Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Muunaynta Dhaqanka: Jiifto uu curiyay Halabuurka da’da yar ee Maxamed-Jaamici

Maandhow Muraadoow
Muftigii Quraankoow
Adigaa macneeyee
Amuurahan mergaday iyo
Dirgan waayay maansee
Bal maxaa gurracayoo,

Muunaddeedi dhalanrogay,
Macnihii maxaa tiray?
Miyaan cid u maqani jirin?
Mise dee jillaafiyo,
Shiqool loo maleegiyo,
Mid u degemsan baan jira!

Mucda iyo ujeeddada
Magaceenna dhaqankiyo,
Hiddihii macaanaa,
Majaraha hayaankii,
Geeddigeennu soo maray,
Waa la marin-habawshoo,
Jid kalaa sax iyo maan,
Laysku wada maqiiqee
Maqsidkii kufaartaa
Hir dhow iiga muuqdee
Maandhoow maxaa siya?

Maalintii timaaddaba,
Dhacdo murug ku gelisiyo,
Mid kaloo lidkeedaa
Macnaheeda aragnaye,
Kama meerin xaajee
Hiddihiyo milgihi dhaqan
Waa la Majare habawshoo,
Waxa maydhay gaalkee,
Ma is dhaarsannaayoo,
Hanka meel ma marinnaa,
Muunaynta dhaqankiyo,
Hiddihiyo marwaadkaba,
Maanta nolol ma gelinnaa,
Mise huwayaddeenniyo,
Meydhaanka asalkaan,
Meermeer ku dhaafnaa!

Halabuurka: Maxamed Warsame Cumar (Jaamici)
Hawraar © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.