Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

JIIFTO: Dhool Bari – W/T. Cali Ileeye

“Dib maxaa idiin celinayoo, hore idiin diiday; Mar uun maad ku dayataan khalqiga, libinta doonaaya!” – Xaaji Aadan Af-Qallooc – Qof kasta oo si dhab ah u fiiriya waayaha degellada iyo dadka Soomaaliyeed – waa marka uu iska feyddo daaha

Tolnimada, Kooxaysiga, Gobolaysiga i.w.m. ee dahaadhaya aragtida qummane–waxa usoo baxaya heerka dibudhaca Waxbarasho, Dhaqan-dhaqaale, Maamul iyo kan Bulsho ee aynnu ku sugannahay marka la ina barbardhigo dadyowga  bahweynta  Carro-edeg. Si kale haddii aan u dhigo, marka aad sidaa  u jeedaaliso dhulkeena   waxa aad dheehan kartaa muuqaalada naxdinta leh ee horteenna yaalla, haddii aynaan indhaha saaban cidna ma diidi karto inaynu halbeeg u noqonay wax kasta oo taban.haa, waa la odhan karaa waa la is yar dhaamaa wax se’ aan badnayn.
Tusaale ahaan dhulka soomaalida waxa aynu u qaybin karnaa saddex waaxood  oo kala ah:-
1 –Qaybo jiritaankoodi halis galay oo dadaal ugu jira inay mar kale cagahooda isku taagaan,hantaaqo gudeed  iyo mid dibadeedna ay isugu biireen, welina kufaa kacaya.
2-Qaybo xasilan balse uu hadheeyay Musuqmaasuq,Maamul xumo ,Cadaalad daro,Eex , Qaraabo-kiil Iwm. Kuwani waxa ay halis ugu jiraan inay qoddobka koowaad dib ugu noqdaan .
3-Qaybta saddexaad waa meelo nabdoon jiritaankooduna aanu halis ku jirin ha se’ yeeshee  ay istaagtay giraantii horumarku –maamul xumo darted.
Hadaba su’aalaha isweydiinta lihi waxa ay yihiin;
* Innagu ka Soomaali ahaan ma ognahay halka aynu taaganahay?
*Ma ku baraarugsanahay in la inaga tagay?
*Sidee baa la inoo hayaa, ama maxaa dib inoo dhigay?
*Dhaymaheenu waa maxay? Maxaa,Maxaa…. Waydiimahaas iyo kuwa kaleba maansada tan Dhoolbari ayaan si guud mar ah isugu dayay inaan kaga halceliyo .Shifo ku afsaar.
Dhalandhoolka waayaha
Xilliyada is daba dhacal
Dheef iyo wanaagiyo
Xume iyo dhibaatiyo
Dhacdo lagu xasuustiyo
Midba sheeko dheer lee
Dhiiftiyo abaaraha
Ama dhamacda jiilaal
Marka dhibicu baaqdee
Sahan loo dhaqaaqee

Dadku kala dhuyaale
Inba dhinac u socotee
Dhulka laga hayaamee
Siigadu ku dhabatee
Dhudhun yaraha adhi iyo
Geeslaydu dhimatee
Booyad dhayne saarkiyo
Biyo dhaamis noqotee
Ragu hawl la dhuubtee
Dhaforadu gotaanee
Gaariduna dhalaalkiyo
Dhaashiga ilowdee
Dhexda maro ku xidhatee
Laga dhaarto raaxiyo
Dhayal lays ag-seexdoo,
Dhakafaarka sabankiyo
Maalmahay dhanaantahay
Iyadoo la dholondholay
 Dhibta laguma waaroo
Ruuxii dhursugayee
Dhawraaya falaguna
Rajo kama dhamaatoo
Dhamme lagama quustee
Cirka dhaysta keeniyo
Dhool bari ka muuqdaa
Dhaan loo nagayn jirey.

