Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Wacdaraha Awaal-Tiris: Ugaasadu Meeday Heedheh? – W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed

Ugaas boqran baad ahayde,
Irridaha noloshaad ahayde,
Ileyska dhulkaad ahayde,
Raggoow indho beelistaada,
Asaayo maxaa ka beermay?

Halkaad ku lahayd astaanta,
Maxaa ummal soo fadhiistay,
Maxaad qudcur soo af yeeshay?
Dantaada markaad illowday,
Bal soo tiri aafadaadda,
Wixii dhumay aynadkaaga,
Bal daawo inkaarahaaga!!!!!
Awaal tiris, Hadraawi, 2010.
Intaynaan meel fog ba isla gaadhin, ugu horeyn ba aan ka afeefto in aanan qallinka u qaadan inaan soo gudbiyo maansada oo dhamaystiran. Uguma tallo-galin inaan qoro maqaal dheer, siddaad iiga barateen. Waa soo gudbin dareen aan ka qaatay maansadan iyo anigoo u arkay inay haboon tahay inaan qoraal ku muujiyo dareenkayga iyo fikirkayga ku wajahan maansadan cusub ee abwaan Hadraawi tiriyay.
Goobtu waa Imperial Hotel, Hargeysa. haddaanan khaldanayn waxay ahayd kowdii bisha Sagaalaad ee sannadkii 2010ka. Waa madal kulmisay hal-abbuur dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba ka caan ah. Madashani waxay kaloo kulmisay dhalinyarro xul iyo xarriir ah, oo aan iyagu badanaa ba ka maqnaan munaasibaddahan oo kale. Waa kulan loogu tallo-galey in hal-abbuurku fariin cusub u gudbiyaan dhalinyarrada.
Hal-abbuurka habeenkaas martida loo ahaa waxay kala ahayeen M. I. W. Hadraawi, Xasan X. Cabdillaahi (Ganey) iyo Axmed Aw Geeddi. Ma kala dhacaan oo saddexdu ba taariikh iyo kaalin wayn ayey ku leeyihiin bulshadda dhexdeeda, taasina waxay sababtay inay il-yartu isku aragto goobtaasi.
Xiisihii habeenkaasi ayaa ila tagaye, aan ku soo noqdo dulucda qoraalkaygan oo ah Ugaasadu Meeday Heedheh?!!!! Waa beyd ka mid ah maanso cusub oo abwaan hadraawi tiriyay habeenkaasi, maansaddan oo la yidhaahdo Awaal tiris. Beyd qudha maahane, waa sheeko gogoldhig u ah maansaddan. Abwaanku isagoo ka faaloonaya maansaddan cusub wuxuu yidhi “Maansaddan Awaal tiris waxay ka hadlaysaa xaaladda maanta jirta…….maansaddani waxay mudduci ku tahay ragga. Been maahee, waa xaqiiqo jirta, dadku sidaa suu rag iyo dumar u lahaayoo, yar iyo wayn u ahaa. Qof waliba kaalin buu lahayoo, qof walba xilkii saa qofka kale ku jeclaa. Ooridu ninkeega waxay ku jeclayd ragganimada, gudashadda kaalintiisa iyo inuu yahay hoggaamiyahii qoyska. Ninku marwadiisa wuu ku dhaadan jiray; haween baa rag is dhaafshay…… gabadhu xilka guriga iyadaa badanka haysay 75%. Gurigay joogtayoo, ubadkay haysayoo, oo haddii ilaahay ka dhigo maamulkay haysay. Iftiinka iyo nuurka noloshay ayey ahayd.
Raggii baa kaalintiisii ka baxay, aan afeefto layskuma jiree, mar walba inta badan ayaa xun’e. Maansaddani cidda ay karbaashayso ee ay dacwaynaysaa ragga weeyi, maaha wax aan la jeclaadaye, waa xaqiiqada ka jirta maanta inna rag.”
Toloow, Hadraawi muxuu ragga u karbaashay? Raggu waa suldaanka nolosha adduunyo, duubka hoggaamintana iyagaa la saaray. Noloshii hore ee awoowoyaasheen ku noolayeen ee Hadraawi laftirkiisuba soo gaadhay waxay ahayd nolol dhamaystirran oo qof kastaa ba doorkiisa ka soo dhalaalay. Nolol tacab iyo karti ku dhisan ayay ahayd. Waxay lahayd mabaadi’I (principles) nolosha saldhig u ahaa kuna saleysnaa dhaqanka suubban iyo dhaqaalaha ummadda. Hadraawi isagoo noloshaasi ka hadlaya wuxuu yidhi “Anigu waxaan soo gaadhay ummaddeena oo bulsho ahoo nolosheeda ku filan. Dhaqaale lahoo, dhaqaalahii ay lahayd dhaqanka waafajisay. Saddex qodob nolosheedu cuskan tahay aqoon, anshax iyo tacab. Saddexdaa shay waafajisay dhaqaalaheega. Waxaan soo gaadhay iyadoo dhaqaalahu ahaa xoolo. Dhaqaalahooguna ka xoog wayn yahay baahidooda, caano ayay dhami jireen labada wakhti, wuxuu dhiman jiray isagoo ilkihiisu cad cad yihiin, oo wax uu ku calaliyay ba aanu jirin, noloshaasi waxay ku dhisnayd tacab……. Ummad isku filanoo, iyaduna xilkeegii ka soo baxdayoo, tidhaahda wixii la arki jirayna waxoogaa laga akhristaa, wixii aan la arki jirina min subxaanalaa laga akhristaa!!. Oo nolosheedda sidaa gacanta ugu qabsatayoo, wixii awoodeeda ka baxsana ilaahay u cuskata, ayaan anigu soo gaadhay”
Haddii ay nolosha bulshadeenu caynkaas ahayd, maxaa maanta isbeddelay? Waxaa isbeddelay, kaalinta uu raggu nolosha ku lahaa ayaa meesha ka sii baxaysa. Ina-rag badankiisu kaalintiisii ayuu gabay. Geed cagaaran oo dhadhankiisu qadhaadh yahay oo wahsi iyo caajis abuura, oo waliba dhaqaalaha qoyskana u daran ayuu raggii meherad ka dhigtay. Isaga la’aantii ma shaqayn karo. Markuu cuno na wax kastaa way u sakhriran yihiin. Isagoon hawshii qabsan ayuu seexanayaa, markuu soo toosana waa kan leh dee qaad la’aantii yaa shaqayn kara? Raggii maanta xaalkaasi ayuu ku sugan yahay. Dumarkii ayey tallo ku caddaatey xilkoogii iyo kii raggu baylahsheen ayaa iskugu biiray, waxaa timid in ay gabadha reerku labaddii xilba dusha wada saarato. Suuqa ayay galeysaa bal si ay caruurta quud uga soo hesho. Kolay jaad iyo maqaaxi oo ah halkay raggu ku lumeen, ayey iyaduna quudkii caruuurta ka raadinaysaa, markaasuu kaaga sii darane, isagii anfaacigii uu cunaayey iyo tamashleyntiisiiba ka sugayaa gabadha. Mar uu ka helo iyo mar uu ka waayaba, iyaduna waxay u raacisaa odhaahdan maansadda ku jirta oo kale.
Ufiyo bacad baan fadiistay,
Anfaaciga aad cunayso,
Ilaaqda raggaan ku keenay,
Waxaan u adkeystay maagid,
Amaahiyo qaylo joogta…

