Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

MASAYR: Maanso cusub iyo Maansoyahanka Siciid Gahayr

Halabuurka Siciid Maxamuud Gahayr oo faahfaahin kooban ka bixinaya tixdiisan cusubi waxa uu yidhi: “Tixdan Masayr waxa ay soo baxday 20/Disember/2012-ka oo aan ku

sugnaa magaalada Jabuuti oo aan kaga qaybgalay afartan-guurada qoraalka farta Soomaaliga. Waxa ay ka warramaysaa waayo iyo dhacdo martay shakhsi ummadda ka mid ah.” Haddaba waa kuwan meerisyadii maansadu:

Mafsuuska gobeed kashkaa mahadshoo

Mudeeca haween naftaa muhatee

Markaan ku bartaan muquurtay dhiboo

Intaan haftay mawjad baan mur dhamoo

Milgii adigaa maamuuska nacoo

Walaac maskaxdayda mashquul ku ladhoo

Tabtii mudacaad garaadka muddoo

Kolkaad maqalkii madluufisay baan

Ka maarmay inaan miciin ku bidee

 

Majiire xunbaad masayr hirdidoo

Adoo minan qoys masuul dhan ahbaad

Muraad dhagareed u mayrac tagtoo

Mamnuuc Alle diiday baad miratee

Waxaad midig saari midhaheedee

Maalmaa hadhay milicsandoonneeyey

 

Qacdaan milyan jeer masaalix unkeed

Jawaabta mayaa dhab soo mutuxday

Qalbiga murugadu ku meersantayoo

Sidaan milil cudur la jiifay mudduu

Dharaar midabkaygi muuqu libdhoo

Samii an mudnaa imaad marinoo

Macaanki darraad marwaan ahaydii

Shirqool mug lehbaad ku hoos macmashoo

Lurtaan maray maanso tirin maysee

 

Majiire xunbaad masayr hirdidoo

Adoo minan qoys masuul dhan ahbaad

Muraad dhagareed u mayrac tagtoo

Mamnuuc Alle diiday baad miratee

Waxaad midig saari midhaheedee

Maalmaa hadhay milicsandoonneeyey

 

Anoo madi geel ku maala gu’yaad

Malkooyin naqloo man daawada’oo

Xilkii madaxeedna maanka gashoo

Riyaaq la mushaaxa baad mudh tidhoo

Illaa meherkii mashaakiil dhacaa

Dhammaan muruq jiidh hankii murdiyoo

Dartaa magac dumar mas buu igu yoo

Inaan martiyaan ka maagaayoo

Midhkaad ku kacdaa macquul ka fogbee

 

Majiire xunbaad masayr hirdidoo

Adoo minan qoys masuul dhan ahbaad

Muraad dhagareed u mayrac tagtoo

Mamnuuc Alle diiday baad miratee

Waxaad midig saari midhaheedee

Maalmaa hadhay milicsandoonneeyey

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) – Hargeysa

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Hawraar © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.