Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Wasaaradaha iyo Waax-Wasaaradeedyada la isku raray ama la kala raray iyo Xeerarka ay macno-tireen – W/Q. Garyaqaan Muuse Yuusuf

Waa wax caado u noqday in maamul kastaa marka uu yimaaddo ay barbar socoto mabaadii’ iyo qorsheyaal cusub oo uu ku hawlgalayo, bal se waxaa jira isbeddal saameyn ku yeelan kara hannaanka awoodaha, sharciyadda iyo qorshayaasha ay ku

 

adeegayaan Hay’adaha kala geddisan ee hoos yimaadda maamulkaasi.

Haddaba intii aynu aahayn qaran madax bannaan isbeddelladii maamul ee ina soo maray mid waliba waxa uu watay qorshihiisa oo uu barbar socdo sameynta isbeddelka qaabka guud, Taas oo keentay isdaba wareega iyo isku oodka, Haysta hay'adaha waaxda Fulinta {xukuumadda} oo aan lahayn saldhig rasmi ah, oo qaarkood dubood ku yihiin degal kale, Tusaale ahaan; Wasaaraddaha Waaxda fulinta Markasta oo hogaanka isbeddel ku yimaado waa la arkaa in aanay sidoodi ahaanin oo korodh, dhimis iyo isku Min-guurin waa u diyaar,

Bal eeg Hogaankii Marxuum Cabdiraxmaan-tuur  tirada Wasaaraduhu waxay ahaayeen 18 wasaaradood,  Marxuum Cigaal 23 Wasaaradood, Daahir Riyaale 26 Wasaaradood, Iyo Ka imika oo ah 24 Wasaaradood Markale Waxaa meesha ku dhax dawakhay Waaxyaha Wasaaraddaha oo uu ku batay Guurguurku.

Waxaas oo dhana waxa sabab u ah marka hore ayaanu jirin xeer iyo sharci ay ku unkan yihiin Dhammaan Hay'adaha waaxda fulinta ee ay ugu muhiimsan yihiin wasaaradu, taas oo keenta in hadba sidii ladoono loo dhigo.

Matalan Wasaaradda Waxbarashadu Imisa Magac ayay soo martay Mar tacliinta oo khaas ah Mar lagu Daray Dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo hada oo Lagu daray tacliinta sare, Kuwanina waa geedigii ugu danbeeyay ee lagu kala raro waaxyo wasaaradeedyo Qaarba dhan loo raray Bal eeg Waaxahan oo ah kuwii ugu danbeeyay ee raadka geedigoodi sii muuqdo,

{Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaa la-hoos geeyey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo iminka loo yaqaano Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaarahaiyo Dalxiiska, Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, waxaa la-hoosgeeyey Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi Gelinta oo iminka loo yaqaano Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi Gelinta},.

Haddaba Waaxyo wasaaradeedyadan guurguuray waxay sameyno dhankastaba leh ku sameynayaan Halka laga raray iyo Halka looraray, Dhinac kale hadaynu ka eegno Waxaa jira Xeerar Xidhiidh laleh oo Magac ahaan iyo macno ahaanba ku abtirsada Wasaarad ama Waax ka mid ah Wasaarad, oo Wasaaradi ku ahayd {shakhsiyad qaanuuni ah}, Sida Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer No.31/2004 Waxaa la sameeyay Xili ay Shaqada iyo shaqaaluuhu ahaayeen waax ka tirsan,  Wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, oo Hada loo raray waaxda shaqada oo loo daray Wasaaradda Arrimaha bulshada iyo shaqada.

Taas oo dhalan-gedis ku samaynaysa macnaha qoraalka xeerkan oo u baahan In la waafajiyo Waaqaca ay ku sugan tahay waaxdii {Agaasinka Shaqada} ee uu dabaqaayay ee uu kula baxay Magacan iyo macnaha ereyada lagu fasiraayo xeerkan gudihiisa oo u baahan inuu helo wax ka bedel degdegah.

Kagama bogan meyno qormadan Dhalan-gadisyadan Balse Waxaan halkan idiinku soo bandhigaya  xeerkan {Xeer No.31/2004 } iyo Dhalangadiska la soo dersay iyo sida ugu haboon ee loo sixi karo ama laysku waafajin karo isdhaafka ku jira xeerka & waaxdii uu dabaqaayay  halkay maanta joogto.

