Get Adobe Flash player

 

Sooyaalka Ruwaayadda – W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Ruwaayad waxaa la yidhaahdaa qiso la jilo oo laga dhigo sidii dhacdo nololeed oo markaa hortaada dhab uga socota iyada oo dadka, meesha iyo waqtiga loo ekaysiinayo xaaladda laga matalayo. Erayga ruwaayad waa af carbeed

macnihiisu yahay werin ama qiso la soo weriyay. Waxa ay se imika carabtu magaca ruwaayad u adeegsadaan sheeko faneedda qoran. Mooyi sababta ay innaga sidaas inoogu soo gashay, carabtu se fanka aynnu ruwaayad u naqaan iyagu wax ay yidhaahdaan masraxiyah, meesha lagu jilo ama tiyaatarkana wax ay u yaqaannaan masrax.

Haddii laga fekero ruwaayaddu goorta ay dhaqanka aadamiga soo gashay, waxaa la malayn karaa in ay aad u fogayd oo la fac tahay wacyiga wadareed ee dadka. Wax ay u eg tahay in ay ku timid canjilaad qof iyo dad loo la jeedo oo maad iyo qosol laga dhiganayo. Taa waxa aynnu ka arki karraa carruurtu iyaga oo aad u yaryar ayay dadka canjilaan ama dhaajiyaan. Waxaa la qirsan yahay ruwaayaddu in ay ahayd wax dhaqamadii bilawga ahaa ee bulshooyinkii hore ku soo jiray, waxaana la sheegay fan ruwaayad la odhan karaa in uu xilli hore ka jiri jiray ugu yaraan Hindiya, Shiinaha iyo Jabbaan.

Iyada oo ay sidaa tahay, fankaa waxaa qaabeeyay oo sidan uu maanta yahay ka dhigay giriiggii hore oo aad ugu talaxtegay. Gaar ahaan waxaa loogu abtiriyaa magaalada Aten. Taasi waxa ay meesha ugu sarraysa gaadhay qarniyadii 500-300 C.h. xillligaas oo ilbaxnimada Giriiggu aad iyo aad u horumartay.

Giriiggu waxa ay rumaysnaayeen ilaahyo badan oo mid waliba dhinac nolosha ka mid ah ugu qaybsan yahay. Waxa ay kale oo rumaysnaayeen ilaahyadaasi oo deggan buurta Olympus in ay dadka ka la mid ahaayeen jacaylka iyo nacaybka, farxadda iyo murugada, hinaasaha iyo aarsiga, iwm. Haddaba waxaa jiray dhaqan diineed ay ku xusi jireen ilaahooda Dionysos, ilaahaas oo ay u cuskan jireen barwaaqada iyo taranka. Waxa ay caado u lahaayeen in ay curashada guga saddex cisho oo isxiga ugu dabbaadegaan ciyaaro, muusig, khamri iyo tumasho xidhiidh ah oo ay Dionysos ku weynaynayaan.

Qarnigii 16-aad C.h. giriiggu dabbaaldeggaas ayay sii horumariyeen oo ka dhigeen bandhig faneed ruwaayadaha lagu jilo. Sida ay sheeko soojireen ahi qabto dhaqankaa cusub waxaa keenay nin lagu magacaabi jiray Thespis oo horjooge ka ahaa koox heesaa ah oo ka qaybgeli jirtay xuska Dionysos. Ninkaasi waxa uu bilaabay heesihii ay qaadi jireen in uu u rogo wax lagu skeekeeyo ama lagu skeekaysto oo ay laba qof isdhaafdhaafsadaan. Taas ayaa u sii kobocday ruwaayad.

