Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Arrin xumo Abaar ka daran – W/Q. Muuse Dalmar

- Kulankii uu Madaxweynaha Somaliland la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee UK, 13.02.2013 - Waagii baryaaba waayihii leh. Waa wax caadi ah, waana  sida ay nolosheennu u samaysan tahay in maalin kastaba

aadmigu la kulmo dhacdo cusub oo noloshiisa saamayn togan ama mid tabanba ku yeelata. Taasina waa ta inta badan keenta in aadmigu wax ka qoro ama ka yidhaahdo meertadaasi soo noqnoqota. Haddaba iyada oo ay waajib tahay in wax laga barto giraantaasi wareegaysa ayaa aan maanta jeclaystay in aan qoraal ka diyaariyo kulankii  uu  madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la qaatay  jaaliyadda Somaliland ee UK habeenimadii arbacada ee 13 bishan Febraayo 2013.

Kulankan oo sawiro iyo qoraallo badan oo ka hadlaya siyaabo kala duwan loogu baahiyay warbaahinta  ayaan jeclaystay inaan hal iyo laba uun fikirkayga ku darsado.

Kadib markii aan daawaday muuqaallo laga soo duubay goobta uu madaxweynuhu kula kulmay jaalliyadda iyo waliba qoraallo laga qoray, waxaa ii soo baxday in qabyo badani meesha  taalay. Bini-aadamkaan sidiisaba dhalliil waayin oo wax kasta oo uu sameeyaa kala dhiman yihiine, waxa ii muuqatay in kulankaasi ay hadheeyeen qaladaad yar yar oo is biirsaday iyo qabanqaabo aan loo hagar bixin oo ay ahayd in xil dheeraad ah layska saaro. Haddaba iyada oo laga wanaagsanaa inay tan oo kale maanta dhacdo maaddaama aynu ku jirno wakhti xasaasiya ayaan bal halkan waxa aan idiinku soo gudbin doonaa dhawr dhacdo oo meesha ka dhacay iyo waliba sida ay wax isku dabo mareen. Waxaanan u kala qaadi doonaa oo aan caddayn doonaa cid kastaba gefkii ay ku kacday iyo waxyaabihii keenay in kulanku noqdo mid aan qurux badnayn. Si aynu uga gaashaamano in ay tan oo kale mar danbe inagu soo noqoto. 

Doorkii ay jaalliyadda UK ku lahayd hoos u dhicii qiimaha kulanka Madaxweynaha:

  1. Jaalliyadda reer Somaliland ee UK waxa ay ku guuldarraysatay qabanqaabadii kulanka madaxweynaha. Waxaana meesha ka muuqatay in kulanku ahaa mid koox ama sakhsiyaad gaar ahi wateen. Taasna waxa daliil u ah sida aanu u ahayn kulan loo dhan yahay oo ay yimaadeen uun tiro kooban iyo sida loo maamulay oo ahayd si ka baxsan nidaamka wadatashiga iyo talo wadaaga. Waxaanay guddida qabanqaabadu  ku guuldaraysteen  in ay wakhti siiyaan dad weynihii madasha fadhiyay si ay talo iyo warbixinba ula wadaagaan madaxdooda. FG: Haddii kulanku ahaa mid kooban oo cid gaar ah loogu talo galay waxa ay ahayd in aan warbaahinta la soo casuumin, si kulanku u noqdo mid aan turxaan lahayn kaftan iyo xogbana  laysku waydaarsado.
  2. Ciddii kulanka qaban qaabinaysay waxaa la gudboonaa in ay soo koobaan khudbadaha ay madasha ka soo jeediyeen masuuliyiinta kale ee waddankii ka yimid. Si wakhtiga looga faa’iidaysto, maaddaama ay dadka intooda badani si gaar ah u xiisaynayeen madaxweynahooda iyo la kulankiisa. Ayna diyaar u ahaayeen in wixii talo ah ay siiyaan iyana ay wixii warbixin ah qaataan.
  3. Dadka goobta ku sugnaa oo muuqaal ahaan u eekaa dad mudakar ah ayaa ku guuldaraystay in ay akhlaaq wanaagsan iyo si ay gobonimo ku jirto u soo dhaweeyaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socday. Waxaanay si aan qurux badan oo aad moodo inay xeroqaad joogaan ugu buuqeen muwaadin fikirkiisa dhiibanayay ( Maxamed Haaruun ). Taasi may ahayn mid meesha qabata. Haddii muwaadinkaas la saluugay sida uu wax u wadayna waxa kaliya ee banaanaa waxa ay ahayd in maamulka shirku ka codsado in uu hadalka soo koobo ama in loo samro oo la sugo inta uu hadalkiisa boganayo, ileen waa tii hore loo yidhi, kaadi badane waa loo gogol badiyaaye. 

