Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

ERGO

Tixdan Ergo oo curatay 30/4/1992. Waxa allifay Alla ha u naxariistee halabuurkii Soomaaliyeed ee dhowaan innaga geeriyooday; Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Diiwaan-maanseedkiisa ‘Hagar-laawe’ oo aannu

 

Maansadan ka soo xigannay ayuu kaga warramay ujeeddooyinka uu u sameeyay iyo ladhka shiday ee ku kellifay curinteeda. Alle ha u naxariistee, Macallin Gaarriye oo Maansadan ‘Ergo’ ka hadlayaana waxa uu yidhi: “Sannadkii 1991 ayaan dalka dib ugu laabtay ka dib markaannu iska xorreynay “Faqashtii”. Waxaan wada maray magaalooyinka Berbera, Burco iyo Hargeysa, aniga oo ku faraxsan guulaha shicibku gaadhay. Hase ahaatee rayn-rayntaydii waqti dheer may qaadan. Markiiba waxaan ku war-helay in dagaallo-sokeeye Burco ka bilaabmeen. Haddana waxaa ii xigtay Berbera ayaa la isku garaacayaa. Waxa intaa ii dheeraa wararka kale ee naxdinta leh ee Xamar iyo dhul kaleba igaga soo duulduulayey” ayuu yidhi Abwaan Gaarriye, waxaanu intaas raaciyay: “Waxaas oo dhagar ahna waxaa ka dambeeyey kooxo dano gaar ah iskaga hor-yimid; oo maslaxaddoodu gashay inay dadka isku dhuftaan. Aniga oo ka tiiraanyeysan dheg-xumida guud ahaan Soomaalida haysatay, ayaan kuwaan markaas dhex joogay maansadan kula hadlay.” Maansadu waxay ku bilaabantay sidan:

Qul acuudu billaahi

Idaajaa nasru-llaahi;

Arraxmaan iyo Qaaf iyo

Alif-laam-ra sirteediyo

Waxan maanta Alhaakum

Ilhaamkawga bilaabay,

Hadraawoow in dhawaydba

Sidaydii ma ahaynoo;

Waxaaneey nin arkaaya

Waxan uunku u jeedinoo

Kelidii anfariirsan.

Waxaaneey nin arkaaya

Maanka laagga ogsooniyo,

Asaraarka dhex yaalla,

Isha laacu u muuqdo.

Waxaaneey nin arkaaya

Ummaddayda tasawdayee

Usha loo qaban waayeyee,

Anigayga biloowoo,

Abwaankeedi ka seexdayee

Wax-aqoonki tabaysa

Af-weynoo laga reeyana

Ujeeddawga dambaynnin.

Waxaaneey nin arkaaya

Mar kastoo ayax guuro

Inuu eel ka tagaayo;

Weliba aad uga sii xunoo

Libintayda af-duuba.

Waxaaneey nin arkaaya

Ayaankaygi shin-dhaafayee

Markii loo injirastay,

Oomanoow daba-keenkiyo

Isagoo ducanaaya,

Dirqiga weysha ku ooftayoo,

Idinkoon qof maqneeynoo

Indhihiinu shan yiin,

Mar labaad ambanaaya.

Waxaaneey nin arkaaya

Ula-jeeddo habawday;

Ididdiilo hungawday

Aayatiin kafad saaran.

Waxaaneey nin arkaaya

Oodda geel laga qaaday

Ugxan taal gundihiisiyo

Ayaan nool naxdin joogta.

Aheey way iyo ciil!

Ummalkayga “hiq”dayda!

Calool-ooyga naftayda!

Ilmadayga da’aysa!

Imtixaanka i haysta!

Ma dhulkay ashtakeeyey?

Ma cirkayga ajooday?

Ma baddaygu ugaantay?

Ma abdaanan lahayn?

Ma dab baa igu oogan

Anigu aan isku daarey?

Islaantii curadkeeda

Markay eeydu cunaysay

“Ax” dorraad odhan wayday,

Kolkii ay arki wayday

Wax gudooy ku illoowdo

Noloshii inankeeda,

Inay maanta u ooydo

Inteeday ku sugaysay.

Oori weerku ku raagayoo

Geeridii odaygeedu

Afaafkay ku bannaysay,

Ninkii awdi lahaa

Isagii fadhataystay,

Yaanu eerso nidhaa?

Ninkii aasan yiqiinay

Hadduu aarsaday maanta

Uufanayskina guurey,

Iyana wayga su’aale;

Toloow yaa colka eegga,

Loo abaabulayaa?

Toloow yaa ilma daydday

Ummaddayda u loogay

Ilmadoodii ka raystay.