Giriiggu waxa ay dhiseen gole aad u weyn oo cajab leh, kaas oo leh jaranjarooyin warwareegsan oo sida garoonka kubbadda ee imika u ka la sarsarreeya oo qaada kumanyaal qof, waayo daawashada ruwaayadaha waxaa ka soo qaybgeli jiray dhammaan dabaqadaha bulshada oo dhan: rag iyo dumar, xor iyo addoon, carruur iyo cirroole. Bilaash ayaa bandhigga lagu daawan jiray, waayo waa cibaadaysi oo waa xuskii Dionysos. Golahaasi kol haddii uu aad u weynaa dadka daawanayaana aad u badnaayeen jilayaasha ruwaayaddu si loo wada arko waxa ay gashan jireen wejiyo waaweyn oo farsamaysan kuwaas oo loo ekaysiinayo kolba waxa lagu matalayo sida dad, ilaahyo, sheyddaamo, bahalo iwm.

Wejiyadaa waaweyn ee farsamaysan ayaa lagu muujin jiray waxaasi kolka ay faraxsan yihiin ama murugaysan yihiin ee qoslayaan ama ooyayaan (wax noocaas ah maanta waxa aad ku arki kartaa bandhigyada loo yaqaan sirkaska). Wax ay kale oo goobta jilitaanka ku bili jireen muuqaallo u ekaysiinaya waxa la matalayo. Barta ay fannaaniintu ruwaayadda ka jilayaan, oo ahayd badhtamaha golaha, waxaa loo yaqaannay theatron, waana halka uu ka yimid magaca tiyaatar. Halkaa waxaa ka taabbagalay dhaqan ruwaayadeed aad u heer sarreeya oo sannad walba hooballadu ku tartamaan.

Fankan oo ay u yaqaanneen daraama, oo macnaheedu yahay dhacdo ama wax qabasho, badanaa waxa ay ku salayn jireen taariikho iyo sheekoxariirooyin soojireen ahaa oo la isla yaqaannay, sidaa darteed waa la wada xiisayn jiray. Waxa ay soo qaadan jireen qisooyinka xanuunka iyo xiisaha leh sida dilka, jacaylka, dagaalka, loollanka boqorrada, ilaahyada iwm, taas oo dabciga dadka iyo ka ilaahyadu isku milan yihiin.

Laba jaad ayuu daraamaha ama ruwaaddu u dhici jiray. Mid waxa uu ahaa taraajedi oo ah murugo iyo ayaandarro, kaas oo ay kaga sheekayn jireen guuldarrooyinka nolosha. Iyo koomedi oo ah wax dhaliya qosol, nefis iyo farxad oo guul ku dhammaada, kaas oo ay isagana ku salayn jireen nolol maalmeedda dadka sida jacaylka silloon, hinaasaha, ismaandhaafka iwm.

Ruwaayadahaa waxaa curin jiray abwaanno caan ah oo aad loo jeclaa magacoodana ilaa maanta la yaqaan. Isla raggaa ruwaayadaha allifa ayaa jilitaankana ka qaybqaadan jiray, saddex nin baa se ugu sii caansanaa oo ka la ahaa: Aiskylos, Sofokles iyo Euripides. Sofokles oo qaatay abaalmarinta tartanka ruwaayadaha sannadkii 468 C.h. kana mid ah ragga fankaa ku caanbaxay, mid ka mid ah ruwaayadihiisa mahadhada reebay waxaa lagu magacaabi jiray Boqor Oidipus, qisadaas oo ahayd sidan:

Boqor Oidipus asal ahaan waxa uu ka yimid magaalo la yidhaahdo Korinth, halkaas oo aabbihii Polybos boqor ka ahaa. Magaalada Thebe ee uu isagu imika boqorka ka noqday waxa uu yimid markii boqorkeedii hore cid aan la garanayni cidla ku dishay. Boqor Oidipus weligii waxa uu qabay cuqdad, waayo kolkii uu dhashay ayaa loo saadiyay arrin argagax iyo fajiciso badan. Saadaashaasi waxa ay ahayd in uu isagu aabbihii gacantiisa ku dili doono hooyadiina guursan doono! Naxdintii iyo baqdintii uu ka qaaday in ay saadaashaasi rumowdo darteed ayuu reerkoodii iyo boqortooyadoodii ka baydaday. Orodkii ayuu isaga oo jahowareersan waddada ku la kulmay nin, ninkaas oo ay ismaandhaafeen dabadeed uu ugu shubay.

