Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Ma u Qalantaa Siyaasi iyo Hoggaamiye? – W/Q. Maxamed Cali Bile

Aniga iyo saaxiibkey ayaa u tagney Wasiir ka mid ahaa dawladda Soomaaliland oo markaa anigu an u arkayey inu ka mid ahaa wasiirada ugu awoodda badan Soomaaliland xiligaa. 

Taariikhdu waa bishii May 2000, waana Hargeisa, waana goor fiid ah.

Wasiirkii ayaan u galney isaga iyo nin kale oo qayilaya oo daawanaya TV-ga oo ay markaa ka socotey doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee magaaladda carta. Wasiirkii oo an saxiib aheyn ayaan ku idhi, arrin ayaanu kuula soconaa, waxaanu noogu jawaabey, arrinkaad u socotaan hadhow ayaynu geliyee an daawano doorashada iyo sida ay u dhamaato.

Woxoogaa ka dib ayaan weydiiyey Wasiirkii sida nimankan madaxweynanimada Soomaaliya u tartamayaa ay sameyn uugu yeelan karaan Soomaaliland. Dadka tartamaya waxa ka mid ahaa Cabdiqasim Salaad, Cabdillahi Caddow, Cali Khaliif Galeydh iyo qaar kale. Waxa an markaa Wasiirka ka filayey inu masalan yidhaa haddii Cali Khaliif Galeydh la doorto waxa ay u eekaaneysaa ku xumeyn amaba siyaasad qalafsan maadaama uu ka soo jeedo Soomaaliland maalin dhaweydna uu Hargeisa ka dhoofey, ama uu yidhaa Cabdillahi Cadow inu Mareykan ku dhowyahay ayaa lagu xantaa oo xaggaa taageero ayuu ka heli, inana sidaa ayuu inoo saameyn karaa amaba inama saameyn karayaan oo sababahaa awgood.

Wasiirkii wuxu iigu jawaabbey “maxaad ka wadaa”. Waxan ku idhi idinka dawlad ahaan sideed u kala aragtaan ama ad uugu diyaargarowdeen. Jawaabtii Wasiirku imay qancin. Wuxu igu yidhi, waxani inaga inama khuseeyaan ee Soomaaliya uunbey khuseeyaan. Ninkii kale ee la fadhiyey ayaa isna sheekadii ku soo boodey oo yidhi waar waxan inagu shuqul kuma lihin ee koonfur ayaa is dooraneysa. Dalkan waa loo soo dhintay, cidii soo faro gelisana ………….. iyo hadalo kale oo aanan xasuusan.

Waxan niyadda ka idhi sidee baanu inoo khuseyn! Sowkan Mareykankii fadhiya, ee reer Yurub ay fadhiyaan, ee Uganda fadhido iyo Kenya iyo itoobiya iyo IGAD fadhido. Arrinka waxaas oo dal ah Khuseeyaa sideebaanu inaga inoo khuseyn. Mid gartey oo waxad ku doodi kartaa inagu kama qeyb galeyno, balse ha is diidsiin inu waxani sameyn kugu yeelan karo. Hadalkii Wasiirku werwer badan ayuu i geliyey oo waxan idhi oo haddii dadka aad tuhmeysaan eed isleedihiin circa iyo dhulka ayay kala hayaan ee dadku ka dhursugayaa fikirkooduba weli halkaa joogo, baqasho ayay leedahay.