Miyaanay ahayn in Dib u eegis iyo wax ka badal lagu sameeyo oo dib loogu celiyo Hay'adaha awooda u leh, si aanay marti isugu noqon waaxaha la raray iyo wasaradaha loo raray, una lumin Macnaha, Nuxurka, iyo Iyo Fahanka Xeerkan iyo Kuwa la qayrka ah Iyadoo la raacayo

DASTUURKA iyo XEER MADAXWEYNE NO. 0187/012012, JANUARY 04, 2012;

XEER NIDAAMIYAHA FAAFINTA RASMIGA AH EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

Bal aynu u daaddagno Qodobbada Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer No.31/2004

Ka bilaw Qodobka1aad illaa ee ubaahan in dib u eegis lagu sameeyo

Qodobka 1aad: Tafsiirka Erey bixinta

Agaasinka Shaqada:

 Waxa loola jeedaa Agaasinka (directorate) u xil saaran arrimaha shaqaalaha rayidka ah ee hoos yimaadda Wasaaarada Caafimaadka & Shaqada JSL.

Miyaanay ahayn in loo dhigo qoraalkan sidan Si uu

Agaasinka Shaqada:waxa loola jeedaa Agaasinka (directorate) u xil saaran arrimaha shaqaalaha rayidka ah ee hoos yimaada Wasaaarada Arrimaha Bulshada & Shaqada JSL.

Qodobka 2aad: Xadka Adeegsiga xeerka

Faqradda 2. Sharcigan lagu dhaqi maayo:-

2.1 Shaqaalaha Dawladda.

2.2. Ciidamada Qalabka sida darajo kasta ha lahaadeene.

2.3 Ciyaartoyga.

2.4. Ciidanka Sirdoonka

2.5. Shaqaalaha maalinlaha ah

Nuqdadani *2.4. Waxay isu Bedelaysaa {Hay'ada Sirdoonka} Maadaama oo Sirdoonku hada ka baxay ciidanimadii lagana daray Hay'adaha Dawlada ee ku xusan,

DASTUURKA, XUBINTIISA 3AAD QODOBKA 113aad HAY'ADAHA DAWLADDA EE GAARKA AH

Ee hoos taga M/weynaha, Sida ku cad, {Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr.59.2012 Qodobkiisa 4aad.  Madax bannaanida Hay’adda:- Hay’addu waxay hoos tagtaa Madaxweynaha JSL, waxaanay u gudanaysaa xilka iyo waajibaadkeeda si madaxbannaan oo Xeerka Waafaqsan}

Markaad eegtid Dhammaan qoraalka qodobbadani kama fursanayaan inay helaan Wax ka badal la jaangooya isku toosinta macnaha iyo meesha uu leeyahay oo aan is burinayn

Qodobka 3aad: Ulajeedooyinka Agaasinka Shaqada eeWasaaradda Cafimaadka& Shaqada:

Xeerkan waxa si rasmi ah loogu abuurey ama loogu asaasay Agaasinka Shaqada oo hoos imanaysa W/Wasaaradda Caafimaadka & Shaqada.

2. Xilka iyoWajibaadka Agaasinka Shaqada ee Wasaaradda Cafimaadka & Shaqada:

2.9. Iney warbixin iyo talo-bixin joogto ah ka siiyaan Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada, xaalada shaqo iyo shaqaale ee wadanka si uu u soo saaro istraatajiyad iyo siyaasad ku wajahan horumarinta shaqaalaha.

 Qodobka 4aad: Kormeerka shaqada&Dhaqangelinta Xeerkan.

1.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka & Shaqadu isaga oo la tashanaya Agaasinkaguud ee shaqada waxa u magacaabayaa kormeerayaal shaqo  (LabourInspectors).

 Qodobka 27aad: Nuqulada heshiiska shaqo.

