Get Adobe Flash player

 

 

MUDDAACALAY: Tixda 3aad ee Silsilad-Maanseedda “MIIMLEEY” – W/T. Daaha Gaas

Waa tixdii Saddexaad ee Silsilad-maanseedda “Miimleey” oo daarran ka-falcelinta waayaha dhabta ah ee bulshada Somaliland maanta ku sugan tahay. Maansadan oo la baxday “Maddaacalay”

waxa curiyay Abwaan Daaha Gaas, waxaanay ka soo hor jeeddaa labadii maanso ee ay kala curiyeen Abwaan Xasan Daahir Weedhsame iyo Abwaan Cabdillaahi Xassan Ganey.

Abwaan Daaha Gaas waxa uu ku doodayaa in halabuurrada “Miimleey” ay suugaantii ka dhigeen qalab loo adeegsado maagga, isla markaasna waxa uu waxba-kama-jiraan ka soo qaadayaa dhalliilihii tiro-beelka ahaa ee ay labadii maanso ee ka horreeyay ku nuuxnuuxsadeen.

Silsiladdani waxay ka curatay maansadii MUDDUCI oo uu halabuuray Abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo ay xigtay tixdii MARAG ee Abwaan Cabdillaahi Xassan Ganey.

Maansadan “Maddaacalay” waxay ku ibo-furanaysaa:

HALKAN KA DHEGAYSO MAANSADAN “MUDDAACALAY”

Maansoy lagaa yaab,

Manfac waxay ku leedahay,

Milgeheeda guud iyo,

Iyadoo ka madhan ceeb,

In la muunadeeyoo,

Miisaan la saaree,

Meerisyada is dabayaal,

Haysu muuq ekaadeen;

Xaraf xaraf ku meelee,

Hadii ay murtidu tahay,

Gartii weeye maan gaab,

Inuu miin ka tiriyee,

U soo qabo malkhabaddiyo,

Maryahay ka tuureen.

 

Afartaa muddaacalay,

Halkii uu misciriraha,

Ugu muday abwaankii,

Ka sii qaad majiiraha.

 

Waxa muuqa wacaniyo,

Ma qiraan wanaaggee,

Dad mucaarad wada noqoy,

Runtu meehannowdoo ,

La muquuni samihii,

Majaraha xilkeennii,

Madaxdaan u dhiibniyo,

Dawladdii la wada maag,

Musuq iyo dhac iyo boob,

Lagu moos wax aan jirin,

Maatada carruurtiyo,

Hadba maxasta loo sheeg,

Sheeko mala awaaliyo,

Masalooyin aan dhicin.

 

Maalintay u darantahay,

Madal xaajo ligan tahay,

Ninka maragga aan furin,

Ragannimo badh baa maqan.

 

Goleheennan maamuus,

Sharaftiyo milgaha wacan,

Hadba xaajo murugtana,

Maarayn yaqaannee,

Dhibta say u moosaan,

Marag dunidu uga tahay,

Mudanahan xil qaran sida,

Miyay maanta Xamar iyo,

Mooryaantu dhaantaa?

 

Afartaa mucdeedii,

Hadduun bay maggawdee,

Majaraha u sii daa.

 

Arrin miratay waayadan,

Maankiyo kashaydii,

Ma mooddaa abwaankii,

In la yidhi wax maag bay,

Maansadu ku xidhan tahay.

 

Ma ogtahay masiibiyo,

Mashaqiyo dhib weeyaan,

Miishaar af weyn iyo,

Mindi inaad afaysoo,

Maandeeq hashaadii,

Muruqyada ku goysaa,

Wax ka dhigan misaalkaa,

Maskax kii la bidayow,

Maxaadhkaad ku toil layd,

Maanta iimahaagii,

Inaad muruq shisheeyiyo,

Cadaw ugu miciintaa.

 

Alla magane waa ceeb,

Waxa taa ka marag kacay,

Mawlihii Ilaahay,

Denbigiis ha maydhee,

Murtidii Salaan yidhi,

Miishaar afweyn iyo,

Afku wuxu la muruq yahay,

Magli xawda kaa jara.

 

Afartaa ku soo meer,

Mayalkay lahayd iyo,

Mudduciyo maddaacalay.

Haba miir dillaacdee

Nin waliba ma’dii gabay,

Midhkii uu ka odhan laa,

Ha ku doodo miimkaa,

Garta midho-dhalkeedana,

Alla magan dadkaa niqi.

Abwaan Daaha Gaas

Facebook:Daaha Gaas

Halabuurka © Weedhsan Corporation

HALKAN KA AKHRI TIXIHII HORE EE SILSILADDAN:

1.     MUDDUCI

2.     MARAG

Weedhsan Magazine: Download Free

.