Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Maxaad ka og tahay Xikmadda ku jirta Tirada '4'? – W/Q. Maxamed Faarax (Q. 3)

Hadda waxaynu ku eegi doonaa qormadeenan taxana ah xikmada ku jirta Tirrada Afar (4) waxay ku tusinaysaa  tiradani inay tahay mid ay ku gadaaman yihiin  xikmad Rabaaniya.

tusaale ahaan haddaanu u soo qaadano xikmadaha ku jira tirada AFAR (4) waxaynu odhan karnaa waa sidan:-

1.    Ma ogtahay in Alle Subxaanahu wa-tacaalaaye soo dejiyey (4) Diimood “ Sabuur,Furqaan,Injiil, Towraat)

2.     Ma ogtahay in Diimahaasi ay laahaayeen (4) Kutub “ Quraan, Sabuur, Injiil, Towraat.

3.    Ma ogtahay in Rusushu ay ahaayeen  (4) Rusul “Ibraahim,Muuse,Ciise, Muxamed”

4.    Ma ogtahay in quraanka lagu sheegay (4) Dumar ah “ Maryama Bintu cimraan, Gabadhii fircoon, Gabadhii boqor casiis, Gabdhii Nabi-luud”

5.    Ma ogtahay in ay yaraantoodii ku hadleen (4) Carruura ahi” Nabi Ciise, Wa-saaxibu jureyr, Wa-shaahidu Yuusuf, iyo Ukhduud”

6.    Ma ogtahay in Alle Subxaana wa-tacaalaaye uu nafta galiyo Ilmaha marka uu Uurka hooyada ku jiro (4) billood

7.    Ma ogtahay in Afada Ninkeedu geeriyoodo inay qaado Asay  (4) Bilood iyo 10 habeen

8.    Ma ogtahay in ay jiraan (4) Nololood “Nolosha Uurka, Nolosha Ifka, Nolosha Aakhiro, Nolosha janada/Cadaabta”

9.    Ma ogtahay in Sunnigu ka kooban yahay (4) Mabhadood “ Xanafi, Maa’liki, Shaafici,Xanbali

10.Ma ogtahay in Meertada Nolosha Aadamuhu ay marto   (4) Marxaladood “ Carruurnimo, Dhalin-yaro, Xoog”Medial Age” iyo Waayeel.

11.Ma ogtahay in Dhiiga aadaamuhu u qaysamo  (4) Nooc “A,B,O,AB”,

12.Ma ogtahay in Raga loo baneeyey inay guursadaan (4) Dumar ah

13.Ma ogtahay in Jihooyinku ka kooban yihiin (4) Jiho “ Waqooyi, Koonfur,Barri,Galbeed”

14.Ma ogtahay in maalintu leedahay (4) Xili “ Aroor,Duhur,Galab,Fiid”

15.Ma ogtahay in Cayayaanka uu soo maro (4) Mar-xaladood “ Beed(egg,Ovale), Lulubiy (Larve), Pupa , Imago

16.Ma ogtahay in cayayaanka marka laga reebo duqsiga ay leeyihiin (4) Baal

17.Ma ogtahay in faryaradu oo ah faraha ta- (4) aad aanay kaligeed dhaqaaqi Karin.

18.Ma ogtahay in Wadnuhu ka kooban yahay (4) Qeybood (

19.Ma  ogtahay in Qeybaha Ilkaha aadamuhu ay yihiin (4) “ Foolasha sare,iyo kuwa hoose, Miciyaha

20.Ma ogtahay in Qaaciidada xisaabta ee la raaco inay tahay  (4) Qaybood” Isugeyn, Isku-dhufasho,Kala-jarid Isku-qeybin.

21.Ma ogtahay in Xiliyadu ka kooban yihiin (4) Xilli “ Gu, jiilaal, Xagaa, Deyr”

22.Ma ogtahay in Bishu ka kooban tahay  (4) Usbuuc

23.Ma ogtahay in walaxuhu ay maraan  (4) qaab” Solid (Adke),Liquid (Dareere), Gas, Plasma “

24.Ma ogtahay in Turubku ka kooban yahay (4) Qaybood “ Heart, Diamonds, Clubs, Spades”

25.Ma ogtahay in Macdantu (Mineral) Ka Kooban Tahay (4) nooc, Biyo, Dabka, dhulka hawada.

© Weedhsan Corporation

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.