Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Halabuurka Siciid Gahayr (Qaybtii 5aad)

Dux baa laga helaayoo
Dambarkeeda gaaxda ah
Dumarkiyo carruurtiyo
Duqaydaa u aayoo
Da’yartaa ku naaxdoo...

Erayadaasi waxa ay ka mid yihiin qormada maansada DUNI BILA oo aynu ku soo qaadanayno qormada shanaad ee taxanaha qoraallada Hidderaac, hawraarta iyo hilin-sooyaalka halabuurka
 Siciid Maxamuud Gahayr. Waa jiiftadii kaalinta labaad ka gashay tartan-suugaaneedkii nabadda ee Somaliland lagu qabtay sannadkii 2009-ka.

Tixdan waxa abwaanku kaga waramayaa nabadda iyo qiimaheeda, waxa uu sidoo kale tilmaamayaa eedaadka iyo carcaraafka la waajaho xiliyada coladdeed, ugu dambaynna waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashadaan xasiloonnida waddanka, meelna ay uga soo wada jeedaan cidda hantaaqaysa ammaanka qaranka, Siciid waxa uu tixdan ku yidhi:

Duufaan wax xaaqiyo
Waa daad colaaduhu
Dabarjara insaankoo

Dumin iyo dhibaatiyo
Dadka oo la laayoo
Dulmi lagu xasuuqiyo
Dibindaabyo mooyee
Waxtar ma leh dagaalkuye

Haddan dunida nabad iyo
Daganaansho lagu ladin
Fooqyada daruuraha
La darsayba daayoo
Dabaq lama dhisaayee

In ammaanku daawiyo
Dabiib iyo wanaag yahay
Inu doogta biiyuu
Dakharrada bogsiiyuu
Dabayl caafimaad yahay
Dareenkeennu dhaadyoo
Diritii sokeeyiyo
Xiligii dagaalladu
Dalkan ay ka dhacayeen
Darxumaynu aragnoo
Dacas baan la kulannee
Diihaalki wuxu ba’ay
Dooyaysi goortii
Dood loo fadhiistee
Xasiloonni daa’ima
Idinka Alle dabadii
Lagu duugay qalinkee
Dabbaabaad la hiifee
Degta qori sudhnaan jiray
Dawlad lagu wareejee

Inay nabaddu diinaar
Doolar qiimo dheer tahay
Inta diir madaw iyo
Dubcad kii la siiyiyo
Daafaha adduunyada
Dadka jooga idilbaa
Doorkeeda sheegoo
Dacalkeeda wax an dhigo
Goortii an daydayay
Daal baan ka qaadoo
Shay aan ku doorshaa
Dunidaba ma yaalloo

Dayax weeye lagu gudo
Gudcurkii dam yidhiyoo
Waa damal hadhweynoo
Dacalada u fidayoo
Hoos noogu deeqoo
Waa doobbi buuxoo
An la daadin karinoo
Dugsi weeye adagoo
Dayro-dhaafka celiyoo

Iyadaa duruustiyo
Cilmi loo dareeraba
Dayr looga dhigayoo

Doqontaan lurteediyo
Kasahayn danteedoo
Dacaygaan fikirin baa
Dallibnaada garashoo
Ruuxii dardaranee
Dawannada Iblayskiyo
Daasaddiis maqlaayee
Dariiq leexsan marayee
Dagdageen wax hubin baa
U diyaara holacee

Ruuxii damiir lihi
Dayac wuu ka dhawraa
Daldalool ka awdaa
Dulinkana ka celiyaa
Difaac uga ahaadaa

Dux baa laga helaayoo
Dambarkeeda gaaxda ah
Dumarkiyo carruurtiyo
Duqaydaa u aayoo
Da’yartaa ku naaxdoo
Dababkay bakhtiisaa
Diricyada idleeyoo

Waa doog gu’yeedoo
Duunyaa ku fooftoo
Geelaa ku dararoo
Lo’deennaa ku doogtoo
Adhigaa ku daaqoo
Iyadaana duurjoog
Ugaadh noo dabraysoo
Saryan negi daleeshiyo
Deeriyo markuu geri
Dabalaabku laasimay
Waa kuwii dawaafee

Iyadaan damaashaad
Ku dabbaal dagnaayoo
Waa daabbad gaadiid
Dhulka lagu dawaafoo
Dalxiis lagu mushaaxoo
Marna aan ku didinoo
Dagalkay ka maqan tahay
Dalandoolka socodkii
Diiqad buu ku suganyoo

Darmo weeye lagu lado
Goortii ay darantoo
Dagalkay ka maqan tahay
Waagii dillaacaba
Dadku wuu ku leedaa
Maatibaa la dooxaa
Daraasiin qofoo aan
Deelqaaf la iman baa
Loo duubi iilkoo

Dagalkay ka maqan tahay
Dulli baa hadheeyoo
Sharaf baan la deyinoo
Duudsaa ku baahoo
Waa lagu durduriyaa
Taagyare daciifoo
Lama digigixoodoo
La isuma damqanayee
Dacar la isu wada qoosh

Dagalkay ka maqan tahay
Cudurrada dilaagaa
Daacuun wax laayiyo
Duumiyo kaneeciyo
Daaf kama fogaadee
Durradaa ku caan bixi

Dagalkay ka maqan tahay
Dukaannada camiran iyo
Daas lama furaayoo
Daar lama hadhsanayoo
Degis lama negaadoo
Cabsi ruux ay deris yiin
Duhniguba ma gamayoo
Dubaqaa warwarayoo
Qixis buu dan moodaa
Lagu sii darleefoo
Diif baa wajahaysee

Nabaddaa dawaayoo
Dalcadaha korkoodiyo
Doox lagu gamaayoo
Duunkana xasilisoo
Diiqad kaa gargaartee

Doonnidu intii aan
Duufaan ku kicin bay
Dalandool ku wacantoo
Dal intuu nabdoon yuu
Dayaxiyo higsanayaa
Daruuraha sarreeyee

Sida ubad an dihannoo
Daawashada ku wacan bay
Daryeel nooga mudantee
Duhurkiyo habeenkiyo
Daakirada jira oo

Sida dayrcad geeloo
Da’dan eegga dhali raba
Bahal dibad wareegiyo
Dugaag looga celin jiray
Waa in loo dedaalee

Haddii aad dadkaygoow
Sida ul iyo diirkeed
Isku duuban tiin abid
Haddii aad dillaalkiyo
Warka diradiraalaha
Dalawyada ka tuurtaan
Daadays ma maraysaan
Iyo meel leh darayee
Dawlad iyo daweynoow
Diiradaa indhaha iyo
Daymada ku fiirshoo
Ruuxii duraayee
Amnigeenan dumin raba
Doc ka wada ahaadoo
Dabarkuu xidhaayiyo
Dabinkiisa siiboo
Inad laba dibleysaan
Deelqaaf ma noqotee
Daw iyo gar weeyee
U daruura gaashaan
Ka xumaan diyaarshoo

Waxse iga dardaarana
Duulkii kibree nacay
Deexdii Ilaah iyo
Dabuubtii Rasuulkaba
Alle wuu dubbeeyoo
Amnigood dalluun iyo
Iil buu ku duugoo
Faqri buu dul saaree
Maqla Daayinkeennoo
Diinteen ku camal fala
Nabadeennan darartee
Dihin aynu maalnee


Khadar Maxamed Faarax
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Hawraar © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.