Magaaladan Thebe markii uu yimid waxa uu noqday nin waxtar ah oo la jeclaaday, dabadeed boqor baa laga dhigtay, waxa uuna dumaalay carmalkii boqorkii hore ee sida aan la garanayn magaalada looga dilay.

Beri dambe ayuu magaaladii Thebe cudur xumi ka dillaacay. Dabadeed faaliyahoodii waxa uu sheegay cudurkan faafay in uu yahay ciqaab ay ilaahyadu keeneen oo la xidhiidha in qofkii boqorkii hore dilay magaalada ku nool yahay oo aan la qaban lana ganaaxin. Dabadeed boqor Oidipus ayaa loo xilsaaray in uu arrinka dabagal ku sameeyo oo dhagarqabaha soo helo oo ciqaabo. Hawshaa ayuu dabadeed boqorkii bilaabay.

Haddaba intii uu boqor Oidipus baadhitaanka ku jiray waxaa soo korodhay dhacdo wax badan daaha ka rogtay. Waxaa yimid ergey laga soo diray magaaladii uu boqorkani beri hore ka soo baxsaday ee Korinth, waxa uuna ergeygaasi sheegay in uu odaygii halkaa boqorka ka ahaa geeriyooday oo boqorkan laga doonayo in uu labada magaalo boqor u wada noqdo (garo oo boqorka halkaa ku dhintay waa boqorkan aabbihii). Oidpus kolkii uu ogaaday aabbihii in uu bes u dhintay wuu nefisay, waayo weli waxaa ku taagnayd saadaashii xumayd ee ahayd in uu isagu aabbihii dili doono.

Ergeygani waxa kale oo uu keenay xog fajac leh oo ah Oidipus dhab ahaan in aanu ahayn wiilkii boqorka dhintay, isaga oo ilmo ah ayaa se la helay oo boqorkaasi soo korsaday. Dabcan Oidipus weligii waxa uu isu haystay in uu yahay wiilka boqorka magaalada Korinth ee uu ka soo baxsaday, waxa uu se run ahaantii ku dhashay magaaladan qaddarku boqorka uga dhigay, oo waxaa dhalay boqorkii qarsoodiga lagu dilay ee uu taashka ka dhaxlay. Sidaa darteed hooyadii waa ooridan uu dumaalay ee uu imika qabo!

In ay arrintu sidaa tahay si loo sii xaqiijiyo waxaa loo yeedhay oday boqorkii hore adeege u ahaa. Ruugcaddaagaasi waxa uu  qiray Oidipus kolkii uu dhashay in boqorka iyo boqoradda loo saadiyay wiilkoodu kolka uu koro in uu aabbihii dili doono hooyadiina guursan doono. Sidaa darteed kan (odaygan warramaya) ayay u dhiibeen si uu cidla ugu soo tuuro. Wuu se u naxariistay oo waxa uu siiyay nin xoolo la jooga, oo ah isla odaygan kale ee imika ergeynimada u yimid, kaas oo isaguna u geeyay boqorka Korinth oo uu u ahaa ciidan, qawsaar ama dhoobbi. Sidaas ayuu ilmihii ku badbaaday oo weliba boqorkaa kale wiil uga dhigtay.

Imika ayuu Oidipus qunyar qunyar u gartay hooggiisa. Illayn berigii uu boqortoyadooda Korinth ka soo baxsaday ninkii uu waddada ku soo dilay waxa uu ahaa isla boqorkii uu magaaladan ka dhaxlay ee aan cidda dishay la ogayn, kaas oo ahaa aabbihiisii dhabta ahaa. Illayn marwadan uu dumaalay waa hooyadiisii goortii uu dhashay tuurtay. Illayn isaga iyo waalidkiiba saadaashii ay weligood ka cararayeen ayay dhankeeda u cararayeen ama iyadu daba cararaysay. Illayn weligood dadaalkoodu waxa uu ku sii waday wixii loo qaddaray ee ay ka roorayeen.