Dhibic seermawaydiyo
Gu’ga dhalashaddiisiyo
Kolba heego dhigatiyo
Balli iyo dhijaamiyo
Dhul xareedi jiifiyo
Doog dharabku fuuliyo
Dhirta oo magooshoo
Man dhalaalay bixisoo
Dhaayaha u rooniyo
Dhafaruur macaaniyo
Shini malabka dhoobtiyo
Geeloo intuu dhalay
 marki dhiilka loo culay
Xoorkii is dhooroo
Dhaydiyo karuurkiyo
Maygiyo dhanaankii
Iyagoo is dhinac yaal
Cidi aanay dhaminoo
Dharag lagu caweeyiyo,
Dhalintoo is cugatoo,
Shirabka iyo dhaantiyo
Dheelaysa Heelloo
Jaan-dheerta tumatoo
Dhisme aqal la daahiyo
Yarad layska dhiibiyoo
Guur loo dhagtaagee
Guryasamo dheh Iidoow
Baryo lagu dhaqnaan jiray

Dha-ley jiiftadayduna
Af-Soomaali dhaladiyo
Murti weeye dhilanoo
Siday tahay hunguri-dhubuq
Dhakhso  loo hamhamiyoo
In-dhaw-araga jeediyo
Humbul dhaadi maayee
Ruuxii il-dheerbaan
U dhawaqayaayoon
Rajo soo dhawaatiyo
Dhugo leeyay heestoo

Marna dhiillo culusiyo
Waa baaq dhambaaloo
Kasha daxalku dhoobmiyo
Dhagihii daboolmaan
Dhukaygiyo dahaadhkiyo
Dhiiqada ka tirayoon
ka dhabaandhab leeyoo
Kolba waxan ku dhayayaa
Dhidhka boogahaygoo

Xalay dhalalawgaygii
Hurdo dhaban ma saarine
Dhafar baan ku joogoo
Dhawawalanka aayaha
Anigiyo dhulkaygaa
Dood dheer wadaagnoo
Mid waliba dhankiisuu
Dhirin dhiriyay weedhoo
Dhab intaan abbaarnaan
Dhexdhexaad u hadalnoo
Dhiidhiibnay eraygee
Biya-dhaca araartiyo
Dhaabbaddiisu waatane
Bal dhagaysta sheekada

Waxaan idhi dhulkaygoow:
“Illamaa dhiskaagii
Nin qabiil ku dhaatoo
Dheeraad ku raadshoo
Dadka ka kala dhawaystiyo
Dhillawyahan dulsaariyo
Daba-dhoon shisheeyiyo
Doqonkiyo dhabcaalkiyo
Nacaskiyo dhagwayntiyo
Tuug iyo dhadhamo raac
Durrujaa  dhamaantii
Dhaxalkaaga yaa baday?

Waxan idhi dhulkaygoow
Dharaartii la joogaba  
Mayd dhoolli sido-iyo
Dhaawac tirada beeloo
Dhakhtarada ka buuxiyo
Dhagar iyo shirqooliyo
Xabsi laysku dhacanshiyo
Madfac lagu dhamaadiyo
Baaruud dhacaysaa
Dhegihii na daaloo
Dhimanaye ma nooline
Ma mid aan dhammaanbaa?
Waa maxay dhulkaygoow
Daba-dheer abaarbaa
Dhuuxayga Shubatoo
Ubadkiyo dhalaankii
Caano looma dhiijoo
Dhami maatidaadii
Dhiilaha faqriga iyo
Dhoomaa la saaree
Baddan dhereran xeebtiyo
Wabiyada is dhaafiyo
Dhoobadaada wacanee
Khayraad  dhex jiifiyo
Dheemmanta iyo luulkiyo
Dhagaxaantan dabahbkiyo
Buurahaagan dhumucdale
Dheeftooda yaa cuna?
Waa maxay dhulkaygoow
Hashan dhudi la leeyiyo
Dhiin iyo sacaagiyo
Adhigaagan dhaaddiyo
Sumaduhu ku dhigantee

Malaayiinka dhaafee
La dhaqaayo uunee
Mar dhibiiqa shilintiyo
Laga dilo dhibiijoo
Laga duusho dhuugiyo
Dhibta goor la mariyoo
Carro loo dhigaayiyo
Marka ceelka loo dhuro
Reer mii ku dhabar jabay
Miyaan dhiriq qadhmuuniyo
Dhibi iyo  ur mooyee
Ruuxii dhex joogaa
Dhenged wuu ka daranyoo
Dheehaa ka daatee
Dhito subag la tuuliyo
Dharku hay danbeeyee
Talow caano laga dhamin?’’

