Get Adobe Flash player

 

 

MAXKAMADDA: Tixda 4aad ee Silsilad-Maanseedda “MIIMLEEY” – W/T. Sakariye-Awaare

Waa tixdii Afaraad ee Silsilad-maanseedda “Miimleey” oo daarran ka-falcelinta waayaha dhabta ah ee bulshada Somaliland maanta ku sugan tahay. Maansadan oo la baxday “Maxkamadda”

waxa curiyay Abwaan Sakariye Awaare, waxaanay si gaar ah ugu jawaabaysaa Abwaan Daaha Gaas, oo eedo u soo jeediyay labadii maanso ee ay kala curiyeen Abwaan Xasan Daahir Weedhsame iyo Abwaan Cabdillaahi Xassan Ganey.

Abwaan Sakariye Awaare waxa uu u caqli celinayaa Abwaan Daaha Gaas, isaga oo hoosta ka xarriiqaya in aan silsiladda iyo maansadeedu daarranayn durista reero gaar ah, bal se ay tahay mid liddi ku ah musuqa, dulmiga iyo hagardaamooyinka lagu falo magaca dawladnimada. Waxa uu silsiladda ku metalayaa Xaakinkii maxkamadda ee qaadayay kiiska u dhexeeya Mudduci, Maddaacalay iyo doodda Maragga inta ba.

Maansadan “Maxkamaddu” waxay soo baxday March 13, 2017, waxaanay ku ibo-furanaysaa:

HALKAN KA DHEGAYSO MAANSADAN “MAXKAMADDA”

Xaakinkii mudnnaayee

Maamulaayey kiiskaa

Gargaraacay miiskoo

Waxay tidhi maxkamaddii,

 

Anigoo mubaaxoon

Ku maxaafsan laaluush

Cidna midigta siinayn

Hal mid aan idhaahdee

Ila maqal dadweynow,

 

Markaan eegay heestiyo

Midhihiyo tixdaadii

Macnahay siddoo idil

Mudduc iyo gartaadii

Adoon keenin madashaad

Ku soo miidhay debeddoo

Musuqmaasuq baahaad

Muujisoo caddaymaha

Meel fog baad baadhee,

 

Mooshin quuteyaashii

Maddanaad ku dhigatoo,

Qoys malafsanaayoo

Ku dhex milan awooddoo

Mashaariicda leexsada

Miinkaad ku sheegtee,

 

Musrif dhuumanaayoo

Uu dhabarku muuqdaad

Maxshar laysu soo baxay

Mahwigii dhex keentee,

 

Nin masuul ahaayoo

Maxastiyo carruurtii

Codka ugu miciintuu

U maraayay dhaartuna

Miyirbeelka gaajada

Dad duunyo madhatoo

Abaaruhu masruufteen

Isna moodhar iyo guri

Maatada xilkoodii

Ku hantiyey malyaan iyo

Dhiig miirte yaashii

Ku mashquulay xaaraan

Maalin aakhiraad iyo

Mawlaad ku reebtoo

Marag baad ku oogtee,

 

Maddiilliyo afmiishaar

Masaskiyo abeesada

Halaqyada bulshada mira

Murddisiyo dhasheedii

Maryahaad ka saartoo

Geed is mariski caan baxay

Beenta kaan maldihi jirin

Hadda waa mudh iyo gacan,

 

Runta lagama maarmee

Xasanow midhkaad tidhi

Muhmalkaad ka saartoo

Murtibaad ku dhidibtoo

Qodobkaagu waa maax

Dhaabad iyo ma guuraan.

 

Markaan eegay doodaha

Maakhirkiyo aftahamada

Maansada farshaxamada

Halabuur muc weynoo

Maahmaaho guuniyo

Wata muunaddiisay

 

Iska daba mareenoo

Duxda miidda hadalkaa

La macaansanaayee

Hooy hooy Maddaacalay

Ninka matalayow joog

Ha murginin silsiladdana

Mansabkay lahayd iyo

Ha ka duwin majiiraha,

 

Waad marin habowdoo

Doodda meesha taalliyo

Halkad marisay sheeku

Kala mawjad weeyoo

Mawduuci lagu jiray

Mar qudhaad afduubtoo

Madax baa la duray baad

Dulucdii ku meertee,

 

Adigoo madluunoo

Macaluul dadkaagii

Maxrashoon ku go'ayaad

Maadharkii difaacdoo

Mudducigu gartiisii

Saxal iyo mariikh buu

Daanshood ku mariyoo

Intu madaxa fidhayaad

Adiguna is moogow

Meel dhow ka aragow

Mijihii furfuraysee,

 

Tixda muusanowgee

Miinadu ku xidhan tahay

Erayada marooree

Cambaaraynta miidhana

Hooy mulkiilaheedow

Suugaanta malabkaa

Hibo ruux ka fara madhan

Kuumaan malaynayn

Maantana kumaan odhan

Mucsur baad ka joogtaa

Maansada dib ugu noqo,

 

Hadalkuna mid weeyee

Mugga xaajadaadii

Way kaa murkacatoo,

Mufti iyo abwaanaad

Maangaab ku sheegtoo,

Rag muwaadiniinoo

Mabd'a iyo afkaar laad

Tidhi muruq shisheeyay

Noo macal qabteenoo,

Rag mushaawiraayaad

Murun uun dhex keentoo,

Malyan iyo kun ceebood

Oo markhaati haystoo

Muslinku ba ogsoonyiyo

Waxay macallimiintani

Kuu muujiyeen baad

Midab kale u yeeshoo,

Magacyaad tixraacdoo

Muska kala wareegtoo

Macne kale dul saartee,

Cadceed muuqanaysaad

Sacabada ku moostoo,

Dood maqaam sarraysoo

Heegada mushaaxdaad

Mijo xaabinaysoo,

Xaqoo miir dillaacaad

Madmadow dhex eridoo,

Maanlaaweyaal baad

U mashxaradaysaayoo

Tidhi waa maggaynoo,

Runta oo mutuxan baad

Yar munaafaqaysoo,

Milgihiyo karaamada

Miinleeydu leedaad

Midna xeerin weydoo,

Guddi madaxyo weynaad

Ku muquuni deedafo

Maskaxdaada galisee,

 

Mukur iyo is yeelyeel

Male iyo is moodsiis

Sheekada mar dhoofkiyo

Lax dhukani abaar moog

Kaa garaysan maynnee

Inagoo mataanaa

Madi hayska dhiginoo

Hayna madhani saaxiib

Kugu ciiryey mooskuye

Ma jid qaadanaysaa.

 

Bartu waa maxkamaddii

Xukunkiina muu dhicin

Garta waan muddeeyee

Sida caws mullaaxeed

Ama maydhax kabadeed

Nin walowba marinkiyo

Dooddaada midhif tiro

Madashuna inoo furan.

Abwaan Sakariye Saxardiid Axmed “Awaare”

Facebook:Sakariye Awaare

Halabuurka © Weedhsan Corporation

HALKAN KA AKHRI TIXIHII HORE EE SILSILADDAN:

1.     MUDDUCI

2.     MARAG

3.     MUDDAACALEY

Weedhsan Magazine: Download Free

.