Hadal iyo dhammaantii, aan soo qaato dhacdo ka tarjumaysa xaalada maanta ay qoysas badani ku sugan yihiin. Dhacdadani waxay daaha ka rogaysaa sida kaalintii ragga ee qoysku u baylahsan tahay. Waxay kaloo ka markhaati kacaysaa culayska iyo ciilka dumarku ay kulansadeen. Dhacdadan waxaa ka sheekeeyay abwaan Hadraawi, maaha mid aan anigu mala’awaalay ama hal-abuuray. Waxaanay ku xusan tahay Maansadda dhexdeeda. Waa kani Hadraawi oo dhacdadaasi uu sida quruxda badan u malo-awaaley inooga sheekaynayaa.
Gabadh baa jirtay. nin baa qaba, ninkaasi shaqada uu hayaa waa qaad cunista. Maalin oo dhan qaadkaasi (uu cunayo) iyo siyaasadaasi (uu hadal hayo) ayuu camal ka dhigtay. Dabadeeto, iyadana waxaa qasab ku noqotay inay labaddii xil (keegii iyo kiisii) ba wadda gudato. Marna suuqa ayey fadhidaa; dhuxusha, caanaha ama wax la mid ah ayey iibinaysaa. Marna waa ta guriga joogtee ubadkii yar yaraa quudka siinaysa. Intay maqan tahayna ubadka yar yari fursad bay heleen inay kadinka boobaan oo waxay doonayaan iyo sidday doonayaan yeelaan…… guriga inan baa u weyn, Ugaaso ayaa la yidhaahdaa. Waa currada reerka. Ninku markuu yimaado oorridu lama hadashee inantaasuu u yeedhaayoo, dabadeedna wuxuu yidhaa “Gogol ii keen” markay gogoshii u keentana wuxuu yidhaahdaa “Shaahii bigeyska ahaa ee qaadka, ii soo kari”.
Maalintii danbe isagoo toddobaad maqnaa ayuu gurigii soo galay, oo caruurtii yar-yarayd iyo qofkii dumar ahayd wada fadhiyaan, waa la fooraraa, hadal ma jiro, waa la murugaysan yahay. Dadkii buu u fiirsaday, kolkaasuu yidhi dee dadkan maxaa helay? Marna xasuusan maayo, waxa guriga ka jira inuu isagu masuuliyadeeda leeyahay, goor danbuu yidhi “ Ugaasooy…Ugaasooy” inantii buu u yeedhay, u jajabnayd ee u keeni jirtay gogosha iyo shaaha. Ways haysan kari wayday hooyadiiyoo intay istaagtay bay tidhi:-
Ugaasadu meeday heedheh?
Dorraato miyaan la aasin,
Miyaan kafan loo amaahan,
Miyaan axan loo yaboohin,
Markii arragaa la waayey,
Miyaan jinku qaylo oogsan,
Miyaan insigii gadoodin!!!!

