Fiidkii goor ay ahayd salaadii maqrib sigino yar ka hor ayaa waxa lay guddoonsiiyey war sugan oo sheegaya inuu geeriyooday nimaanu in badan saaxiibo ahayn oo la odhan jiray Maxamuud Ibraahim Warsame kuna magac dheeraa (Caaqil) laguna dilay meel u dhaxaysa Sudan iyo Ethiopia. Aniga oo markii horeba ka gadoodsanaa dhalinyarada dalandoolaysa ayey tanina igu noqotay midaan ilmada joojin waayo oo isla markiiba qandho iyo xanuun igu abuurtay. Kolay odhan maayo Caaqil sidanuu ahaa balse waxaan u werinayaa inta hammiga dhoof la iilan iyo ku cibra qaadashada xaqiiqada ka jirta tahriibta iyo sida loogu adhax jabay. Waxaan cuskaday oon dareenkaygii ku furfuray maanso aan ugu magac daray ninkaa baxay ee Caaqil soo baxday 15/12/2012; waxanay ku iba-furatay sidan:
Hoheey caadkiyo humaaga
Ceeryaanta dushayda joogta
Ciirada qarisay timmaado
Waxaan sugayey cilaaqdee
Hankaygii cidhif dahaadhay
Hoheey beerkiyo caloosha
Huqdaydiyo ciilka duunka
Caloolyowga kashayda haysta
Halkaan cudud adag filaayey
Kolkaan cidna hiil ka waayey
Miyaan hadba gees u ciiray
Naftayda calaacalkeeda
Halaanhalka ciirsi mooday
Ciyoowga dharaartii goohaa
Wuxuu la ciyuu qabbaaye
Waxaan talo soohay ciidaas
Waxaan cagi idhi ka daaya
Celiya geedigan habaabay
Tilmaamo cadbay lahayde
Waxaan casar gaaban joojee
Haddana fiidkii caraabey
Astaan caanay lahaydoo
Ayaandarro cayilan weeyee
Cakuye dhiilada odhaahda
Miyaan caawana gudoomay
Geerida saaxiibkay caaqil
Hoheey cudur weeye dhoofku
Calaamada hoogga weeye
Caynaanka halaynta weeye
Caddow ku halaaga weeye
Hammiga cilin yeele weeye
Caruurta haggaase weeye
Naftooda cabiidshe weeye
Hankood ku ciyaare weeye
Himilada ceegaagta laabta
Tacliinta curyaanshe weeye
Cagaarshoow aragti weeye
Cillad aan hadhaynin weeye
Caddaad iyo barasba weeye
Wixii malgay caaqil weeye
Caruur iyo weynba doorkan
Dhalinta carartee tahriibtay
Caweyska gudee dhaqaaqday
Waxay calmadeen adduunoo
Cakuye damacbaa ku guuree
Maxaa curad baxoo la waayoo
Dadkii casabkaw ahaana
Gutiino cad madaxa saartoo
Cabaadkiyo ilintu gaacday
Maxaa caalin loo hanweynaa
Cilmiyo aqoon lagu tuhmaayey
Cawaanku dhexdaa ku dooxoo
Raqdiisii cunaayay haadku
Cashiiradu baadi goobtay
Maxaa cadrad qurux lahaydoo
Cawiyo hooddiyo ayaana
Intoo la cadibay jabkeeda
Ku curatay wacal xaaraana
Maxaa cutub cutub la qaadoo
Xabsiyada lagu ciqaaboo
Caalwaayey inay noqdaanoo
Kadeedka ku caana maalay
Maxaa cayddigii jidhkooda
Intay gawraceen cadaanku
Tin iyo cidhib wada qasheenoo
Kalyaha beerkiyo caloosha
Macdantiyo curuuqdii hoose
Ilaa curcurada la goostay
Maxaa goblan ciidu haysaa
Baduna cabudhisoo libaaxu
Cadkoodii ku gaajo beelay
Kolay waa aduunyo caaqil
Marnaba geeridu ma caagto
Cabaar yarna siima raagtoo
Habeen walba waa cajiiboo
Waxay gurataa cid uune
Ilaah raxmadiisa caankaa
Cidduu doonaba u loogo
Ciyoon dhakhso kuugu deeq
Qabriga ubax wada cagaara
Nimciyo ceelasha fardowsa
Udgoonkiyo cuudka kawsar
Naciima cankeeda seexoo
Jannada Rabbi kugu casuum
Cadaabaha kaa badbaadi
Adigiyo cutubkii la waayey
Xadiis saxabaa cadeeyay
Qofkii dhoofee cadaabta
Jannadiyo cishada dambeysa
Col iyo duul aan aqoonin
Camiyo suuradaha quraanka
Usoo dhiga qawlka caalim
Inuu camalkiisu kheyryey
Qofkii se adduun u ciilan
Carwiyo doontay xoolo
Isagiyo coodkiisa weeye
Haduu se galbado cayntiisee
Wuxuu la cugtaa halaage
Cashar lagu wada hanuuniyo
Cibbaaro haydiin ahaato
Hoheey cabdiyoow liibaanta
Cisiyo sharaftiyo mudnaanta
Karaankiyo caleema saarka
Xushmeyntiyo catow la'aanta
Wanaagiyo calool-samaanta
Cilmiyo garashada tacliinta
Hankaagiyo cinabka laabta
Ka baxay een cidi giriifin
Cidhiidhina aan ku beermin
Cadaankiyo bilicda guudka
Korkaagiyo caraf udgoonka
Dhulkaagiyo ciidda hooyey
Noloshu cosobiyo ris leedoo
Cadceed iyo nuurba yaalle
Caydh uun qaadoo ha xoogsan
Caqligiyo xeeshaba gunaanad
Caydh uun qaadoo ha guuxin
Dulsaar waxa tahay cambaarlee
Caydh uun qaadoo ha seesan
Hal daarriyo fooq caddaana
Caydh uun qaadoo ha goosan
Caleemaha aad ku daashay
Caydh uun qaadoo ha naaxin
Callaal xaaraana dheefso
Caydh uun qaadoo ha noolaan
Daad-xoor uun cidhifka hayso
Intaasoo curuf dhibkeed laa
Qurbaha loo galab-caraabo
Barbaareey lagu cashuuroo
Culays iyo umal gudboonbaa
Shisheeyuhu kuu cadaystoo
Collaad hoosay qabbaanoo
Lurkooddiyo caydhsigooda
Diintay kugu canaadayaane
Casrigu waa dhaqan fasaade
Caqiidadu yey ku seegin
Ka gaabso ceebaalka gaalo
Casiisbaa tallada gooyoo
Waxaad kasban caarifkiisee
Calafka Rabi kuu diyaarshay
Casar qudha kaama raagoo
Marnaba lama waayo ceeshkee
Dadkaaggu kumuu colaadin
Dantaadu kumay culaabin
Dalkuna curdin weeye noole
Cidlada haka dooran guusha
Hal-abbuure: Khaalid Kileesh
Email: kooshin955@gmail.com
Hargeysa, Somaliland
© Weedhsan Corporation