Yaa u aano ah maanta,

Utuntayda hallawday?

Eebadayda ku fiiqan

Ayaantay kululaato,

Kaan ku eeran lahaa.

Yaa u aano ah maanta

Farta aammintay keebkiyo

Birta layska aslaayiyo,

Galkay diidday ableeydu?

Yaa u aano ah maanta

Mar labaad ubadkeenna,

Sidii eey la guhaadshay,

In ilkaa lagu qaado?

Unugtii shalaytoole

Isku meesha u jeedday

Imminka yeyska hor-geeyey?

Laba ooryo-walaal iyo

Ilmaadeer is-muquunsha

Lama sheegin adduunka’e,

Marka aan ugu liito

Mar aan eedda sokeeye

Ilmahayga ku waayiyo,

Mar aan aaye-la’aanta

Seeddigay ugu aaro oo

Walaashay asay qaaddo,

Mar hadday aqalkayga

Haddii layga adkaadiyo

Haddaan raystay idhaahdaba

Marlay oohin u tay,

Bal maxaan istafiiday?

Afartii gar-jahoodba

Haddaan soo wada ooday,

Xaggaan geela irmaan iyo

Kolkay ooshu harraaddo

U aroorinayaa?

Saw anuu gacmahayga

Kuma dhaabin ishii

Berri loo irkan laa?

Wixii aan ku if-waayey

Kuna aakhiro-seegay

Durba saw ma illaawin?

Ubaxaan xinjirtaydiyo

Ka abqaalay jidhkayga

Kolkii aan is-awaadhay,

Udaabtays iyo ciin iyo

Odax saw kama goosan?

Hadduu geedki abaaday

Kolkuu oomaba dhiigga

Ubadka looga shubaayey,

Saw ataar li’i maaha?

Gadhloow awr kala guurtay

La-arkee mar kaleeto

Inay ool ku kulmaane,

Hadduu uur kala guuro

Saw ammuur culus maaha?

Ololii halgankeenna

Cukusoow arah-guulka

Dhib waxaan u adkaystay,

Waxa aan is-lahaa

Mar uun baad arligaaga

Iyadoon Faqash joogin

Kula iidi dadkaagee,

Kolkii waagu iftiimay

Sidaanay Ina Dhoorre

Usarkaan ka dhex toosay

Indhahaw daranaa!

Marka duul asal-guuro

In Ilaah ka biyeeyo,

Dadkoo yaalla abaar

Haddii roob iba-dooxmay

Ku bashiishto agtayda,

Intaan soo ordayaabaa

Darku sii engegaa!

Abuur baan ku tabcaa;

Irfidaan geliyaa;

Iniin baa ku ridaa;

Udan bay bixisaa;

“Gooso!” baan is-idhaa

Waa la ii arfacaa!

Abley baan ramiyaa;

Afeeyaa shirrabaa;

Adhaxdaan is-jaraa;

“Oogso!” baan is-idhaa

Af-weyntaan u dhacaa.

Afartaa shax dheh maanso;

Afkaa laysku jaqaaye

Saw ma qaadin irmaan?

Ambaqaadka kaleeto,

Berigii isticmaarka

Taladii la il-duufay

Burbukaad aragteen iyo

Hadday keentay inkaarta

Aynnigaygu ku naaftay,

Allanay tusi waayey

Anna maanta gefkaygu

Inuu aasayo miino

Ubadkayga u taalla,

Fardawseey ma arkaayo

Rajadaad ulaneeysey

Waxaan looga inaabsanoo;

Haddii aad amakaagtay,

Sidaasaabad itaalka

Ku ayaan badan-teeye,

Aafo waa tan dambaysoo

Ifafaalaha muuqdiyo

Ishay leedahay maanta,

Waxba yaan af-gobaadsane

Intay doonto ha gaadho’e

Aramaa qarxi doonta

“Eedayeey” la yidhaahda oo;

Dharaar baa iman doonta

Haddaan Eebbahay caymin

Afku uu hadal daayo.

Dharaar baa iman doonta

Dab munaafaq istaadhay,

Sida aayar-gubtaa

Ama duur olol taabtay

Arligoo dhan dhammeeyo.

Dharaar baa iman doonta

Iyadooys wada wayday

Oodda loo rogi doono.

Dharaar baa iman doonta

Imaaraadka sidooda

Ninba aag ku go’doomo.

Dharaar baa iman doonta

Dadka Sool iyo Awdalee

Aadanoow hakrateen,

Raacdadoodu adkaato oo

Lagu raadsho ilays.