Kolkii ay ayaandarradu caddaatay hooyadii, oo afadiisana ahi, waa ay isdeldeshay. Isagu se waxa uu istusay isdeldeliddu in aanay ku fillayn oo dembiga ka maydhayn, sidaa darteed isaga oo nool ayuu labada indhood iska soo bixiyay. Sidaa waxa uu u yeelay in uu isku ciqaabo indhihiisa xaqa tusi waayay.

Xilligaa dadka giriiggu waxa ay sameeyeen koboc iyo horumar laxaad leh dhinac walba: dhaqaalaha, fikirka, aqoonta iyo halabuurka intaba. Qarniyo badan ma ay jirin bulsho kale oo ku dherersan kartaa. Haddaba taa taariikhdu waxa ay sabab uga dhigtay dhawr ammuurood oo ka la ah:

  1. giriiggu waxa ay ka barwaaqoobeen soosaaridda raashinka, haddii ay tahay beerashada, dhaqashada iyo kalluumaysiga intaba.
  2. giriiggu waxa ay yeesheen ganacsi ballaadhan oo ay ka hodmeen oo u dhexeeya saddexda qaaradood ee Afrika, Aasiya iyo Yurub.
  3. qayb weyn oo bulshada ka mid ahi waxa ay ahayd addoon lagu shaqaysto oo wax badan soo saarta.
  4. qodobbadaa kore waxa ay suurtogeliyeen muwaadinku giriiggu in uu helo waqti uu nolosha kaga fekero oo wax ku abuuro.

Xilligaa uu fan masraxeedku sidaa u horumaray Ilbaxnnimadii Giriigga iyo dhulkeediiba waxaa liqday Imbaradooriyaddii Rooma ee xoogaysatay, dabadeed wax waliba xaggaas ayay u wareegeen. Roomanku in kasta oo ay dhaqankii Giriigga jeclaadeen oo sii wadeen, oo afkooda u rogeen, haddana dhanka suugaanta iyo xagga fikirka midnaba heerkii qolada hore ma ay gaadhin. Sidaa darteed jaadkii hore ee ruwaayaddu waxa uu dhammaaday dabayaaqadii xilliga loo yaqaan Antiik, waxaana beddelay nooc diineed oo socday qarniyadii dhexe ee Yurub.

Rooma iyadana waxaa ka abuurmay dabadeed Yurub ku dhex faafay ruwaayado jaad kale ah oo ku saabsan dhimashada iyo aakhiro iyo qisooyinka Kitaabka Baybalka, waayo kiniisadda ayaa awood weyn qaaradda ku yeelatay. Gaar ahaan dalalka Faransiiska, Isbeyn iyo Ingiriiska ayay ruwaayadda diineed ka wada hanaqaadday.

Dalka Talyaaniga waxaa ka dhisantay koox faneed oo la odhan jiray Commadia dell’arte taas oo laba qarni in ka badan (qanigii 15-aad iyo 16-aad) soo bandhigi jirtay majaajillo aad loo jeclaa oo isugu dhafan heeso, ciyaaro, muusig, sheekooyin iyo qosol. Talyaaniga iyo dalalka u dhowdhow oo dhan ayay kooxdaasi ku wareegi jirtay.

Xilligaa jilitaanka ruwaayadda loo ma samayn, sidii Giriigga, gole u gaar ah oo lagu jilo ama tiyaatar, waxaa se lagu daawan jiray debedda iyo daaradaha guryaha waaweyn.