Maalintii dhaweyd ee Mareykanku ku dhawaaqey inu aqoonsadey dawladda soomaaliya ayaan haddana arkey siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda dawladda, mucaaridka, golayaasha, wasiiro hore, qaar iminka jooga oo wax laga weydiinayo ictiraafka mareykanku ictiraafey dawaladda cusub ee Soomaaliya. Jawaabahii ay bixinayeen badankoodu waxay ku tusaysey aqoon la’aantooda siyaasadeed ee dadkeena hogaamiyayaasha haysa. Badankooduna hadalkoodu waxa uu ku fadhiyey sheeko iyo wax tegey, balse aan aragti mustaqbal laheyn oo masalan waxa ay qaar yidhaahdeen umaddan masiirkeeda iyada ayaa goosatey cid dib u celin kartaana ma jirto. Qaarkoodna afkii dadka caadiga ah ee suuqa jooga ayay ku hadlayaan oo ah, dalkan dad ayaa u soo dhnitay oo ah kelmad sax ah balse aan khuseyn arrinka wax laga weydiiyey. Siyaasiyiinta qaarkood waxa ay ku hadlayaan afkii suufiyada oo ah “dalkan yar Ilaahey ayaa ilaashanaya oo cidna wax ka qaadi meyso”. Mid kale waxa uu ku jawaabayaa “maalinta ay noogu darntahay ayey noogu fiicantahay” oo ah afkii lagu dhiiri gelinjirey jabhaddii SNM marka dagaalka lagu jiro ee xaalku ku xumaado.

Hadaladani siyaasigii ku hadlayaan waa wada sax, balse wakhtiga la joogo iyo meesha la joogo munaasab kumaa aha, su’aasha meesha taalana jawaab uuma noqon karto. Siyaasiyiintan an dhegeystay hadalkooda wey ku yareyd aragti fog, aqoon diplomaasaiyadeed oo ku saleysan mawjadaha siyaasadeed ee mandaqadda iyo caalamka guud ahaanba maanta ka socda oo ku dhisan maslaxado iyo wax isweydaarsasho.

Sanadkii 1991 ayaa Wasiirkii Arrimaha dibedda ee Soomaaliland AHUN Sheikh Yusuf Sheikh Ali Sheikh Madar uu tegey jabuti waxaanu la kulmey safiirkii Mareykanka ee xiligaa fadhiyey jabuti, waxaanu ka codsadey inu ballan uuga sameeyo kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Mr. Cohen, oo markaa socdaal ku joogay magaalada Jabuuti. Safiirkii waxa uu ugu jawaabey Sheikh Yusuf, Mr. Cohen iminka qorshe kale oo ku saabsan itoobia iyo Soodaan ayuu u socdaa sidaa darteedna ma arki kartid. Waxa uu Sheikh Yusuf ku yidhi, bal horta isku day iney suuro gal tahay inan dhawr daqiiqadood arki karno.

Subixii danbe ayuu Safiirkii Sheikh Yusuf telephoon u soo direy oo uu ku yidhi Mr. Cohen wuu aqbaley inu adiga iyo cida kula socotaba idin arko. Markii ay la kulmeen, ayuu Mr. Cohen ku yidhi Sheikh Yusuf “waxad heysataa 20 daqiiqo, sidaa darted, waxa ad u socotaan murtideeda uun ii sheeg, iyo waxad iga dooneysaan”, waxa kale oo uu u raaciyey, waan ogahay in dawladdii Siyaad Barre dhibaato badan iyo tacaddi soo gaadhsiisey dadkiina, waan ogahay in magaalooyinkiinii la wada burburiyey, waan ogahay in dadkiinii qaxey oo ay iminka ku jiraan xeryaha qaxootiga, waan oghay in dhibkaa weyni idin haysto. Sidaa darted waxa ad ii sheegtaa wax aanan ogeyn oo ad isleedahay waa muhiim.

Sheikh Yusuf inta uu cabbaar aamusey ayuu yidhi baahida maanta noogu weyni eenu dooneyno waa biyo la’aan oo magaalooyinkii oo lagu soo noqdey ayaaney jirin wax biyo ah oo nadiif ah oo la cabbo. Mr. Cohen waxa uu ogolaadey in la siiyo laba malyuun iyo badh doolar ($2.5 million) oo lagu dayac tiro biyaha geedeeble oo Hargeisa la soo gaadhsiiyo. Shirkii waxaan toban daqiiqo aheyn ayuu ku dhamaadey. Sheikh Yusuf ayaa markii uu shirka ka soo baxay ku yidhi saaxiibaddii oo la socday, nasiib ayaaban lahayn haddii an haleeley inan ka codsanno biyaha, waayo wixii an islahaa u sheeg oo dhan wuxu yidhi waan ogahay ee waxba ha ii sheegin. Sheikh Yusuf waxa uu u socday inu taariikh dheer galo oo uu ka shaakeeyo taariikhda Soomaaliland iyo waayihii la soo marey.

