markaas, sow ma aha heshiiskii oo dhammaystiran  iyo ansaxintiisii ba way hadhsan yihiin oo ardambe ayaa la la sugayaa?

Guud ahaan, hirgelinta arrinka si baa loo waday, su’aalo kicinaysa.  Ammin kali ah oo malaha saacad gudaheed ah baa xubnaha labada gole hadallo kooban laga hor akhriyey, toos baa loo weydiiyey codbixin gacantaag ah, la na fuliyey oo natiijadii lagu dhawaaqay. Maxaa diiday in xubnaha waqti ku filan la siiyo? Maxaa lagu nacay in xubnaha hore loogu qaybiyo qoraallada meesha la keenay, si ay uga soo baraandegaan? Maxaa lagu diiday in fadhigaas laftiisa ay ka dhacdo dood ballaadhan oo muwaadininta dalku ku ogaadaan, ka na dhergaan obocda waxa lagu heshiinayo iyo aragtiyaha xidhibaannada ee kala duwan?  Waxaa lagu dhawaaqay tiro oggol iyo diiddan ah oo ayadu na su’aalo abuuraysa.  Gole  baarlamaan dhan oo saddex cod oo qudhi diidmo iyo aammus yahiin, intii kale oggol tahay, ma aha badi ba wax laga helo meel dimoqraaddiyad dhab ahi ka jirto.  Aadamiga, had iyo jeer, waxaa lagu yaqaan fikir, si-arag iyo deexasho kala duwan.  Arrin wadaaga ah, haddii si xornimo iyo xirribo leh looga wada hadlayo, laga ma waayo argtiyo iyo mowqifyo kala duwan.  Go’aanku gees kasta oo uu dhaco, tiradu ilaa heerkaa, ma kala badato.  Kala badashada gaadha in ka badan 90% shaki bay abuuraysaa.  Ma waynaan waayo-arag u ahayn in wadajirka bulshadu ku lumayo arrinka haddii mugdi la geliyo?

Xaajada laga dooddayo waxaa ka saamayn fog hannaanka hoggaaminta doodda.  Haddii doodda si hufan loo hoggaamiyo oo qof walba tiisa lagu xurmeeyo oo laga dhegaysto, runta xaajadu way caadbaxdaa, dhinac kasta  oo loo badto na, go’aanka marka dembe la isku ma naco.  Hadda ummaddii Soomaaliland, ayada oo aan waxba ogeyn, bay laba isnacay oo is-haaraamaya u kala jaban tahay. Kuwa taageerayaa, maxay taageerayaan? kuwa diiddani maxay diidayaan? Ma aha waxa la taageerayaa ama la diidayaa heshiiska ee waa hebello.  Hargo qabiil na waa la huwanayaa oo colaad baa arrinka laga aloosayaa, dhakhsoba  magacyo ayaa la isu bixiyey. “Qaran dumis iyo mooyi”. Wax ba la isu hambayn maayo.

Bulshadu, marka ay dhisme adag leedahay, hoggnaankeedu dusha kaga ma yimaaddo ee ayadaa gudaheeda ka soo saarta.  Hebelka waxaa ka horreeya oo ay, kolkeeda hore ba, isku raacsantahay danta nolosheeda midka ah, wadajirkeeda, qiyamta runta, aammaanda, caddaalada iyo anshaxa dadnnimada wacan.  Beegga xulashadeedu taas buu ka yimaada oo hebellada isku ma seegto. Hoggaamiyaha xulashada bulsheed ee dhabta ah ku yimaadaa na qiyamtaas buu xeeriyaa oo doodda hub dagaal kama dhigto; dadka na saamo colaadeed ma horjiido ee dooddiisu waxay xoojisaa wadajirka bushada uu hoggaamiyeheeda yahay, ama rabo in uu noqdo.  Madaxda Soomaaliland, marka arrin dhexdooda yimaaddo way kala didiyaan dadka.  Miyey u kasaan, mise waa ka aqoon iyo farsamo?! Mooyi.

“Maqal waxan ku haystaa

Muslinkiyo waraabaha

Madmadowga tuhunkiyo

Mashaqada dhextaallaa 

Inay tahay ismaan-dhaaf.

 

Muudaaga xooluhu

Marka ay la kulantee

Muuqiisa aragtay

Lugaheeda maashaa

 

Isna wuxu majiiraha

Uga daba maleegtaa

Celi maganta baadida

Ismaqiiqiddiisiyo

Mitidkiyo dedaalkaa

Hadba Muruq u siibmaa!

 

Dee muxuu sameeyaa

Ilkahaa u midigoo

Micidaa u gacanee!”  (Hadraawi, Tixdiisii Kalamaan, Halkaraan, 1983kii b 201)

Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Qoraha kala xidhiidh barta FACEBOOK

BOOQO BARTA RASHIID GADHWEYNE

Qalinleyda I © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.