Haddaba ruwaayaddu mar kale iyada oo iscusboonaysay waxa ay ku xoogaysatay dalka Ingiriiska gaar ahaan London, waqtiga ay u yaqaannaan Xilligii Elizbeth (1570-1630). Waxaa bilaabatay qiimiga faneed iyo xiisaha bulsheed ee ruwaayaddu in uu kor u kaco. Waxa ay gaadhay dadka gala in ay ka mid noqdaan boqortooyada iyo dabaqadda sare. Dadka sumcadda ruwaayadda wanaajiyay waxaa ka mid ahaa laba qof oo qaddarku isku soo beegay oo xilligaa London ku wada dhaqnaa. Midi waa boqoraddii da’da yarayd ee la odhan jiray Elizbeth, taas oo aad u jeclayd in ay ruwaayadaha gasho, iyo xitaa in qasrigeeda loogu dhigo. Qofka labaadna waxa uu ahaa nin wacdaro dhigay oo halabuurkiisu dunida mahadho ku reebay, kaas oo ruwaayadda samada gaadhsiiyay. Waxaa la odhan jiray William Shakespeare, waxa uuna noolaa 1564-1616. Xilligaas ayaa la dhisay golayaal hannaan wacan oo fankaa lagu daawado.

Shakespeare waxa uu ku dhashay magaalo yar oo la yidhaahdo Stratford –upon-Avon, isaga oo yar ayuu se u baxsaday London si uu ruwaayadaha jilaa uga noqdo, taasina waa ay u suurtagashay. Intii se uu jilitaanka ruwaayadaha ku jiray ayuu bilaabay isaga qudhiisu in uu ruwaayado allifo. Sidaas ayuu ku noqday qofka arrintaa dunida ugu horreeya ilaa maanta. Ruwaayadihiisu waxa ay caan ku yihiin tayo aad u sarraysa oo ay ugu horreyso sida ay uga run sheegaan abuurta dadka iyo xaqiiqada nolosha. Halabuurkiisa waxa uu aad ugu dadaali jiray in uu xaqsooro cidda uu qisada ka jilayo, xumaan iyo samaanba. Ruwaayadihiisa waxa uu ku salayn jiray noloshii xilligaa iyo dhacdooyin taariikheed oo dalkiisa iyo dhulal kaleba ah.

Ruwaayadaha William Shakespeare ee aadka u caanbaxay waxaa ka mid ah Hamlet oo uu ka allifay qoyska reer boqor ee Danmark, Othello oo ku socota nin afrikaan ah oo ciidankii Imbaradooriyadda Rooma abbaanduule ka ahaa, Merchant of Vinece oo ka hadlaysa nin yuhuudi ah oo magaalada Fiiniisiya ee Talyaaniga ku noolaa iyo nacaybka isaga iyo bulshadiisa ka dhexeeyay, Antony and Cleopatra oo ka hadlaysa boqoraddii ugu dambaysay Faraacinada iyo abbaanduulihii Roomanka ee Masar qabsaday oo isjeclaaday iyo aayahoodu waxa uu ku dambeeyay. Ruwaayadaha cajabta leh ee William Shakespeare waxa kale oo ka mid ahJulius Caesar, Macbeth, King Lear,  A midsummer Night’s Dream iqk. Shakespeare suugaantiisu ilaa maanta dunida waxa ay kaga jirtaa heerka ugu sarreeya, magaciisuna waxa uu noqday mid dahab ku qoran oo aan weligii abaadin.

William Shakespeare waxa uu bilawgii curiyay ruwaayadda tusaalaha u noqotay hoogga jacaylka ee la yidhaahdo Romeo and Julia taas oo aad looga dabadhacay ilaa maantana dunida oo dhan laga jilo. Ruwaayaddaasi waxa ay matalaysaa wiil iyo gabadh labadaa magac leh oo aad isu caashaqay. Magaalo Talyaani ah ayay ku wada nool yihiin, waxaana jirta carqalad weyn oo jacaylkooda xayiraysa, taas oo ah labadooda cidood oo colaad ribbatay dhex taallay. Qoyska ay inantu ka dhalatay marnaba yeeli maayaan in ay ninkaa xididnimo iyo xidhiidh kale la yeeshaan. Xitaa isaga iyo inantu isma arki karaan waxa ay se isku barteen gole xafladeed oo dad badani isugu yimid.

