Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Magac ku doon wax aad qabsatay! – W/Q. Maxamed Cali Bile

Bal hadda ka fikir adiga oo ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Hargeisa oo markaad diyaaraddii ka soo degtay aad aragtay iyada oo ay ku qoran tahay Gegeda Diyaaradaha Caalamiga ah ee Daahir Riyaale. Markaad madaarka ka soo baxdayna,

aad aragtay iskuulkii la odhan jirey Mohamoud Ahmed Ali oo loo bixiyey dugsiga hoose dhexe ee Suufi Warsame oo adoo yaaban aad magaaladii soo gashey oo aad aragtey kheyriyadii oo loo bixiyey golaha Mudane Silaanyo. Waxad markaba ka fikireysaa tolow waa maxay inqilaabkan dalkii ka dhacey!

Markii laga soo noqdey dagaalkii dunida ee labaad ee dhamaadey 1945kii ayaa Kabtankii magaalada Hargeisa xukumayey, Mr. Fisher, uu shicibkii ku soo rogay cashuur dheeraad ah oo uu rabey in la ururiyo si loo dhiso iskuulkii u horeeyey ee ay Soomaaliland yeelato. Shicibkii way ka mudahraadeen oo wey diideen cashuurtaa balse Mr. Fisher, dad badan ayuu xidhxidhey oo lacagtii laga qaadey. Lacagtii la ururiyey wey gaadhi weydey wax lagu dhiso afar fasal iyo xafiiskoodii.

Mr. Fisher waxa uu tegey jeelka Hargeisa oo uu ka soo kexeystey tiro maxaabiis Talyaani ah oo lagu soo qabqabtey dagaalkii dunida ee labaad, oo ay ku jireen maxaabiist dhismaha wax ka taqaan. Lacagtii uu ururiyey iyo maxaabiistii talyaaniga ahayd ayuu ku dhisay afar fasal iyo xafiiskoodii oo ah dugsiga iminka la yidhaa Sheikh Bashiir ee magaalada Haregisa ku yaal. Afarta fasal ee uu markaa dhisay waa kuwa u jeeda dhinaca wuqooyiga oo nashqaddooda ayaa laga garan karaa inu talyaani dhisay, oo waa “Roma Architect”.

Markaa iskuulka la dhisayey waxa meesha ku yaaley hal fasal oo geed hoostii ah oo lagu soo wareejiyey ood. Ardeydii fasalkaa ooda ah ku jirtey oo ah fasalkii wax barasho ee u horeeyey ee Soomaaliland laga furo ardeydii ku jirtey wax aka mid ahaa Dr. Ali Qaadi oo markaa Rool Nambarkiisu ahaa “1” oo macniheedu ah inu ahaa qofkii u horeeyey ee Soomaaliland la qoro iskuul. Waxa kaloo isna fasalka ku Jirey AHUN Abdirahman Ahmed Ali “Tuur” iyo AHUN Mohamed Haji Ibrahim Cigaal. Markii uu dhamaadey dhismihii cusbaa, caruurtii waa laga soo khexeeyey geedkii oo fasaladii cusbaa ayey galeen. Iskuulkiina waxa loogu magac darey ninkii dhisey oo ahaa Mr. Fisher.

Mr. Fisher xaaskiisii ayaa sannad dabadeed u dhooftey ingiriiska gaar ahan gobolka Wales si ay uugu soo umusho. Markii ay umushey ayay dadkii magaaladeeda dhex gashey oo ay ka codsatey in lacag loo ururiyo si ay uugu dhisto rug caafimaad oo dumarka uurka leh lagu daweeyo. Lacagtii ayay soo qaadey oo waxa ay ku dhistay rug caafimaad oo ku tala meel u dhow maxkamadda Hargeisa dhabarkana ku heysa dhakhtarka qaaxada. Rugtiina waxa loo bixiyey magaceedii oo ahaa “Ruth Fisher Clinic”

Waxa jira dad badan oo kale oo muwaadiniin iyo ajinabiba ahaa oo is xilqaamey oo mashaariic fuliyey oo iyagii loogu magac darey. Ha noqoto Iskuulkii Riis ee uu Dhisey Dir Gerald Reec iyo Iskuulka Ahmed Gurey oo uu dhisey nin la odhan jirey Sir Thomson.

Markii gobanimada aynu qaadaney 1960 ilaa maantadaa an joogno jeelba jiilka ka danbeeya ayuu taariikhdii badh masaxayaa oo libin dad hore sameeyeen inta uu ranji soo qaato masaxayaa oo uu magac kale ku qorayaa. Iskuulkii Fisher magacii waa laga bedeley iyadoo xamaasad xornimo ina haystao oo waxa loo bixiyey dugsiga Sheikh Bashiir, Iskuulkii kale ee Sir Thomson dhiseyna waxa loo bixyey Ahmed Gurey.

Iskuulkii ya odhan jirey Yurubyan iskuul, markii kacaanku dhashey waxa loo bixiyey Dugsiga Shacabka wiilasha. Haddana dhamaadkii sideetamadkii ayaa loo bixiyey dugsiga Hussein Giireh, maantana waxa la yidhaa Dugsiga shekh hebel. Biyo dhacey oo magaacaa ku soo caano maaley waxan u maleynayaa in iminka la yidhaa Dugsiga Shekh Ali Ibrahim. Dugsigii Riis waxa la yidhaa dugsiga Sheikh Ali Cisman.

Waxa iyana aan meesha ka madhneyn qabyaalada, gaar ahaan intii ka danbeysey 1991 kii. Magacyadan cusubi waa qaar ama Mujaahid ama sheekh xaafaddaas ah loogu magac darayo.

Taasi waxa ay ku tuseysaa in jiilba jiilkii ka horeeyey masaxayo taariikhdiisa. Waa inan ogaadaa iney dhici karto iney iman doonaan jiil inaga danbeeya oo waxan an iminka wadno masixidoona haddii aan loo sameyn shari iyo nidaam qeexa sida magac loogu bixinayo wixii dan guud ah. Inta la xusuusto Bile Rafle waa Mayorka lagu tilmaamo inu magaalada Hargeisa ka danbeeyey nidaaminteeda oo waxa uu jiixay waddooyinka waaweyn  ee magaalada, waxa uu baabi’yey xaafadihii isku raranta ahaa, xaquna waa in meelo magaalada ka tirsan loogu magac daro oo aan lagu daadifeyn waayo wuxu ka soo jeedaa Qabridahare ama waa nin ka u shaqeynayey dawlad aynaan jecley.

Haddii aynu dooneyno inan magacyadii mujaahidiinteena iyo culimadeena iyo siyaasiyiinteena meelo uugu magac darno, waxa waajib ah inan uugu magac darno wax an inagu dhisaney ee aynaan noqon qurux boob ku magac doonata wax dadkale u soo dhidideen.

Maxamed Cali Bile

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

SI-ARAG © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.