Doorkii uu muwaadin Maxamed Haaruun ku lahaa hoos u dhicii qiimaha kulanka Madaxweynaha:

  1. Maxamed Haaruun waa muwaadin xaq u leh in uu madaxdiisa la kulmo, lana xisaabtama ama talo iyo halabuurnimo hor leh la wadaago isaga oo sharciga raacaya. Wallow uu Maxamed Haaruun si dhiirrani iyo aqooni ku jirto u soo gudbiyay codkiisii, sacab badanna lagu soo dhaweeyay  haddana nin habari dhashay hal ma seegi waydee waxa uu ku sii fogaaday dhalliisha wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isna meesha fadhiyay. Inkasta oo haddii aynu Soomaali nahay aynaan dhaqan u lahayn is dhalliilidda iyo in qaladka laysku sheego oo aynu inta badan ka jecelnahay in aynu is ammaano ama durbaan beena isku tunno haddana Maxamed Haaruun  hadalkiisa intiisii danbe waa uu ku sii yara fogaaday. Taasi oo aan ku sababaynayo buuqii iyo docfaruurkii kaga yimid dadweynihii madasha fadhiyay. Hore ayay Soomaalidu u tidhi, dhariga waxa karka ka keenaa waa kulaylka’e, waxa aan qabaa in uu Maxamed taraaro waxaa keentay qalindaarkii kaga yimid dadkii meesha fadhiyay, taasi oo ka baxsanayd milgaha iyo sharafta lagu dhagaysto qof karaamo leh oo hadlaya, kumanuusan habboonayn buuqaasi  masuuliyiinta marti  ah oo in iyagana la ixtiraamo ayay ahayd.

 Doorkii  Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku lahaa hoos u dhicii qiimaha kulankii uu la qaatay jaalliyadda UK.

  1. Madaxweynaha waxa uu mudan yahay sharaf iyo qadarin. Maaddaama uu metelayo sharaftii iyo karaamadii ummaddiisa waxa uu istaahilaa in loo soo dhaweeyo si milgo iyo maamuus leh. Isna waxa laga mudan yahay in uu dadkiisa sidaa si leeg u qiimeeyo oo uu la kulmo, lana wadaago wixii war iyo wacaal ah ee mustaqbalkooda khuseeya. Soomaalidu waxay tidhaa, Talo adigaa ku nool oo iyadu kuguma noolee, madaxweynuhu waa in uu dadkiisa wakhti la qaato oo uu uga waramo xaalka guud ee waddanka iyo wixii ay labada dhinac ka wada shaqayn karaan. Waa dawladda iyo qurbojoogta’e. Haddaba safarkan uu madaxweynuhu UK ku tagay laba midkood uun baa la gudboonaa; In uu kulan weyn la qaato dhammaan qaybaha bulshada reer Somaliland ee UK ku dhaqan. Haddii ay taasi suuro galayn sababo jira awgoodna waxa la gudboonayd in uu kulan kooban oo aanay warbaahintu joogin la qaato tiro kooban oo qurbojoog ah si ay isku xaalwaraystaan.
  2. Madaxa meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto. Madaxweynuhu waa macallinka iyo hagaha dalkiisa, waana dhiirri-geliyaha iyo tusaalaha ugu wanaagsan ee bulsho ay ku dayato, waa haddii uu buuxiyo astaamaha hogaamiyaha fiicane. Sidoo kale madaxweynuhu waa astaanta ugu saamaynta badan bulshada. Haddaba madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) kulankan waxa uu ku kacay  hal  qalad oo aanu  runtii  soo dhawaynayn caqliga garashada ehelka la ahi. Waxa uu si jees jees ku jiro u  liiday muwaankii meesha ka hadlay, oo ahaa nin laxaad la’ ( Indho la’ )  isagoo ku dhalliilay laxaad la’aantiisa iyo sida aanu u akhriyi karin warqadda uu gacanta ku watay, waxaanu madaxweynuhu taasi ku muujiyay mar uu si cadho leh uga jawaabay hadal uu Maxamed Haaruun meesha ka soo jeediyay. Tani ayaan ahayn  dabeecad looga baahan yahay in  uu yeesho masuul ummaddeed.  Waxaana hogaame kasta looga fadhiyaa, dulqaad, samir iyo in uu naxariis iyo soo dhawayn tuso bulshada inteeda jilicda san.

Aloow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin. Gaarriye IHN-tee.

F.G. Halkan ka daawo Kulankaas oo Muuqaal ah

Muuse M. Ciise (Dalmar )

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Blog: www.musadalmar.wordpress.com

Stockholm, Sweden

SI-ARAG © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.