Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Maanso: Maxaa laysu dhaarsaday? - W/Q. Yaasmiin Maxamed Kaahin

Maansadani waxa hal-abuurtay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxaanay curatay 05/12/2012. Waxay diiradda saaraysaa oo ay ka hadlaysaa muhiimadda nabadda, dhibaatada dadka dhuuniga dhaafsada dal jira iyo sidoo kale, in muranka

doorashada golayaasha deegaanka ee ififaalihiisu muuqdaa aanay noqonin mid halis geliya bulshada nabadda ku caano-maashay ee Somaliland. Waxay digniin u tahay da’yarta, waxay dardaaran u tahay da’weynta iyo inta dareensan dhibta ka dhalan karta haddii muran ku salaysan kursi-doon iyo dano-shaqsi ay sii xoogaystaan.

Dhabankaygu jiifiyo,

Dhinacii xamili waa,

Inaan yara dhakoolee,

Mahdiyow maxaa dhacay,

Sowtan dhiilo sheegtii,

Doqontii dhammaarrayd,

Tooosisay dhallaankii,

Maxay uga dhug leeyiin,

Dhaartay wadaan iyo,

Warmahay dhillinayaan,

Maxaa xuma ku-dhaataha,

Degelkeena uun dhigay!

Ninka dhereg la jiifeen

Maatidayda dhawrayn?

 

Dirqi laguma dhalinine,

Guushuu dhaliyey geesigu,

Gelin inay ku dhumiyaan,

Miyaagebi-dhaclayntani?

 

Ma sidii dhurwaagay,

Dadkaan quudan dheriyeen,

Dhereggaba aqooneen,

Nabaddaa dhulkood taal,

Dhaxamaha ka hoos gala,

Lafta duudka dhabarkee,

Waayuhu dhisheenbaa,

Dhaayuhu qabteenoo

Ku dhugtama tiraahdeen?

 

Miyaan jiidhka dhiidhyaa,

Kuba oolin Dheegoow,

Ninka dheeha muuqdiyo

Dhaldhalaalka duunyada,

Meel dhadadu qoysiyo,

Ka yaqaan dhadhaarada,

Dhuuniga la quutana,

Kolkuu dhawr habeen qado,

Inaan dhuunta qoynayn,

Gasiinkii dhamaa yahay,

Ayaa dhamacda shaydaan,

Ku dhex tuur is-leediin?

 

Qaranimo dhamaystiran

Caruurtaanu dhigayaad

Reer hebel ka dhigateen.

Hooyadaan dhallaankii,

Qaydkiiba kaba dhigin,

Miyaad dhabarka saaroo,

Haba dhigin ku leediin?

 

Haddaad dhuux ciroobaha,

Kaba doogin dhibkii hore

Ilma qoyso dhabankiyo,

Dhalandhool badaysaan,

Maxaa laysu dhaarsaday,

Kolkay dhalatay maandeeq?

 

Dheeha cadowga goonyaha

Dhayal miyaan u siinnaa?

Maxaa dhimay hayaankii

Ma dhuuxii halyeygaan,

Dhayal aan ku qoonnaa?

 

Dhalintaan ku faanee,

Dhulkan Alle ku beeroow,

Kii dhaliyay guushaad,

Saaka dharab ku joogtaan,

Ka dhiidhiyey xumaataha

Dhiggaabuu ahaayoo,

Diinkiisaa lala dhacay,

Dhiig wuxuu u qubayee,

Dhuuntiisaa loo jaray,

Dhaxal inaad lahaataan,

Aad ku dhaafto qayrkaa.

 

Ninkad hoofshay ubadkee,

Ooridiisii Yurub dhigay,

Muxuu kuugu dhibayaa?

 

Kii ila dhashaad tahay

Miyuu dheefta xoolaha

Dhinacaaga mariyaa,

Kolkuu dhuxusha kugu shido?

 

Dhawaaqayga yeedhiyo

Baaqayga dhacayana,

Dhegihiina ii fura,

Dhallintii dalkaygaay,

Dhag-xumaanta diidoo,

Ha noqonina dhagar-qabe,

Magacaandharaar hadhin,

Ha ka dheefsan maantaba,

Dhawrta nabaddu waa gobe.

 

Dhacmayoo fogaadee,

Aan dhoodimeeree,

Duco ii dheh aamiin.

 

Allahayoow dhibkii jira,

Adigaa dhamayn kara,

Adaan dhagax adaygiyo,

Samadiyo dhulkaa badan,

Dhalan-roganka idilkood,

Kugu ahayn dhib kugu wayn.

 

Dhulka gube, dhallaan roge,

Dhanxiirkiyo iblayskiyo,

Inta jecel dhibaatada,

Umaddayda dhisaniyo,

Amnigaa dhisaalmee,

Dhidibkiisu adag yahay,

Ninka dheef la quutiyo,

Dhaafsanaaya Gaws qudha,

U soo celi dhammaanshaha,

Iyo dhabbada kheyrkaba.

 

 

Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Email:This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Hargeisa, Somaliland.

http://kaariye.blogspot.com/2012/12/maanso-maxaa-laysu-dhaarsaday-wc-yasmin.html

Weedhsan Magazine: Download Free

.