Romeo habeen walba waxa uu isa soo taagaa aqalka ay Julia deggan tahay daaqaddiisa, halkaas ayayna iska daawadaan oo isaga calaacalaan. Haddii la ogaado iyada iyo isagaba waa u ciqaab. Arrinta oo sidaas ah ayuu Romeo magaaladam ku dilay nin ay dirireen oo ay gabadha xigto yihiin, dabadeed magaalo kale ayuu u baxsaday. Intii uu maqnaa ayaa inantii nin kale la siiyay, waxaana loo diyaariyay guur. Dabadeed jahowareerkii waxa ay cuntay walax lagu miyir beelo oo laba maalmood la suuxsanaanayo. Waxa ay u dan lahayd in la moodo in ay dhimatay oo xabaalaha lagu daro, dabadeed kolka ay soo miiraabto gacaliyaheedii raadsato.

Julia sidii baa lagu xabaalay. Ha yeeshee Romeo waxaa loo geeyay gacaladii in ay dhab u dhimatay. Isaga oo muraarodillaac ah ayuu carradiisii dib isugu soo daayay, waxa uuna soo iibsaday sun si kolka uu xabaasha Julia dul tago isu dilo. Sidii buu yeelay oo qabrigii Julia ayuu dul yimid oo inta uu ka dul ooyay suntii cabbay. Bartii buu ku dhintay. Hadhow bay inantii soo miyirsatay, mise waxaa dul yaalla maydka ninkii ay dartii waxaas oo dhan u samaysay. Halkii bay iyaduna mindi isgelisay oo nafta iska goysay.

Maalintaas ayay labdadii qoys garwaaqsadeen colaaddooda aan macnaha lahayni sida ay u galaafatay ubaxoodii, halkaas ayayna labadii cidood ku heshiiyeen. Labadii isu dhintayna isku xabaal baa lagu aasay. Qisadaasi waxa ay noqotay ta ugu caansan xanuunka jacaylka iyo guuldarradiisa.

Xiisaha ay bulshooyinka Yurub fanka ruwaayadda u hayaan maalin qudha ismadhimin, xilli walbana waxaa lagu samaynayay horumarin iyo cusboonayn.

Qarnigii 17-aad Faransiiska oo ka qalinqortay kooxdii Talyaaniga ahayd ee Commedia dell’arte ayaa noqday dalka fanka ruwayadda hoggaamiya. Gugii 1635 Faransiisku waxa ay dhisteen akaademiyad ilaalisa hawlaha afka iyo suugaanta oo la yidhaahdo Comédie-Francaise. Akaademiyadaasi waxa ay dhaqangelisay xeer adag oo ruwaayadda loo raaco kaas oo loo celinayo casrigii dahabiga ahaa ee Giriigga. Si loo dhawro quruxda afka iyo anshaxa ay dabaqadda sare ilaashato, waxaa la xarrimay ruwaayadda in lagu soo daro eray, fal ama muuqaal ”aan anshax suubbanayn”.

Akaademiyada Faransiisku waxa ay kale oo sharciyaysay hannaan loo bixiyay Saddexane kaas oo dhigaya ruwaayaddu in ay ilaaliso saddex xeer oo wadajira ah oo waajib ah: 1) sheekada ruwaayaddu jilaysaa in ay meel qudha ka dhacdo ee aan laga jilin in ay meelo ka la duwan isku mar ka dhacayso. 2) waqtiga ay qisada ruwaayaddu soconaysaa dherer ahaan in uu u dhigmo waqtiga dabiiciga ah ee nolosha la jilayaa dhici karto. 3) dhacdada ruwaayaddu in ay tahay sheeko qudha oo is’haysata ee aan laga matalin sheekooyin isbarbar socda. Arrimahaas oo dhami waxa ay ina xusuusinayaan ruwaayadihii Giriigga.