Dharaar baa iman doonta

Irsiqa laysku cidhiidhyo oo

Wax la oonto la waayo.

Dharaar baa iman doonta

Mujrim oogo madooboo

Islaam sheeganayaa,

Agab-laay hambadaada

Isa sii kabo-raacsho.

Ku darsoo Axmed Doolloow

Waxaaneey xog-ogaaloo

Hir fog baan arkayaa;

Orna waan maqlayaa;

Waxna way urayaan;

Amminna waan gabyayaa;

Nin abwaanana waan oo

Ereygiisu tuf leeyey.

Haddaydaan i addeecinoo

Ergadaan ahay maanta

Ka abaal-ka-dhacdaan,

Ilaaheey ballankii

Ibtilaa dhici doonta;

Dhulkay Eeyro ku fooftona

Afrikaan madmadoow iyo

Ajnabaa degi doona;

Iyagaa talin doona;

Orgonkaad didiseen baa

Dib idiin qabsan doona oo;

Dharaar baa iman doonta

Engeg laysugu xiira oo,

Heeco diidday ilmaa

Qasab loo aqbalsiiyo.

Ciyawgaa alwanaayiyo

Tukaa “uu”da hayaana

Ways calool-og yihiinoo;

Qaasinoow, abti, hee dheh!

Galaw aammusi waayey,

Haddii aan wax aqaanno

Uma aawana beesha.

Daruuraa ibo-beeliyo

Afaggaalaha naaftiyo

Kolkaan moorada eegay,

Laaxiggay ku aroortiyo

Minka faalka inkiiskee

Ku af-yeeshay ximruu,

Haddaan eegga la baajin

Waa sidoo abadaa.

Haddii aad addintaan oo

Indhaha dhiig laga keeno,

Idinkoon sidan dhaamin

Inaad guul urisaanna

Waa wax aan la arkaynnin.

Afartaa shax dheh maanso

Afkaa laysku jaqaaye

Saw ma qaadin irmaan?

Hadday heesi ab leeday

Ama loo oday-sheegto,

Ilaa Xaawiyo Aadan

Isir baan u lahaa.

Weligay abidkayna

Anoon jiiftada haadinoo

Isha aan ka dhammaynnin

Uummiyaa kuma soorin.

Imminkay wada leeday

Muu abwaan wax yidhaahdo’e,

Idahaaban diraacda

Sumalka loo oggolaanine

Haddaan aammusay waayo?

Qajeelaanse arooryo

Haddaan lays inkiraynnin,

Mankoo uunsaday deyr

Dhirtu ay arrad-beeshiyo,

Cadceed loo indho-kuulay

Ufo roob subaxeed

Araar kaaga sameeyey.

Qajeelaan hal-abuurka

Anigoo ka shufeer ah,

Afarraydu jug weeyee

Selef kuugu istaadhay.

Qajeelaa tix aroos ah

Satiyaal leh aleelyo

U afsaaray fijaan

Qajeelaa sida iidda

Iigu soo ururteenoo;

Iyadood farihiina

Arrafoo kale mooddo,

Murtidaan odhan doono

Rag u sii ulxiyaystay.

Intii aan kugu oomay

Haddaan geed ololeeyo,

Mar horuu ereygayga

Ilaahay ballankii

Ku ugbaadi lahaaye,

‘Oohow’dayda dadkayga

Rabbi baa ka asheeday oo;

Wuxuun baa indha-buuxsha

Nin adduunyo u haysta

Ab-tirsiinana sheegta;

Af-qalaadna yaqaana oo

Isticmaarki la ceeshay.

Aynigaan ahay oo dhan

Wax aqoon ma bidaan,

Maxaa aabbaday yeellay

Siyaasaanu ahayn

La shaqaystay Afweyne

Ama gaalka ag joogayoo

Afminshaarku barteen.

Aheey way iyo ciil!

Umalkayga “hiq”dayda!

Calool-ooyga naftayda!

Ilmadayga da’aysa!

Imtixaanka i haysta!

Anigays maqli waayey;

Orod baa la i leeyey

Oolna waw fahmayaa.

Ayaamays gurayaana

Waygu fool-adag yiin.

Aheey way iyo ciil

Aaminaay, magaceey ba’!

Asaagayay igu wiirsay

Inantaydu gumawday

Ka irdhoobay shisheeye

Ku eedoobay sokeeye

Ehelkay ka qalooday

Cidna aammini waayey.

Ummul-dooxa Tog-dheer iyo

Ragga Shiikh ku idlaaday

Ee Aroori ku le’eday,

Looma-ooyaha Saaxil

Anigaa ku tol-beelay.