Guntii iyo gebogabadii, waxaan filayaa inaad ila wadaagteen dareenka naxdinta leh ee dhacdadaasi, runtii intayadii meeshaasi joogtay waanu dareenay dareenkaasi, intiina maqaalkan akhridana waan filayaa inaad dareenteen naxdin iyo amakaag.
 Abwaanku si farshaxnimo leh ayuu uga hadlay kaalinta ragga ee banaanaatay, allaylahe wuu karbaashay, haday wax ku qaadanayaan. Ma is tidhaahdeen cadowga jiritaanka qoysku waa qaadka? Dabcan, haa!! Mar hadduu dhacdadan oo kale sabaabayo.
Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer), Waa La-taliye Sharci madax-bannaan iyo Qoraa ka faalooda arrimaha bulshada iyo siyaasada Soomaaliyeed, waxaanu qoraa sheekooyinka gaagaaban. Wuxuu wax ku qoraa Wargeysyada iyo Mareegaha afka Soomaaliga ku soo baxa. Waxaad Kala xidhiidhi kartaa This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ama +25224460167.  www.goodlawyer4.blogspot.com

Abdishakur Ali Mohumed (Good Lawyer) - Human Rights Activist, Essayist and Short Stories Writer
Hargeisa, Somaliland
+252 2 2 4460167.
Hawraar © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.