Get Adobe Flash player

 

 

MURAN-DIID: Tixda 5aad ee Silsilad-Maanseedda “MIIMLEEY” – W/T. Deeqa Nuux Yoonis

Waa tixdii shanaad ee Silsilad-maanseedda “Miimleey” oo daarran ka-falcelinta waayaha dhabta ah ee bulshada Somaliland maanta ku sugan tahay. Maansadan oo la baxday “Ismoodsiis”

waxa curisay Abwaan Deeqa Nuux Yoonis. Maansadani waxay la safan tahay tixdii MUDDUCI ee uu silsiladdan ku ballaysimay Abwaan Xasan Daahir Weedhsame iyo tixihii kale ee ku foogganaa qaawinta dhaliillaha maamul iyo kuwa dawladnimo ee Somaliland ka jira.

HALKAN KA DHEGAYSO MAANSADAN “MURAN-DIID”

 

Tixda miimka laga dayay

Heesaha mareegta ah

Soo mariyay Weedhsame

Cabdillaahi maaxsaday;

Marag iyo Mudduci iyo

Dar kaloo macaan baa

Hore loo maggaabee

Muran-diid kalkeedii

Ma ku soo dhawaannaa?

 

Maansadu waxay tidhi:

Waayahan mutuxanee

Midigtayda yaallaa

I muquuninaayee,

Miiraale roob iyo

Mayay gaaxday inuu jiro,

Ii da’in mahiigaan,

Inuu go’ay mayeedhaan

Macaluulay waayeel,

Milaygiyo kaliilaha

Milicdiyo kulaylaha

Muxsurkiyo abaaraha

Mawlaa wax bixiyee

Kol hadday u mudan tahay

Madaxtooyadeennii

Macalcune ku noolaa

Inay maqashay yaa huba?

 

Ha ba moogganaatee

Kala maqan hadday tahay

Kala miyo ayaa yidhi?

 

Maxastaa la duudsiyay

La madhsaday xaqoodii

Musuqiyo khayaanada

Mukurkiyo khayaaliga

Matalaadda beenta ah

Macsuunkiyo huteellada

U heshiinta maatida

Caku maamul xumadiyo

Sidaan loogu meel dayin,

Ololaha madaw een

Waxba laga macaashayn,

Runta laga madluumiyo

Beenta maraqa laga furay,

Muusannoow qabiil iyo

Malmalkaa la uunsaday,

Kol haddaanay maandhow,

Cid masuul ka noqonayn,

Derajadu ma magac baa?

Ma xil meherad waayaa?

Ma maqaar la saray oo

Ruuxdii ka maqantiyo

Mudutuul hadhkeed baa?

Ma qudh maaro weydiyo

Miidaamo dhego laa?

Ma muraad shisheeyoo

Laygu marin habawshaa?

Ma waxaan micno lahayn

Oon maami naayaa?

Mayska male-awaal baa?

 

Doorkan ministarkeennii

Iyo Maayarkeennii,

Dadyow mudanaheennii

Iyo murashaxeennii,

Ilaa macalinkeennii

Iyo maca suldaankii,

Waa wada is moodsiis

Waa wada masayrkaa

Waa wada an muuqdooy

Waa ii mushxaradaay

Waa meel heblaayooy

Codka maad na siisaan;

Waa wada martabad doon

Iyo wada maslaxad diid.

Danta ruux u magac dhabay

Midhba kama dhegaystaan.

 

Mulac geeridiisaa

Madaddaalo kuray ee;

Malafsade ma ii tudhe,

Kolla ani i magan gale,

Reer hebel miciinsade,

Shacbigeenna kala madhe

Abtirsiin ku madax gade,

Muddo haw shin dhaaftoo

Hayska maalo xoorkoo,

Ha macaato tiisuye,

Maashiyo dhunkaashani

Mar dillaaci doonee,

Xaqu miirmi doonee,

Nin macaashay waa hore

Meer meeri doonee,

Mahadhada  xasuusta le

Laga maydhan doonee,

Marmarsiiyihiisii

Ka midoobi doonnee,

Milatari sidiisii

Isu muujin doonnee,

Miskiinkiyo agoomaha

Maamuusi doonnee,

Hanti kii maroorsaday

Magta keeni doonee,

Mabda’ kaan innagu hagin

Laga maarmi doonee,

Makhruuqiyo cadaawuhu

Iga maagan doonee.

Deeqa Nuux Yoonis

Facebook: Deeqa Nuux Yoonis

Halabuurka © Weedhsan Corporation

HALKAN KA AKHRI TIXIHII HORE EE SILSILADDAN:

1.     MUDDUCI

2.     MARAG

3.     MUDDAACALEY

4. MAXKAMADDA

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.