Cidna eersanna maayo oo

Inkaar baa igu biirtay

Anigay isu gaystay.

Dharaartii Alle keenana

Ayni ii kordha mooyee

Aqli iima siyaado.

Mana waayo-arkaayo

Wax kastood akhridaan.

Waxaaneey Alle-doori

Seed dhanaani ku oolin.

Muddadaan il-darraana

Ayadoo soddon dhaaftay

Weli eelka salkiisiyo

“Uh”da boogta nin saafa oon

Mar uun “haakah” idhaahdo

Indhahayga ma saarin.

Addinka dhaawac ku yaallana

Haddaad oofta ka dhaydo,

Asbaroo wax ma dhaamo

In yar aad ku nafiifto.

Talana way ashiddawday;

Nin abbaaray la diid;

Nin abraarayna mooyi

Meelu beesha la aadi.

Arrin-keenna gabnaw

Aqbal-keen godliyaana

Arligii kuma noola.

Alif koow ku qalloocday

Alboqruu ku dhibaaye,

Mar horraan ka afeeftay

Af-weynoo laga reeyo

Inaan guushu ahayne;

Bidhaan baad aragteen

Baadidiini u eege,

Iyadii u qabtaane

Istiqlaalki Sitiinki

Onkodee di’i waayiyo

Tanuna waysku itaaloo;

Abshirtii waqlasheediyo

Axankii tacsideedaa

Isku maalin ahaa.

Af-laggaaddana maaha

Haddaan maanta idhaahdo,

Odayaashi la doortay

Anigoon kala reebin

Irbad dhuub gelin waaye;

Iska daa wax kaleeto

Amnina noo sugi waaye;

Waxna aad uga liita

Ilaah bay dili doonee

Kuwa buuraha aaday.

Isku soo wada xoori oo

Is-ma dhaanto dhasheed iyo

Meeshu waa ulo miidhanoo

Ul la qaato lahayn.

Arrin laysku khilaafay oo

Ujeeddooyinka dhaw ah,

Obocdeenni wadhnayd iyo

Ictiraafkii maqnaa iyo

Ku illaawi dan guud.

Abeesaa laga sheegay

Markaan aadmiga fiirsho

Aar-gudaan is-idhaa;

Markaan Eebbe jalleecana

Awlaadsaan is-idhaaye,

Waxaa eeg garan waaye

Waxan eeg ka sokeeya.

Rag hadduu is-af-dhaafo

Aayatiinna wadaago,

Afkaa laysku gartaaye

Is-afwaajiya maaha;

Isu soo ura maaha;

Adigoo hebel diiddan

Eryo reer hebel maaha;

Is-ugaadhsada maaha;

Udahaaga cun maaha;

Isku soo wada duuboo

Inqilaabna xal maaha;

Anigaygu gudhaane

Wax la eegto ka weyn.

Anna waano ku xiiqay;

Dharaartii alla keenana

Abhis baan ku jiraa;

Far baan boog ka ag dhaw

Ka ilaalinayaayoo;

Hebellaysu uraaya oo

Ananaw rahmanay baan,

Weli maynnu adkaane

Inoo aayara leeyey.

Mudacyaan afafkooda

Anigoo leh gariirto

Isku aadinayaa

Arji baan dirayaa;

Aleen baan ruxayaa

Geneyoow dhega awdan

Irridaa ku tumaaya;

Sidaasanan adduunku

Bal inaan ahay liid

Anigoo gudo aawan

Hay aqoonsado leeyey,

Waxaan fool-eryayaa

Hal aan awr ku salaaxinoo;

Is-moogtii wax ma dhaamo

Iyadoo la dalaaqay

Weli haanta aslaysay.

Afartaa shax dheh maanso

Afkaa laysku jaqaaye

Saw ma qaadin irmaan?

Nin raggii ereygiisana

Astaan buu ku dhigtaaye,

Rabbaw eex ma tiraabine

Aqoon haygu cadaabin.

Ambaqaadka kaleeto;

Ishaa maanta bidhiiqdiyo

Ogoobeey libintaydana

Rag baw haysta ilaaqe,

Hodaneey marna aabbo

“Axa-yaa-waddanii” iyo

Axsaan layguma siinnin.

Halyey-yaa ku idlaaday;

Ubad baw luga-beelay;

Adduun baa ku dhammaaday;

Qabar baa ka adeegay.

Anigaa rag u liita oo

Ooridayda siddeed gu’

Kama soo ag-wareegin.

Innagoo kala daadsan

Nin iddiisa u qooqay

Cirkuu roob ku og-yeeye,

Awaydii qudhahaydeen

Aawadeed ku god-seegay

Awgayow taladayda

Ku addaadurin maayo.