Dadkii dalkan u soo dhintay iyo kuwii u naafoobayba, dalkan waxa ay ka soo riteen gacan cadaawe, waxaaney xoriyadoodii ku soo ceshadeen qori caaradii. Dalkii oo xor ah oo aan cidi inagu haysan ayay faraha ka geliyeen siyaasigii iyaga oo ka filaya inu halkaa ka sii qaado oo uu caruurtoodii iyo agoomahoodii gaadhsiiyo nolol iyo horumar iyo mustaqbal lagu faano. Halganku wuxu kala leeyahay heerar sida orodka qori isku dhiibka ah ee qofba inta uu meel gaadhsiiyo kakale u dhiibayo. Qorigaa qofba midkale u dhiibayo ayaa ugu danbeynta guusha keena. Inkastoo guushu ku xidhan tahay dadaalka dadka qoriga isku dhiibaya, haddana qof walbaa inta uu isagu ordayo ayuun buu mas’uul ka yahay.

Haddaba siyaasiga maanta jooga maxaa looga fadhiyaa, muxaafid iyo mucxaaridba?. Ta rrimaha gudaha iyo dib u dhiska illaa heer meel wanaagsan ayay mareysaa, balse tii ku saabsaneyd Soomaaliya iyo arrimaha dibedda, waxa looga fadhiyaa inu garaadkiisa iyo aqoontiisa koriyo oo uu hadaf ka dhigto sidii uu meelo sare wax uga soo dhicin lahaa iyo sidii uu dalkani uga qeyb noqon lahaa calamka horumarka higsanaya. Waa inu ka baxaa fikirkan heer gobolka ah oo uu damaciisa ku jirtaa sidii uu xidhiidh ula sameysan lahaa golayaasha waaweyn ee caalamkan looga taliyo, waa inu yeeshaa haybaddii iyo muuqaalkii iyo aqoontii uu dawladaha kale ku galagaleysan lahaa.

Siyaasigu waa inu wax akhriyaa oo uu masalan ogaada waxyaabaha suura geliyey inay Ereteriya ka go’do itoobia, iyo sida Bosnia uga go’day Yuguslaafiya iyo sida East Timor ay uga go’day Indoniisiya inteeda kale, si uu markaa u helo bal hadda sida Soomaalilandna ay yeeli karto si ay hadafkeeda u gaadho. Siyaasigu waa inu yaqaanaa sida caalamku maanta u shaqeeyo ee mareykan iyo ingiriis iyo faransiis wax looga iibiyo.

Siyaasigu waa inu ogaadaa inaan maanta dalna lagu ictiraafin taariikh laga sheekeeyo iyo dal la dhisto. Haddii ay taasi jirto waxa la aqoonsan lahaa Falastiin. Maanta aqoonsiga dawladuhu waxa uu ku xidhan yahay wax kala iibsasho iyo dan oo ah maxaan kala iibsaneynaa. Siyaasiyow ka fikir waxa ad ka iibin karto mid ka mid ah shanta dawladood ee golaha ammaanka oo ku qasba iney kuu soo joogsato.

Siyaasiga dalku waa inu ogaadaa inaan Aqontan yare ee ku saleysan kudbadaha iyo faanka ama faroole oo kolba loo jawaabo iyo hadalka suufiyadu aanu meel ina geyneyn waxna ka tareyn dagaalkan cusub ee aynu galney sanadka 2013.

Maxamed Cali Bile

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 © Weedhsan Corporation 

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.