Get Adobe Flash player

 

 

ISMOODSIIS: Tixda 6aad ee Silsilad-Maanseedda “MIIMLEEY” – W/T. Cabdiqaadir Qalinle

Waa tixdii lixaad ee Silsilad-maanseedda “Miimleey” oo daarran ka-falcelinta waayaha dhabta ah ee bulshada Somaliland maanta ku sugan tahay. Maansadan oo la baxday “Ismoodsiis”

waxa curiyay Abwaan Cabdiqaadir Qalinle. Maansadani waxay la safan tahay tixdii MUDDUCI ee uu silsiladdan ku ballaysimay Abwaan Xasan Daahir Weedhsame iyo tixihii kale ee ku foogganaa qaawinta dhaliillaha maamul iyo kuwa dawladnimo ee Somaliland ka jira.

HALKAN KA DHEGAYSO MAANSADAN “ISMOODSIIS”

Weedhsamow ku mahadsanid,

Sidaad maalin iyo layl,

Tuugtiyo ma dheregtada,

Xada maalka shacabkiyo,

Ragga madhiyey xoolaha,

Murdiyee xalaashaday,

Adigoon ka maagayn,

Runta aad markhaatiga,

Uga marag kacaysee,

U caddayso madawgiyo,

Waxa ay maldahayaan.

 

Cabdillaahi midhihiyo,

Murtidaada quruxda leh,

Midda aan ku jecelahay,

Waa mihindiskaagiyo,

Marka aad had iyo goor,

Dhab u muusannawdee,

Damqatee dad maxasiyo,

Masaakiin la boobiyo,

Malaayiin dhib haystiyo,

Aad u dooddo maatida.

 

Midhka aad Awaarow,

Tirisaa macaanaa,

Oo ahaa maguuraan

Alleylehe madhaafaan,

Iyo erey nin mayal adag,

Uu maanta odhan karo.

 

Rag Alleyleh maamuus,

Sharaf lagu mannaystoo,

Mabda' iyo afkaar laad,

Mashaa Allee tiin,

Weligiin milgaha iyo,

Xaqqa midigta siiyoo,

Runta maro ma qarisee

Weligiinba muujiya,

Xaqiiqdiyo midhkii jira.

 

Kollay qaar maqiiqano,

Khabar maafishoo badan,

Oo meesha beel iyo,

In la maagay reer hebel,

Moodayaa idiin iman,

Oo cay mutuxan iyo,

Habaar idin ku miisiye,

U dulqaata oo miyir,

Iyo aayar oo mudan,

Meel baydhsan ula baxa,

Mawduuca guud iyo,

Fahamsiiya maansada,

Micnahana u raarida.

 

Markastoo dhibaatiyo,

Maamul xumo timaaddoo,

Mansabkiyo xilkii iyo,

Dawladdii mudnayd koox,

Gaar ahi maroorshaan,

Magacii afduubaan,

Maahirtii dadweynaha,

Tuugnimo ku maalaan,

Marna ay baddii iyo,

Dhulka meel ka iibshaan,

Maalgashi ha joogee,

Kolkay macal xaraashaan,

Hadba mooshin keenaan

Golahana masruufaan

Dantii loo majiirtiyo,

Hantidiina madhiyaan,

Lama waayo ruux muran,

Is makeekinaayoo,

Ku difaaca marag li'i,

Eeddana ka moosoo,

In la maago ka hor taga.

Dhaca ay masuulladu,

Maaxdii dadweynaha,

Ku maggaabinayaan.

 

Ka la muudsanaayee,

Kala mida wax boobkee,

Maal la siiyey garannaye,

Mooyi sababta ay tahay,

Waxa ruux dulmigu maray,

La muquunshay oo xoog,

Lagu dhibay u maanacay,

In la sheego madaxdiyo,

Malkadii raggii cunay.

 

Galab aniga oo meel,

Aan maqaaxi joogaa,

Dhinacayga midig niman,

Sheeko ay malmalayeen,

Dhegta aan ka maaloo,

Mid ayaa waxuu yidhi:

"Maashee bal daawada,

Waa mahad Ilaahay,

Dalku meeshu joogiyo,

Halka uu maraayaa,

Waa wax loo mashxaradoo,

Maantuu u wacanyahay".

Madashiyo kuwii kale,

Madaxay ruxeenoo,

Mar qudhaa la wada yidhi,

"Midhkaasaa wallee runa"

Anigoo maqlaayaa,

Mawduuci soo galay,

Waxan idhi "ha moodina,

Hana ii malaynina,

Nin muqlaysan oo fudud,

Amma idin la yimi muran

Bal se waxan u muuqdiyo,

Maandhe aan iskiin baro,

Magacayga guud iyo,

Mihiim maaha haybtuye

Qof muwaadinaan ahay,

Muddo aad u badan baan,

Meeraysanaayoo,

Meehannaw ku joogoo,

Been lay maldahay iyo,

Mukur laygu soo waday.