Wuxu yidhi dhulkaygii:
“Su’alahan dhinbiishaa
Bulshadaan u dhaafoo
Iyagaa dhigdhigiyoo
Macnahooda dhuuxiye
Aniguba dhankaygaan
Dhabdarada xanuunka le
La dheeldheeliyaayoo
Dhariguba kulaylkuun
Dhuuni kuma bisleeyee
Haddii aan dhandhaaradu
Dhinacyada ka haynoon
Isu dheeli-tirahayn
Dhaylo kuuma kariyee
Qaran iyo dhiskiisuna
Saasuu ka dhiganyoo,
Inta dhiig sokeeyiyo
Dhaca iyo xasuuqiyo
Dhimashada jidaysiyo
Kuwo diin ku dhuuntaa
Qayrkay I  dhaafshoo,
Inta barasho dhigatiyo
Dhalintiyo wax-garadkiyo
Kasmo-dhaadhigaygiyo
Dhakhtarkiyo aqoolkaan
Dhaymaha ka sugayee
Dhimirkooda dabartee
Xiska dhacanta saartee
Dhaleecaynta badawdiyo
Ka gabbada  dhaliishee
Odayada dhammaadee
Dhulluxyada damqanayiyo
Dhaqdhaqaaja doogtiyo
Dibusocodka dhugatee
Dhakadoodu curintiyo
Dhimirlisidda diidee
Dhalanrogad ku culusyee
Asal lagu dhagnaadiyo
Dhagaxawga yeelee
Dharag uun ka talisee
Kambalada dhabacatee
 Iga galay dhufayskaan
Li’idood dhutinayaa.

Xilka kaan u dhiibtee
Walle iigu dhaartee
Wacadkii dhantaalee
Hantidayda dhuuqaa
Dhibka  ii horseedoo,

Kuwa dhuuqsan duubkee
Boqolaalka dhaafee
Kursi dhinaca joogee
Xaqa dhagaxa saaree
Markastaba dhawaaqaa
Dhaqankayga biiyoo,

Inta qaadka dhilatee
Noloshii ka dhacayee
Waqtigooda dhumisee
Shilinkooda dhiibtaa
Iga guray dhaqaaloo,
Inta sibiq dhaqaaqdee
Saxaraha ku dhugucdee
Dhul shisheeye aadiyo
Inta dhoof ku maqan baa
Dhaxan igu banaysayoo,
Inta dhuxusha shidatee
Dhirta iga idlaysaa
Xaabkii dhammaysaa
Iga dhigay bannaanada.
Bal ogaw se’  dheeroow
Wixii dhabana haysiyo
Dhakafaar lasoo maray
Isma dhiibin aniguye
Waxan dhawaryaa wali
Soomaali dhalatoo
Dhudhun iyo awoodiyo
Dhiig iyo dareenloon
Daba-dhilif ahaynoo
Dhinacyada is haystoo
Dhibran oo is jeceloo
Nabarkii dhexdoodiyo
Dhiriftii iloowdoo
Dhididkooda maaloon
Dawarsiga dhunkaashiyo
Sunta dhabaqsigeediyo
Deeq aan dhursuginoo
Gobonimada  dhimatiyo
Sharaftooda dhawrtoo
Magaceena dhaadhacay
Dhiiqada  ka qaadoo
Dhaska iga garaacdee .

Waxan dhawrayaa wali
Axmed Gurey dhashiisiyo
Faarax Nuur dhugtiisiyo
Dhamacdii Darwiishkiyo
Dhiiranoow Aweysiyo
Bashiir dhiidhigiisiyo
Dhawaqii Suldaaniyo
Barkhad dhaayihiisiyo
Dhammi  geesiyaashii
Dheddig iyo labooodkaba
Dhihid laguma koobee
Usha kulul la dhici jiray
Dhidarkiyo gumaystaha
Waxan dhawrayaa wali
Dhallintii xornimadiyo
Leegada dhiggoodiyo
Dhagaxtuur kolay tahay
Raggii dhiiranaayee
Dhagxumada ka diriraay
Iyo dhaadashada guud
Markay dhacanto maandeeq
Dhicinteeda awgeed
Nafhur uugu dhiman jiray.’’

Hadal iyo dhammaantii
Warka lama dhabqiyo oo
Dhexda lama sudhnaadoo
Dhurmi maayo  aniguye
Dhoohane dadkaygoow
Qofu maanku dheelliyay
Dhanjaf lagama cuudshee
Dhakhtar aynu aadnee
Dhibta maysla qiranaa?

Allaa mahad leh
Waxa-tiriyay: Hal-aqoon, Cali Xaaji Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
Biligdire/Facebook: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Hawraar © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.