Xafiiska agaasinka shaqadda ee wasaaradda caafimaadka iyo shaqada

Qodobka 30aad: Diwaan gelinta shaqaalaha&heshiiska shaqo

2.  Xafiiska waaxda shaqada eewasaaradda caafimaadka iyo shaqada.....

 Qodobka 31aad: Qaabka Shaqo qorista Shaqaalaha.

2. Agaasinka ee wasaaradda caafimaadka iyo shaqada.

Qodobka 32aad: Shaqo Qorista Shaqaalaha Ajanabiga ah.

1. Waa ay reebantahey in qof ajnabi ah la shaqaaleysiiyo ayadoon ogolaasho laga heysan Agaasinka shaqada ee Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada.......

4.Agaasinaka shaqada ee Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada.

Qodobka 36aad: Ogeysiinta Shaqo-ka-saarista ama ka-tagista Shaqaalaha.

5.  Agaasinka shaqaalaha ee Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada....

Qodobka 39aad: Cabashooyinka xidhiidhka shaqo.                      

2. Isu-duwaha xafiiska shaqada ee Gobolku wuxuu la socod siinayaa dacwooyinka xidhiidhka shaqo xarunta waaxda shaqada ee wasaaradda caafimaadka iyo shaqada.

 Qodobka 50aad: Digniin Shaqo

2. Waaxda shaqada ee Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada.

 Qodobka 51aad: Shaqo ka hakin Shaqaale

2.   Waaxda Shaqada eewasaaradda caafimaadka iyo shaqada.

3. Waaxda Shaqada ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada ayaa leh awooda hakinta shaqada ilaa muddo aan ka badnayn 90maalmood

 Qodobka 52aad: Dhismaha Ururada Shaqaala&loo Shaqeeyaha  

2.  Xafiiska shaqada (labour office) ee Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada.

3. Ansixinaya oo rukhsada ururnimo siinaya Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada.

 Qodobka 54aad: Waajibaadka & Ulajeedada Ururada   Shaqaalaha

2.Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada (LabourDirectorate)

 Qodobka 55aad: Ka Bixida Urur waynaha Shaqaale                       

Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada.

 Qodobka 56aad: Xeer-Nidaamiye

 1.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqadu,.

1.1. Wasiirku ku amro Agaasimaha Guud ee Shaqada

1.2. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqadu,

NB: Faqraddaha Qodobbadani Ma dhamaystirna qoraal ahaan waxaanan soo qaatay inta Qoraal-toosinta u baahan

Gabogabo, Talo Bixin, iyo soo jeedin.

1. In dhammaan xeerarka dhaqan-galka ah ee ay sameeyeen guurguurka wasaaraduhu lagu celiyo hay'adahii ay ka soo baxeen si loogu sameeyo wax ka badal iyo kaabis.

2. In dhammaan hay'adaha jira ee ay kow ka yihiin wasaaraduhu xeerar iyo qaab-qorsheeyeyaal qeexaya: - Awooddeeda, Shaqadeeda, Waaxyaheeda, iyo Wadashaqaynta ay la leedahay dhigeeda.

3. in aasaasidda Hay'adaha laga horeysiiyo unkida xeerka ay ku shaqaynayso.

4. In khoboro sharciyaqaanno ah loo saaro xeerarka dalka ee ka dheegan dastuurka ee dhaqangalka ah si losoo afjaro qabyada, goldaloollada, iyo qaladaadka soo noqnoqda ee ku jira xeerarkeena.

5. In ay Golayaasha Baarlamaanku xeerarka ay samaynayaan u eegaan Mustaqbalka fog iyo ka dhawba, oo ay aad u naaqishaan, kana doodan oo ay ka dayaan duuduub ku ansixinta.

6. In Madaxweynuhu Mooshinnada sharci ee soo gaadha dhaqan-galintooda iyo faafinta ka hor uu kala tashadaa lataliyayaashiisa sharci si ay u noqdaan wax ina anfaca.

7. In lagu saleeyo baahi Qaran aasaasidda ama dhalan-gaddiska Hay'ad Wasaarad ama waax ka mid ah wasaarad, oo laga fogaado in loo sameeyo raalligalinta Shaqsi, Koox, Gobol ama Beel. 

Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed

Hargeysa, Somaliland

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

SI-ARAG © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.