Rajadaan maqlaayiyo

Rajadaan miliilicay,

Rajadaan maleeyiyo,

Rajadaan muhanayaa,

Been maanta noqotoo,

Kuwan naga hor muuqdiyo,

Kuwa miliqsanaayee,

Hadda musharrixiintii,

Waa wada maqaarsaar,

Duhurkana mucaarada,

Habeenkana muxaafida

Waa wada mas iyo tuug,

Dillaal iyo mallaaliin

Dhaqankana iskaga mida,

Bal se samirku waa muruq,

Hadduu ruuxu magan galo,

Mawlaha Ilaahay,

Marna lagama quustoo,

Naxariistu may madhan,

Midhna kama qarsoonoo,

Wax is daba marsiintiyo,

Howlaha madheregtadu,

Giddi way u muuqdaan."

 

Markii uu warkaygii,

Halkaa uu maraayaa,

Midi booday oo yidhi,

"Joog joog bal mudanow,

Madaxweynaheenniyo,

Wasiirrada ha maagine,

Afku inuu maroorsamo,

Qofka madaxda ceeb iyo,

Caaya maanad garanayn?"

 

Waxan idhi, "maxaa dhacay,

Cay maaha hadalkuye,

Dhalliishoo la muujiyo,

Miyaad ceeb u aragtaa?"

 

Waxu yidhi "macaankiyo,

Nabaddiyo mushaaxiyo,

Fooqyada la wada mudhay,

Ee quruxda miidhana,

Waxa meherad suuqiyo,

Magaalada ku taallee,

Laga soo muraadsado,

Waad wada masuugtoo,

Kuu muuqan waayee,

Ma dagaal ayaad hurin?"

 

Waxan idhi "mijiyo madax,

Mid ayaad ka simantihiin,

Waana moogganaantiyo,

Meel kale u carar iyo,

Murankiyo isdiidkiyo,

Ismoodsiiska beentaa.

Bal se maanso hore iyo,

Murti waxan ku haystaa,

Maahmaah abwaan yidhi,

Micnuhuna ahaa habar,

Mininkay ku noolayd

Mahiigaan ku hooroo,

Mayey helay agteedii,

Oo moodday dabadeed,

Inay dunidu la mid tahay,

Sideedaa nimcadu muush,

Mulacyeeyey daadkuna,

Bal se maanka may gelin,

Dhulka inu badh madhanyahay,

Milic iyo kulayl yahay,

Moqorradu engeganyiin.

 

Muslinnimadu siday tahay,

Xaq iyo markhaatiga,

Madaw adiga oon gelin,

Ma waxaad inkiraysaa,

In dadkeenni macaluul,

Maanta ay ku noolyiin,

Ma waxaad inkiraysaa,

Dhibta iyo mashaqadaas,

In la waayey maariyo,

Qorshe lagaga magan galo.

Ma waxaad inkiraysaa,

Rabbigooda mooyee,

In dadkaas miciin iyo,

Cid u maqani weli jirin,

Ma waxaad inkiraysaa,

In ninkii meteli laa,

Amma midigta siin laa,

Ka mashquulay waa hore,

Oo socodka meel kale,

Tamashlaha ku soo maro.

Ma waxaad inkiraysaa,

Ruuxa murugta taalliyo,

Musuqmaasuqaa jira,

Ka caddeeya madalaha,

Amma miidhiyaha taga,

In habeen madaw uun,

Xabsi loo maleegoo,

Uu mutaysto xadhigiyo,

Jeel aan maxkamad layn.

Ma waxaad inkiraysaa,

In cashuurta maatida,

Nimankaa macaansaday,

Madhax aanay reebayn.

Ma waxaad inkiraysaa,

In dhulkii la miisoo,

Lana saaray miisaan.

Ma waxaad inkiraysaa,

Xaqul qalin in lagu mamay".

 

Runta oo la muujaa,

Sharaf laga macaashaa,

Xaqiiqdoo la

Runta oo la muujaa,

Sharaf laga macaashaa,

Xaqiiqdoo la moosaa,

Magac kaa xumaysee,

Micno li'i ha noqon ruux,

Ruux kale mucaarida,

Mabda' li'ina haw noqon,

Guul wade muxaafida,

Hana noqonnin maangaab,

Nin qabiilku madax maray,

Oo meherad qudhun iyo,

Dhex muquurtay reer Hebel,

Taariikhdu waa marag,

Ku markhaati noqotee,

Ha is gelin mugdiga iyo,

Baalkeeda madawga ah.

Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Qalinle

Facebook: Cabdiqaadir Qalinle

Halabuurka © WeedhsanCorporation

HALKAN KA AKHRI TIXIHII HORE EE SILSILADDAN:

1.     MUDDUCI

2.     MARAG

3.     MUDDAACALEY

4.     MAXKAMADDA

5.     MURAN-DIID

Weedhsan Magazine: Download Free

.