Xeerkaa adagi dalka Faransiiska waxa uu ka dhaqangalay oo keliya dabaqadda sare iyo halabuurradda raacsan, ha yeeshee rag kale oo taageerada dadweynaha haysta ayaan dheg u jalaqasiin, waayo sida muuqata ruwaayadda waxa uu ka xayirayaa gudbinta runta nolosha iyo waaqica bulsheed. Ragga xeerka akaademiyada diiday waxaa ka mid ahaa abwaan weyn oo xilligaa allifaadda ruwaayadda daaddihinayay oo la odhan jiray Moliere (1622 – 1673). Ninkaas iyo dadkii la aragtida noqday ayaana ruwaayadda ka badbaadiyay damaca burjuwaasiga.

Xilliyadii dambe fanka ruwaayaddu dunida oo dhan aad buu ugu faafay. Qaybtii hore ee qarnigii tegay xagga farsamada ayaa aad looga horumariyay, waxaana kaalimo aan ta curinta iyo jilitaanka ka yarayn yeeshay soosaaridda, ilayska, codka iyo muuqaalka, waxaas oo dhan oo kor u qaaday tayadeeda.

Siyaalo badan oo magacyo ka la duwan leh ayaa maanta ruwaayadda loo soo bandhigaa. Waxaa ka mid ah tii sooyaalka ahayd ee weligeed la yaqaannay. Waxaa ka mid ah ta la yidhaahdo opera oo leh muusig iyo heeso si gooni ah loogu luuqeeyo. Waxaa ka mid ah jaad la yidhaahdo musical oo ah sheekayn lagu milo muusig iyo heeso. Waxaa kale oo ka mid ah nooca dhallaanka oo ah walxo la qofeeyo oo cod iyo dhaqdhaqaaq loo yeelo.

Fanka ruwaayaddu maanta isaga oo dunida ka wada dhaqangalay, welina la xiiseeyo, waxaa muquuniyay oo suuqa ka riixday filinka, TV:ga iyo heesaha.

Waxaa xusid mudan, ruwaayadda samaynteedu, isla sida sheeko qoristuba tahay, ma aha arrin u baahan in dugsi iyo jaamacad loo dhigto, waa se hibo qofkeedu horumariyo oo isbaro. Taa waxaa tusaale u ah shan nin oo qarniyo ka la fogfog ruwaayadda horseed ka noqday dhammidood waxa ay ku bilaabeen jilitaan, dabadeed samaynteeda ayay u gudbeen. Afartaa nin waxa ay ka la yihiin: Sofokles (qarnigii 5-aad C.h) oo ahaa Giriig, William Shakespeare (1564 –1616) oo ahaa Ingiriis, Moliere Jean Baptiste Poquelin (1622 – 1673) oo ahaa Faransiis, Henrik Ibsen (1828 – 1906) oo ahaa Norwijiyaan, iyo Augost Strindberg (1849–1912)oo ahaa Iswiidhish.

Si taa la mid ah nimankii caanka ku noqday allifaadda ruwaayadaha soomaaliyeed ma jiro mid keliya oo lahaa waxbarasho aqoontaa la xidhiidha, qaarkoodna weligoodba dugsi ma ay dhigan.

Haddaba fanka ruwaayaddu hiddaha soomaalida ku ma soo jirin. Badhtamihii qarnigii tegay ayuu se dhaqankaasi Somaliland ka soo galay dhinaca magaalada Cadan oo ahayd meel ay ku kulmaan dhaqammada ummadihii badnaa ee wada hoos iman jiray Imbaradooriyaddii Biriteyn. Gaar ahaan magaalada Hargeysa ayaa noqotay xarunta fankani ku hanaqaaday soomaalida kale oo dhanna kaga faafay. Dabadeed ruwaayaddu xitaa waxa ay u gudubtay ilaa dhulka miyiga, halkaas oo gaafka arooska lagu soo bandhigi jray majaajillooyin lagu qoslo. Maanta se dhaqankaa quruxda badani dhulka soomaalida waa ku gabaabsi.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Halkan ka akhri Qoraalladii hore ee Qoraaga Ibraahim Hawd ee lagu baahiyay Mareegta WEEDHSAN.

Qalinleyda © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.