Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Saaxiibtinimada iyo Suugaanta Soomaalida – W/Q. Maxamed Muuse Tiyo

“Saaxiibka suubbani
Sadrigiyo laabtiyo
Niyaddaa salkeediyo
Qalbiguu sifeeyaa
Suuradaha Quraankiyo
Sedkii lagu ducaystiyo
Sareeduu jeclaystaa……”
– Jamaal Cali Xuseen

Saaxiib markaad maqasho waxaa maskaxdaada ku soo degdegaaya laba qof oo in ka mid ah noloshooda ama wakhti is yaqaanay, waana wax dabiiciya in aad sidaasi u fikirto, sababtoo ah kamaad arag waalidkaa ama ciddaad la nooshahay iyaga oo ka sheekaynaaya waxay tahay saaxibtinimadu  ama la jooga dad ay asxaab yihiin, waxaad ku kortay ama la dhaqantay bulshada somalida oo saaxibtinimadu aanay aad looga aqoon. Mana aha wax yaab leh.
Ummad kasta oo meel ku dhaqan waxay ku soo dhaqmi jirtay waxa laga arkaa ama laga dheehdaa dhaqankoodii hore iyo wixii ay suugaan lahaayeen sidaasi oo ay tahay ummadda Soomaalida suugaanyahankeeddii saaxibtinmadda si qoto dheer ugama hadal in kastooy Soomaalidu aad u qaddariyaan saaxiibtinimada haddana waxa jira dhaqammo ama xeerar ay ayagu dhigteen oo arrintaasi uga sokeeya.  
Soomaalidu inta badan waxay ku saleeyaan saaxibnimada inay ku eegtahay inta dhalinyaranimadda lagu jiro iyo wakhtiga carruurnimada taas oo ay ku qorsheeyeen xilliga dhallaannimada ,taas oo macnaheedu yahay in aanay si aad ah u adkeeyaan ama isku hawlaan inay sii jirto saaxibtinimadu sababo kala duwan awgeed,
Waxaan ku raacsanahay saaxiibkay Cirro in aanay suugaanta Soomaalidu aad uga hadal arrintaas, suugaan badan oo mug leh oo la sheego ma jirrto ayaan filayaa kunnana dambaabi mayo haddii aan idhaahdo suugaanyahanku arrintaasi inay wax ka yidhaahdaan ama ay inoo soo gudbiyaan way gabeen .
Bulshada Soomaliyeed Alle dhibta haysata ha ka dul qaaddee muddadii dambe ee burburka iyo bayhoofku ku dhacay xusuustoodu aad ayay isku beddashay oo saaxiib daayoo ahelkii ayay yaraatay in laga war hayo.
Diintu maxay ka tidhi saaxiibtimada?
Diintu aad ayay u dhiirri gelisay saaxibtinimada waxaynu ka soo qaadan karnaa sifooyinka saaxiibka wanaagsan iyo astaamaha ama waxyaalaha laga faa’ido saaxibka wanaagsan nabigeennii suubbanaa  (NNKH) waxa xadiis laga soo weriyay lagu sheegay “in saaxiibka wanaagsan lagu tilmaamay sidda cadarka ama udgoonka” .
Halka saaxibka xunna lagu tilmaamay inuu yahay “Mid maryahaaga kaa gubaaya oo kugu afuufaaya dab”
Saaxiibka wanaagsani waa ka dhib iyo dheefba kula wadaaga  marxallad adag iyo mid farxadeedba, haddaynu is nidhaahno cabbira ama fikir ka dhiibta saaxibnimada. Saaximtinimadu waa shay aad u qaali ah waxaanay leedahay maraaxil ama jaranjarooyin kolba ku xidhan heerka saaxibnimadu  ay marayso ilaa ay ka gaadho meel sare , oo ay labadda qof ama kooxdu ay isku aaminto naloshooda .
Suugaanta soomalidu aad ugamay hadal saaxiibtinimada inta aan ka maqlay saaxib hees ama tix ka sheekaynaysa waxan maqlay heesta cirro sheegay ee uu midhaheedda lahaa Jamaal Cali Xuseen, Maxamed Aadan Himlo na uu ku luuqeeyo waxa kale oon arkay tix uu sameeyay abwaan da’ yar oo la yidhaahdo Yaxye Cabdi Cali “Yeebaash” oo saaxibtinmada kaga hadlaayo una hoga-tusaalaynaayo saaxiibkii waxa wanaagsan ee uu samaynaayo
Inta badan haddaynu soo qaadanno qarnigii ina dhaafay rubicii hore waxa inta badan suugaanta Soomaalidu u badnayd mid dagaal iyo qabiilaysan umanay jeedin wax tar bulsho iyo wacyi galin dadwayne.
Nuskii ku xigay waxa Suugaanta Soomalida ka arkaysaa mid halgameed oo inta baddan ku suntanayd siddii ay soomali iskaga tuuri lahayd heerayaddii isticmaarka oo iyaguna aad ugumay dhiiran inay ka hadlaan arintaasi Wixii ka dambeeyay nuskii dhexe ayay soo baxday in aad loo qaddariyo saaxibtinmadda iyo is-dhexgalka bulshada, labadaasi tixood ee aynu soo tilmaanay waxay soo baxeen qarnigan aynu ku jirno
Haddaba ma odhan karnaa fikraddaasi ah In suugaanta soomalidu inay arrintaasi ka gaabisay mise odhan karnaa inta badan Soomaalidu saaxibtinimada waxay u yaqaannaan inta dhalaannimada oo kaliyaata? Bal idinkuba!
W/Q Maxamed Muuse Tiyo
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.