Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Maanso la hadlaysa Suxufiga iyo Saxaafadda - W/T. Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Maansadan 'Saxaafadu' waxay si gaar ah ula hadlaysaa  dhamaan Warbaahinta Af Soomaaliga lagu  qoro waa baraarujin ku socota gebi  ahaan   warbaahinta madaxa bannaan waxaa beryahan soo batay

eray ay bulshada badankeedu si qaldan u isticmaaleen oo ah“Xoriyadda“ Xaqiiq Xoriyaddu  waa wax wanaagsan , haddaad xornimo  maqasho maaha  inaad tahay   Hortaa bannaan ama Maddooboow miro ee waa inaad xuduud yeelataa, waa inaad dabar iyo hogaan yeelataa, waa inaad wax kaa mamnuuc oo diinta iyo dhaqanka iyo nolosha  wax u dhimaya ka dheeraataa  Haddaba  Saxaafada  ayaa waxaa jira qaybo ka mid ah oo si qaldan u adeegsadey eraygii Xoriyadda una arkay inuusan jirin wax  ka xaaraan ah ama ka reeban,  waxaan  saxaafada ugu baaqayaa iney noqoto mid wanaag ka shaqaysa ee aysan noqon mid xumaatada u adeegta,, waa inaysan taariikhda wax u dhimin, colaad hurin, aflagaado iyo meel ka dhac qorin ee  saxaafadu ilaalisaa  Sharafta bulsheed, Shaqsiyeed iyo qomiyadeed iyo qaranba. Anigoo halkaa ka duulayaa ayaa maansadan yar ee aan ugu saxaafad magaceedu yahay  tiriyey


1.    Saxafiyoow sabayntaadu
2.    Hadba surima jiidhkaagu
3.    Yaanu sabadda kaa saarin
4.    Yaanu sibiqna kuu daaddin
5.    Yaanu kula sawaaraynin
6.    Yaanu soohdinta dhaafin
7.    Yaanu samadda kula aaddin

8.    Saxaafadu sidaa maaha
9.    Hadba seeri jiidh maaha
10.    Sawdkaaga gado maaha
11.    Sirgac iyo xumaan maaha
12.    Bulshadana sumee maaha
13.    Kala soocis keen maaha
14.    Kala saar dadkana maaha
15.    Sababee colaad maaha

16.    Warar saafiyoo diiran
17.    Samo iyo wanaag beera
18.    Saluugiyo xumana keenin
19.    Ku salee aqoontaada
20.    Hadba saymihii nabad leh
21.    Saxalkiyo dhibkana qaadda
22.    Sahankooda doon weeye
23.    Socodkeeda badi weeye
24.    Ku saxeex qoraal weeye
25.    Soyaalka geli weeye.

26.    Saxafiyoow sabayntaadu
27.    Hadba surima jiidhkaagu
28.    Yaanu sabada kaa saarin
29.    Yaanu sibiqna kuu daaddin
30.    Yaanu kula sawaaraynin
31.    Yaanu soohdinta dhaafin
32.    Yaanu samada kula aaddin


33.    Sawdkaad tidhaah heedheh
34.    Sadarkaad qortaa heedheh
35.    Soo saaristaa heedheh
36.    Sii baafiskaa heedheh
37.    Adigu ku sugayaaye
38.    Sixid kaa rabaa kow dheh
39.    Marka lagu su,aaleeyo

40.    Xornimadu sidaa maaha
41.    Sidaad doonto yeel maaha
42.    Samahoo la waydeeyo
43.    Xumahoo la sii daayo
44.    Sadhe iyo sun laaq maaha
45.    Sacab beena tumo maaha
46.    Sunuud raadi uun maaha
47.    Sariigana ka bood maaha
48.    Soodhiyo xumaan maaha
49.    Qayliyo sawaxan maaha
50.    Seeg seeg aduun maaha
51.    Aakhiro ka suul maaha
52.    Umaddana sadqee maaha

53.    Waa saacid gacalkaaga
54.    Hadba kii samaan doona
55.    Ruuxii sax odhanayaa
56.    Sare iyo cirkaa geeye
57.    Kii xumaha saydhaaya
58.    Ee belo sunsuminaayaa
59.    Sulufkiyo colaad doona
60.    Siyaasiga ciladihiisa
61.    Soo saar xumaantiisaa
62.    Meeshii sabaan jiidho
63.    Ee saxal abaaroowda
64.    Ee soofku ka idlaado
65.    Soomaalidaa joogta
66.    Samo iyo gargaarkooda
67.    Iyo sahay u doon weeye

68.    Socodkiina muuneeyaa
69.    Soor yeysan idin qaadin
70.    Iyo seefta xuma sheegu
71.    Ka siqsiqa waxii seeran
72.    Ku sinnaada magaciina
73.    Iyo saxafigii suubaan


Cabdiraxiin Hilowle Galayr
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Suugaan © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.