QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

Dhaqankii Hore & Dhallinta Maanta – W/Q. Cabdixakiin Careef

kale waxay dhaliilaysaa qaybo ka mida  da’yarta iyo siday dhaqankii suubanaa ee aynu lahayn uga sii durkayaan iyga oo dabada haya dhaqan ay ka halacsadeen dadyow kale oo aynu dhaqan ahaan iyo diin ahaan kala duwanahay,
Ugu danbayan waxay dardaaraysaa guud ahaan da’yarta inay dhawraan dhaqankeena dhigtaana diinteena macaan ee islaamka. Maansadu waxay leedahay:
Dhalintiina joogtaay,
Dhaqankii horeetaan,
Bal idiin dhex qaadiyoon,
Dhawr idiinka sheegiye,
Dhagihiina ii fura,
Wuxuu ahaa mid la dhawroo,
Awoowyadeen ka dhaxaloo,
Dhibta laga ilaashoo,
Loo diido dhaawaca,
Waxa taa u dheeraa,
Hugiisii dhalaalkiyo,
Qurux loo dhameeyee,
Garayskiyo dhaclaha dumar,
Dhexda uu ku xidhan jiray,
Ragguna uu dhankoodaa,
Maryo dhayda ka caddaa,
Gunti uu ka dhigan jiray,
Kuna dhiiranaan jiray,
Dhaqan uu ka tago oo,
Ubadkiisu dheefsado,
Maantana la dhaafyoo,
Dhalintii habowdoo,
Qaate dhaqanki reer yurub,
Dhafoorada la xiir-xiir,
Raamaysay dhoorkii,
Dhexda la iska wada jiid,
Surwaal sii dhacaayoo,
Miskahooda dhaafay,
Moodayaan hu’ dhaayo le,
Hablihii dhigooduna,
Iyagaaba dhaafoo,
Ka badsade dhaliishii,
Dhajis bay xidheenoo,
Dhab u muuje cawrada,
Dheehi lala colowyoo,
Dawo la isku dhoobyoo,
Nafta dhaawac halisyo,
U horseeda dhimashoo,
Afku dhilikh-cas weeyaan,
Dhuuryada sideedii,
Intaasoo dhaliileen,
Xaga sare ku soo dhigay,
Inta dhaqanka saydhee,
Dhabbo kalene raacdee,
Caqligood dhantaalmee,
Hawadaa la dheeshee,
Wali dhoohan baa iska le,
Waar hooy sidan u dhaamoo,
Dhaqankii xusuutoo,
Dhigta diinta islaamka,
Haddii kale dhibaa iman,
Iyo hawlo dhaadheer.

C/xakiin Maxamed Careef,
Careef2006@hotmail.com
Hawraar © Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 26 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us