Ilaahay ka sokoowna

Annakaa leh awoodda;

Oggolana-ma-doonno

Intuu taago unuunka

Nin yidhaahda anaa ah;

Af-weynaannu ka diidnay.

Nin kastoo anafooda

Nin kastoo laba-eefa

Nin kastoo is-afuufa

Annakaa ka shanayna.

Lays amaahinna maayo

Axmed-weyso-caddaw

Ciddidaa uskaggeeda;

Ha ogaado nin moogi.

Mar nimaan u il-duufay

Mar labaadka Ilwaad

U ardaa dhigan maayo.

Nin intuu axdi qaaday

Oofin waayeyna daa.

Ololii lagu naaftay

Kuwii uubta qodaayeyee

Iblayskii ku ladhnaa

Iyagu way garcadeen.

Anna xaasha nin iin leh

Wax inaan ku idhaahdo

Uma quudho afkayga.

“Uf” qabiilka anaa leh;

Wuxuun baa ku adeegta

Nin iskii kartidiisa,

Isagoon cid ku tiirsan

Isu taagi karaynnin;

Una haysta ateero

Ayaantuu dambi geysto

Laga hoos galo eedda.

Ayid waad is-xigtaan iyo

Idinkaa isku reer iyo,

Aqligii Lixdankii

Maanta iib geli maayo.

Sidaan aamminsanaynna

Wuxuun baa ehelkii ah,

Abkuu doona ha sheegto’e

Dadka kaan af-aqaanee

Si wax ii la arkaaya ay

Na midayso ujeeddo.

Waxaan laysku ogayn

Ninkii hoos ka unkaana

Aftidayda ma haysta oo

Ansax maaha wixiisu.

Arligaynnu ku noolee

Beryaa qaar u ekaa

“Irama daatil-cimaaddii”

Aayadaa lagu sheegay,

Awaaraa ka kacaayiyo

Ninka maanta ortiisiyo

Oohintiisa maqlaaya ee

Ka adkaystay gob maaha.

Arliyooyna “hiq”daadiyo

Orgigii la shidhaystay

Uubataysku ka weyne,

Innakoo xalay baad-le

U eegaynay hillaaca,

Waxa awrta xidhiidhsan

Loola aadayo baas-le

Wax baa nooga iftiimay.

Dibna loo igman maayo

Nin ishaafalataysta oo;

Isagooy nala jooga

Arwaaxdiisu “Walaayiyo”

“Idaa-fayta” ku nooshoo,

Ilinaw dabanteeyoo

Abidkiiba karreeb ahoo

Dhulka aan wax ka oolin.

Rabbi baana na uuntayoo

Annana taag uma haynno

Ayaan-nool hirdi joogta oo;

Markay kooxi orgootaba

Ma asooli karayno’e,

Abaal baan ku qabnaaye

Ammaan uun ma hellaa?

Afartaa shax dheh maanso

Afkaa laysku jaqaaye

Saw ma qaadin irmaan?

Sidaasaanan itaalka

Ku asluubsanayaayoo,

Wixii aan odhan laaba

Mar aan maanta ahayn iyo

Ar-dambaw dhigo leeyey.

Waxsaa buu Alle keenay

Waxaan loo adyadooninoo,

Aayaheennuba maanta

Ilig liiq-liqanaayiyo

Indhal buu sudhan-yeeyoo.

Sida xaal u eg-yey

Ama waynnu adkaanoo

Wax jireynnu ahaan,

Ama waynnu idlaanoo

Dib laynoo arki maayo’e.

Iyadoo wada saaran

Ummaddeennuba doonni

Ku asqoowday bad-weyn oo,

Injinkii ka duqooyay

Ayaa-reer-hebelaay

Afka waygala weyntee,

Haddii aad aqli leeday

Agoontaa loxoskaa

Horta ood u yegleel.

Ubbadaasi jabaysa een

U uus-miirtay darteed,

Dib waxay ka ahaataba

Ishii cawri taqaan iyo

Ka ilaali wed mooyee,

Wax kaleeto illoow!

Asalkeeda bannaanna

Maalinteey il-xun-tay bay

Ilaah caymiya leedee,

Markaad xeelli ammaan ah

Kula eeratid beesha eed

Aammusiiso rasaasta,

Waxa aad ulanayso

Annakaaba ku siine,

Innagoo sidan dhaanniyo

Adeeroow gacalloow,

Ayaanteeda ha gaadho!

Hadduu Eebbe yidhaahdo,

Luga aan isku taagno.

Suugaanta Gaarriye © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.